Gorfayn: Buugga Warjire ee uu qoray Axmed Siciid Cige 2020 (WQ: Sayid-Axmed Dhegey)

Marka aad buug gorfaynayso, waa in aad ujeeddo ka leedahay. Waa in aad farriin gudbinaysaa aad ugu talo gashay bushada loogu talogalay buugga iyo qoraagaba. Qoraagu waxa uu dareen dhaw ku eegaa gorfaynta oo ama wax badan buu ka qaataa ama wax yar ama waxbaba kama qaato. Qoraagu isagaa xor u ah qoraalkiisa, laakiin bulshada akhriyeysa ayaa iyaguna gorfaynta iyo buugga isla eega oo sidaa qoraaga ayey garaadkooda ku eegaan gorfaynta iyo buugga. Ujeeddadayda ugu mudan waa uun sixitaan, baraarujin iyo in mustaqbalka aynu soo saarno buugaag tayo sare leh.

Buuggan waxa qoray weriye caan ka ah deegaannada soomaalida oo dhan. Magaciisa waxa aan ku xasuustaa bilawgii Idaacadda Hargeysa dhammaadkii toddobaatanaadkii. Waxa aan qiyaasayey in uu in badan ka soo shaqeeyey Idaacadda Hargeysa, laakiin sida buugga ku qoran waa muddo dhawr sanno ah laga soo bilaabo 1978- 1981. Waxa kale oo xusuus ii ah, 1983kii oo aan u soo beddeshay dusgigii sare  ee 15 Mey ee ku yaalla degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho iyo xiisihii loo qabay Tiifii-gii cusbaa oo uu warka sheegi jirey Axmed Siciid Cige. Laga soo bilaabo 1978kii ilaa 2018kii ayuu Axmed ku soo jirey saxaafadda soomaalida. Waa muddo dheer oo ku siman 40 sannadood. Waaya-aragnimada intaa le’eg maxaynu ka sugaynaa? Wax badan baa aynu ka sugaynaa.

Waa buug aad u weyn 412 bog weeye. Jeldiga sare waxa ka muuqda sawirka qoraaga oo loo malayn karo in uu war tebinayey ama xog urursanayey. Buugga waxa loo kala qaadi karaa, dhawr qaybood, oo kala ah: Milicsiga noloshiisii, waaya-aragnimadii weriyenimo, ururintii taariikhda dad haldoor ah iyo dareenkii iyo waayihii uu kala kulmay xukuumadihii uu la soo shaqeeyey. Waxa aan ku horreyn doonaa buugga iyo qaybaha aan odhan karo waa loo baahnaa, oo taariikh mug iyo miisaan leh ayaa uu qoraagu inoo dhiteeyey.

Tognaanta buugga 

Taariikh Mug iyo Miisaan leh oo Xogogaalnimo ku Salaysan.

Axmed Siciid Cige, waxa uu ka warramay wax badan, waxaanse ka soo qaadanayaa dhacdo aan si fiican u xasuusto, oo aanan marnaba illoobi karin. Hore, warar duulduul ah mooyee, cid xogogaal ahayd oo wax ka qortay ama ka warrantay maan arag. Waase laga yaabaa inay jiraan qoraallo hore. Waa gu’gii 1988kii bishii labaad ee sannadka. Goobtu waa Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, waxa aan ka soo raacay bas u socday Hargeysa. Waxa la hadal hayey, beryahaa dhacdo yaab lahayd oo maxkamaddii badbaadadu ay qaadday. Dadku waxa ay aad u hadal hayeen kala soocidda siyaasiyiintii u xidhnaa xukuumadda oo gaar loo soocay Ismaaciil Cali Abokor iyo Cumar Carte Qaalib oo lagu daray siyaasiyiin kale iyo saraakiil ciidan oo la hayb ahaa Ismaaciil iyo Cumar. Dhinaca kale cabsi baa jirtey oo laguma sii dheeranayn hadalhaynta maxkamaddaas, balse hoos-hoos baa looga warramayey. Mucjisooyinka loo baahan yahay in dib loo eego ayey ka mid tahay, ilaa ogaalkay Ismaaciil iyo Cumar waa ay nool yihiin. Labdooda oo dil lagu xukumay ayaa nool intii wax xukumaysay oo Maxamed Siyaad u horreeyo, ma noola. Nafina saacaddeeda dhaafi mayso. Waxa laga joogaa 32sannadood.

