Geeska Afrika; muhiimadda uu u leeyahay dunida (WQ: Jibriil Jirde)

 

Geeska Afrika waa gobol dhaca bariga Afrika. Kala duwanaanshaha dhulka, taariikhda, siyaasadda iyo dhaqanka ayaa ka dhigay gobolka mid u nugul khilaafka bulshooyinkiisa iyo dalalkiisa ba.

Geesku waa gobol leh taariikh weyn. Ganacsatada ayaa iskaga gudbi jirtay gobolka, waqooyi ilaa koonfur iyo galbeed ilaa bari. Boqoro ayaa ka soo baxay oo hadda na dhacay. Islaamka iyo Kiristaanka ayaa xididdo iyo sal ku leh, waxa ka soo bilaabma wabiga Niilka kaas oo u gudbo ilaa Masar.

Marka aad raacdo xeebihiisa bari waxa ku yaalla Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, dadkeedu na waxay ku jireen ganacsi muddo aad u dheer iyaga oo isku xidhayay gacanka iyo dunida inteeda kale.

Geeska Afrika waxa yaalla, istaraatajiyadda dhuleed ee ciddii aan ka faa’iidaysani ka qoomamooto, kuwa fahmaana ay ku tanaadaan. Waa gobol ay ku hirdamaan dalal ka baxsan gobolka iyo kuwa ka baxsan Afrika. Dawlad xumada, xasilooni-darrada iyo faragalinta shisheeye ayaa ka dhigtay mid had iyo jeer la daala dhacaya amni la’aan iyo dhaqaalo xumo.

Dhibaatooyinkaas in la xaliyo ma fududa, waayo? Geeska Afrika waa meel taariikh ahaan kala duwan, xataa may wadaagin gumeyste isku mid ah, Talyaani, Faransiis iyo Ingiriis ayaa soo maray, mid waliba dhaqan iyo taariikh gooniya ayuu kaga tagay. Suudaan, Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan waxa ka jira dagaalo sokeeye iyo fadqalalooyin aan xal loo helin.

Dalalka gobalkani  si yar oo fudud ayay u kala go’aan. Geeska Afrika waa meesha keliya ee kala go’a Eratariya iyo Koonfurta Suudaan la aqoonsaday, halka kiiska Soomaalilaan aannu weli aqoonsi caalamiya helin, balse uu aad u xoog badan yahay. Ma jirto meel kale oo dunida ka badan dhanka ciidanka nabad ilaalinta ama ha keenaan Qaramada Midoobay ama Midawga Afrika. Shan dagaal ayaa ka qarxay gobolkan Afartankii sannadood ee ugu dambeeyay, kuwaas oo saameeyay jaarka. Geeska Afrika waa meel haddii dalka aannu maarayn ama xakamayn dhibtiisa ay si fudud ugu gudbayso dhammaan gobolka.

Dagaalkii u dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya 1977kii, waxa uu daciifiyay khayraadkii labaddii Rajiim ee wakhtigaas ka talinayay, ilaa uu ugu dambayn sababay burburkooda. Soomaaliya waxa kala qaybiyay dagaal salka ku leh khilaaf sokeeye, kaas oo dhaliyay soo ifbaxa Al-Shabaab, ugu dambayn na fududeeyay faragalinta jaarkeeda sida Itoobiya, Kiiniya iyo Jabuuti iyaga oo ku sidkan Midawga Afrika.

Dhargigii Itoobiya waxa ka adkaaday, jabhaddii Tigreega (TPLF) iyo jabhaddii dadka Eratariya (EPLF) oo isbahaysanaya, isbahaysigaas ka takhalusay Xayle Salaase, ka dib madaxbannaanidii Eratariya waxa uu sababay dagaal dhexmaray Itoobiya iyo Eratariya 2001dii. Suudaan gudaheeda ayaa dagaal ka socday inyar uun ka dib markii ay qaadatay xornimadeeda, ilaa uu ugu dambayn sababay madaxbannaanida Koonfurta Suudaan. Raynrayntii Koonfurta Suudan judhiiba waxa baddelay dagaal siyasadeed kaas oo ragaadiyay dalka dunida ugu yar, mana suuraysan kartid xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca halkaasi.

