“Gosol is mooddey gaadeeriyadii Guban ku naaxdaa” (WQ: Maxamed Baashe X. Xasan)

Beri dhowayto aniga oo nin oday ah sida uu Af Soomaaligii u sii dabargo’ayo ee maalinba uu luxudka ugu sii durkayo kala sheekaysanaya, ayuu tuduca ama baydka sare ku xusan ii mariyey oo igu yidhi bal maxaad kanna ku fasiri lahayd?

Oo dee maxaan ku macneeyaa?! Gosol iyo gaadeeri, oo ah labada isir ee gabyaagu beydkan is barbardhigga ku samaynayaa ee uu macnihiisuba ku qotomo, xaggee baan ula kacaa!

Odaygii baa ii macneeyo, welibana qaar kale na iigu sii daray. Markii uu se dhaadey in aan afkiisa eegayo oo ereygii uu yidhaahda ba aan qalinka kula roorayo, ayuu maankiisii ii godlanaa iga gaaggaxay!

Intii aan ka haleelay baan is leeyahay is dhaafi. Waa qaar ka mid ah labka iyo dheddigga ugaadha geyigeenna oo aan hore na halkan u soo dhigay, haddana ugu soo celiyey si intii aan hore u haleelini uga bogtaan.

Gosol iyo gaadeeri baa ka mid ah.

Waa “baqal fardo la mirataa dhiggood bay is mooddaaye”, gososha oo ah dheddigga biciidku waxa ay muuq iyo martabadba ka roon tahay oo iska biddaa gaadeeriyada oo ah dheddigga goodirka.

Qaar ka mid ah labka iyo dheddigga ugaadha:

Labka biciidka = Saryan, dheddiggiisana gosol ama cubley.

Goodirka dheddig = Gaadeeri/Adeeri

labka goodirka = Laba qoolle

Dheddigga gorayada = Gorayo-cawl, labkeedana goray-haldhaa

Sakaarada lab = Atoor, dheddiggeena yac, guunyo, golcas ama qusley

Labka cawsha = Jucuur, dheddiggeedana masaal
Garanuugta labkeeda = Liig
Labka maroodiga = Arbe, dheddiggiisana Qalanjo

Labka libaaxa = Aar, dheddiggiisa gool

Waraabaha lab = Dhurruq, dheddiggiisana Candhadheer

Fardaha: Lab = Sange, Dheddig = Geenyo
Bisaaska dheddiggiisa = dinnad ama makulaal ama yaanyuur, labka na curri

Dacaw iyo dayo

Halkaas baynu ka sii wadi karnaa, illayn waa wax isu gaygayne!