Qoraagga buugga Warjire, waxa uu inoo soo gudbinayaa dhacdadaas oo uu maxkamadda goobjoog ahaa oo aan ahayn war looga warramay. Siyaasiyiintii maxkamadda la saaray waxa ay kala ahaayeen: 1) Ismaaciil Cali Abokor, oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii saddexaad ee Jamhuuriyaddii Soomaalida,2) Cismaan Maxamed Jeelle, wasiirkii dhaqaalaha 3) Cumar Xaaji Masalle, wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga,4) Cumar Carte Qaalib, wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibedda5) Maxamed Yuusuf Weyrax, wasiirkii maaliyadda, 6) Maxamed Adan Sheekh wasiirkii warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha, 7) Warsame Faarax Cali (warsame Juquf) wasiirkii xannaanada xoolaha. IHN,tee Warsame Faarax Cali jeelka ayuu ku dhintay 1983kii. Nimankaa waxa la soo qabqabtay bishii Juun 1982kii waxa xusid mudan, toddobadoodu isku beel kamay soo jeedin ee waxa lagu tuhmay uun inay isbeddel iyo talo badbaadisa dalka ay wadwadeen. Tuhunkaas ayaa lagu xidhay, waxaase yaab noqotay kolkii maxkamadda la horkeenay Ismaaciil Cali Abokor iyo Cumar Carte Qaalib iyo 15 xubnood oo la beel ah. Oo aan xilliyo kala duwan la soo qabqabtay una badnaa saraakiishii ciidanka Jamhuuriyadda boolis iyo milleteri.

Toddoba iyo tobankaas loo soo soocay hayb ahaanta waxa lagu xukumay badidooda dil, dhammaan siyaasiyiintii kale ee mar lala soo xidhay Ismaaciil iyo Cumar ee wasiirrada ahaan jirey, waa la sii daayey. Axmed Siciid Cige oo ka warramaya maalintii koowaad ee maxkamadda iyo jawigeedii waxa uu ku bilaabay sidan:

” Taariikhdu markay ahayd 2.2.1988 saacaddu markay ahayd lixdii subaxnimo, ayaan iska soo xaadiriyey xaruntii badbaadada dalka lagu magacaabi jirey ee ku taallay xaruntii baarlamaankii hore ee Somaliya ee badhtamaha magaalada Xamar. Waxaan la kulmay boqollaal askartii koofiyad casta ahayd ee Siyaad Barre oo meelwalba taagnaa. Waxay askartu ku hubaysnaayeen hub culus oo ay ka mid ahaayeen, taangiyo, beebeeyo, gawaadhida tiknikada iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Waxa igu dhacay qacdiiba argagax iyo fajac oo waxaan la yaabay cidda waxan oo hub culus ah loo soo qaatay illayn raggan siyaasiyiinta ah ee maxkamadda la keenayaa, waxaabay u xidhnaayeen toddoba sannadood oo bilaa xukun ahaa.[1]

Waxa uu sharraxaad fiican oo la sawiran karo jawigii Maxkamadda dibaddeeda iyo gudaheedaba innaga siiyey qoraagu. Dareenkiisii qof ahaaneed ayuu wax ka tilmaamay, oo tusaale ahaan, hubka goobta la keenay iyo sida aanay uba jirin xilligaa cid awood u lahayd in ay xataa erey ka tidhaahdo xaalladdaas. Mar kale isaga oo sharraxaya maxkamadda gudaheedii waxa uu yidhi:

“[…] Dadka hoolka fadhiyey way aamusnaayeen sidii oo ay geeri joogaan, marka laga reebo nimanka dharcadda[2]ah oo farabadnaa iyo ciidanka koofiyad casta oo iyagu dhexdooda sheekaysanayey oo kaftamayey, waxayna ahayd goob dareenkeedu kacsan yahay […]”

Marka uu qof goob joog ahaa xaaladda ka warramayo, waa muhiim, oo waxa uu kuu sawiri kara sidii xaalku ahaa. Waxaana u dheer qoraagga buuggan in uu ahaa weriye, takhasuskiisuba ahaa inuu war soo tebiyo. Sidaa awgeed ayaan dareemayaa sida uu dhacdadaas u sawiray iyo sida xidhiidhka ah ee uu buuggan ugu soo gudbiyey, oo aan qiyaasayo inuu hayey qoraallo u kaydsanaa. Waayo dhacdadan waxa ka soo wareegtey 32 sannadood. Sidaa awgeed waxa aynu odhan karnaa dhaqanka xusuusqorku waa muhiim, oo in aad dib u raacdo wixii aad buugga xusuusqorkaaga ku qortay ayaa muddo ka dib ku xasuusin kara wax aad illawday.

“Waxay dadkii liqi waayeen in Ismaaciil iyo Cumar iyo shan iyo toban nin oo kale oo badidooda laga soo xidhxidhay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyo Xamar oo isku wada beel ahaa (Isaaq) keligood la keeno maxkamadda.”