Dhibaatooyinkii Gacanka iyo saamayntiisa Geeska

Ka dib gugii carabta, khilaafka u dhaxeeya Sunnida iyo shiicda ayaa ku leh saamayn weyn Geeska Afrika. Dagaalka Yemen ka bilawday ayaa sii kordhiyay muhiimadda gobolka, Sucuudigu waxa uu doonayaa in uu sii xejisto xulafadiisa Geeska. Sucuudiga iyo Imaaraatku waxay la samaysteen xidhiidho gaar ah dalalka Suudaan, Soomaaliya iyo Eratatiya. Arrintani waxay dhalisay falcelinta Itoobiya iyo Kiinaya oo xasaasiyad ka qaba aragtida Wahaabiisamka ee gobolka ku faafaysa.

Suudaan ayaa dalkeeda ka saartay Iiraan, iyada oo ku baddelatay Imaaraatka iyo Sucuudiga oo ay ka helayso dhaqaale buuran, maadaama ay ka xidhxidhan tahay dunida inteeda kale. Dekedda Cassab ayuu sidoo kale la wareegay Imaaraarku, halka uu Sucuudigu ballanqaad u sameeyay Soomaaliya si ay uga takhalusto Iiraan.

Markii uu dhacay dhibaatadii iyo jahawareerkii Gacanku, Sucuudiga iyo Imaaraatka oo dhinac ah iyo Qatar oo Tukigu la jiro oo dhanka kale ah. Arrintani waxay dab iyo gaas ku sii shidday xuduudaha la isku horfadhiyo ee Itoobiya, Eratariya iyo Jabuuti. Xaaladda xuduuduhu waxay soo ifbaxeen markii Juun 2017kii ay Qadar kala baxday ciidankeeda xuduudka ay ku muransan yihiin Jabuuti iyo Eratariya. Si dhakhso ah ayay uga faa’iidaysatay Eratariya oo ay ciidankeeda ugu soo daabushay. Jabuuti golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika ayay ka codsatay in la keeno ciidan nabad ilaalin ah., weli na ma guulaysan waanwantaasi. Xiisadda Gacanku waxay kordhisay shakiga ay Itoobiya ka qabtay in Masar ay ka leedahay dan weyn Geeska Afrika.

 Soomaaliya iyo Soomaalilaan

Soomaaliya waa dal ka tirsan jaamacadda Carabta, waxa aanay ku taal goob istaraatiijiya. Awoodaha Carabtu waxay ku hirdamayaan inay saamayn ku yeeshaan Soomaaliya. Sucuudiga iyo Masar ayaa waagii hore ku lahaa saamayn weyn, hadda se waxa ku weheliya Qadar iyo Imaaraatka oo ah awood soo baxday. Dhammaan dalalkani waxay ku hirdamaan siyaasadda Soomaaliya iyaga oo si fiican u darsay dhaqankooda qabyaaladeed.

Soomaaliya dhexdhexaad ayay ka noqotay khilaafka ka dhaxeeya Qadar iyo xulafada Carabta, waanay ka dhego adaygtay inay xumayso xidhiidhkeeda Qadar, laakiin way adkaan doontaa haddii ay waayaan taageerada maaliyadeed ee Sucuudiga oo ah ruuxda dhaqaajisa dawladda Soomaaliya.

Soomaalilaan oo ah dal ka madaxbannaan Soomaaliya ilaa 1991kii ayaa qaaday dhabbo kale, waxay dhinaca saartay Sucuudiga iyo Imaaraatka. Waxay la gashay heshiis ganacsi iyo mid milatari Imaaraatka. Heshiis lagu dhisayo dekedda Berbera, oo ay Soomaalilaan ka heli doonto 442 Milyan. Waxa aanay sidoo kale ka heli doontaa maalgalin lagu qiyaasay Ilaa 1 bilyan.

Gebogebo.

Waa in bulshada caalamku isu waafaqdo inay tahay musiibo in la dayaco Geeska Afrika, in daneeyayaasha gobolkani ay isku kaashadaan horumarka gobolkan halkii ay keliya kaga tartami lahaayeen, taas oo horumarinaysa amni ahaan, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan.

Kobcinta dhaqaalaha, hannaanka xisbiyada badan, ganancsi isku furan, la dagaalanka argagixisada iyo isdhexgalka bulshada ayaa keenaya horumarka Geeska Afrika iyo inay noqoto goob ku caanamaasha ammaan iyo dhaqaale.

Email: Jirde40@gmail.com