Gaboose mid kama yeelin, Madaxweynahana mid kama qaadan (WQ: Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”)

DR. Gaboose kama yeelin in isagoo ummadda ku wacdiyaaya kala fogaada uu shir intaa le’eg inta uu qabto, sawirada aan arkayna soo galo haddana yidhaahdo ” shaadhka cad ee nalagu ababiyay ayaa ii ogol ” , waxaan taa u arkaa in Dr. Gaboose uu ku dhacay qalad ay ahayd inuu qirto haddiiba lagu qabtayna uu raaligelin ka bixiyo.

 

Tusaale ahaan gabadha u sareysa Scotland dhinaca saynisyahanada oo maalin walba ka dhinac hadlaysay wasiirka koowaad ee Scotland ayaa booqatay guri kale oo ay lahayd oo ku yaalay meel 1mayl u jirta halka ay degan tahay, markii bolisku iyo saxaafadu ogaadeena way qiratay oo ay iska casishay xilkii ay ka haysay dhinaca caafimaadka, iyadoo ay weliba iscasilaadeedaasi diidan tahay wasiirka koowaad,  waxaanay ku qancisay in dadkii ay u sheegaysay shalay kala “fogaada oo ha gelina socod aan muhiim ahayn” inaanay mar danbe hor istaagi karin damiir ahaan, haseyeeshee waxa ay aqbashay mar haddii aqoon ahaan aan laga maarmayn in ay ka sii mid ahaanayso lataliyayaasha xaga danbe jooga.

Taasi waxay na tusaysaa in khalad uu ka dhici karo qof kasta oo aqoon leh,  laakiin muhiimadu ay tahay in la qirto.

 

Dalalka horumarka ka sameeyay dhinac walba oo caafimaadka ka mid yahay waxa shaqaalaha caafimaadka ay yihiin kuwa ugu badan ee laga ilaaliyo inay qaadaan cudurada faafa, islamarkaana aynu maalin walba dhegaysano iyagoo ka cabanaaya in aanay helin qalabka laysaga ilaaliyo ee laga xidho, markaa waxaan Dr. Gaboose lee yahay “adigoon weliba hayn qalab markiiba sheegi kara in mid ka mid shaqaalahaagu qaaday xanuunka inaad nagu qanciso inaad fasax u haysato maaha mid aan dhegaysanaayo,” sidaa daraadeed waxaan u soo jeedin lahaa inuu dhakhtarku arrinkaa qirto, raaligelina ka bixiyo oonu is daaficin.

 

Madaxweynahana waxaan lee yahay kaama qaadan in aad talo ka sugto wadaadada diiday inay ilaaliyaan Caafimaadka bulshada ee waa in go’aan dawladeed lagu xidhaa masaajidada, adigaa laguu doortay talada dalka, lagaalana xisaabtamayaa walaa Diktoor walaa wadaad , wixii talo wanaagsan haya ka qaado wixii aan go’aamada xukuumadda u hogaansamina fartana ku fiiq xalna ka gaadh.