Sida uu tilmaamay qoraagu kolkii ay qoysaskii sugayey in dhammaan la horkeeno maxkamadda lixdii siyaasi ee isku marka la xidhay (ka toddobaad, Warsame Jugux) waxa uu ku dhintay jeelka. Waxa bilaabmay waxoogaa buuq ah iyo in cagaha dhulka lagu xoqo. Qoraaga oo sharxaya xaaladda bilawgii maxkamadda kolkii uu xeer ilaaliyihii yeedhiyey 17 eedaysane oo aanay ku jirin siyaasiyiintii kale waxa uu yidhi:

“Dadkii dacwadda dhegeysanayey ee ka soo jeeday Jeneraal, Cumar Xaaji Masalle, Dr, Maxamed  Aadan Sheekh iyo Maxamed Yuusuf Weyrax waxa iyaga ku dhacay qalbi-jab iyo layaab waxa loo kala soocay siyaasiyiintii xidhnaa oo intan isku beesha ah maanta loo keenay maxkamadda”

Si faahfaahsan oo xogogaalnimo ah ayuu u soo gudbinayaa qoraagu xaaladdaa kala guurka ahayd ee afaafkii burburkii Jamhuuriyaddii Soomaalida. Waxa uu qoraagu qorayaa, maalintii, bishii iyo sannadkii. Inta badan waxa aad la kulmaysaa qof doonaya in uu wax ka qoro dhacdo taariikhda gashay, laakiin ma hayo mana raadinayo inuu helo taariikhdii ay dhacdadaasi dhacday. Taasoo ku ah milicsiga taariikheed dhaawac. Qoraaga buuggani, taa wuu ka badbaadiyey wax badan oo uu buugga ku soo bandhigay waxa uu raaciyey taariikhdii ay waxaasi dhaceen. Tusaale haddaan u soo qaato, taariikhda uu yidhi 2.2.1988, waxa inbadan la igula murmay in maxkamaddaasi ay dhacday 1987kii ama 86kii. Dadka sidaa ku doodayey, waxa isu qaban weyday burburkii iyo dagaalkii 1988 iyo maxkamaddaasi inay isku sannad ahaayeen. Aniga ahaan, 16/02/1988 ayaa iigu danbaysay Muqdisho. Si fiican baan u xasuustaa hadalhayntii iyo niyadjabkii dadkii aan ugu imi magaalooyinka  Burco, Sheekh iyo Hargeysa. Saddex bilood ka dib waxa aan galay buuralayda Golis ee dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Sheekh. Sidaa awgeed si fiican baa ay iigu sawiran tahay xaalladdaas uu qoraagu sharxay.

Warbixintaa maxkamadda ee 1988kiibuugga WARJIRE ee uu qoray Axmed Siciid Cige aan ku soo afmeero shan iyo tobanka xubnood ee maxkamadda la horgeeyey oo aan xasuusto in aanay dadkii Muqdisho war badan ka hayn, keliya waxa la maqlay magacyo la lahaa waa dil. Qoraaga buuggani waxa uu soo gudbinayaa 15 kii magacyadoodii oo aan ka gartay Kornayl, Axmed Maxamed Halac oo ku geeriyooday magaaladan Stockholm dhawr sanno ka hor. Waxa kale oo aan magac ahaan gartay Dr. Cabdi Ismaaciil Duse iyo Kornayl Cabdillaahi Jaamac Galaal[3]oo aan qiyaasay uun inuu halyeygii, Muuse Galaal adeer u ahaa.

  1. Kornayl. Axmed Maxamed Halac
  2. Kornayl. Maxamed Cabdi Aadan
  3. Dr. Cabdi Ismaaciil Duse
  4. Eng. Saleebaan Nuux Cali
  5. Kornayl. Adan Maxamed Samakaab
  6. Kornayl. Cabdillaahi Jaamac Galaal
  7. Xuseen Ismaaciil Cabdi
  8. Cabdi Cabdillaahi Madar
  9. Eng. Faarax Xuseen Axmed
  10. Jaamac Cismaan Ismaaciil
  11. Maxamed Xasan Dalab
  12. Maxamed Saleebaan Yuusuf
  13. Ismaaciil Xoorre Qaloombi
  14. Cabdillaahi Jaamac Samatar
  15. Axmed Cumar Cabdillaahi

Dilkii Madaxweynihii Jamhuuriyaddii Soomaalida

Cabdirashiid Cali Sharmaarke (15/10/ 1969)

Dilka IHN, Cabdirashiid oo mar ahaan jirey Raysalwasaare, markii la dilayna ahaa madaxweyne. Waxa ay dadka soomaalidu u arkaan in aan la helin jawaabtii dilkaas oo qeexan. Sababtii loo dilay ilaa maanta lama garanayo. Waxa la isweydiin karaa, Jeneraal Maxamed Siyaad Barre iyo saaxiibbadii, ma dilka ka dib ayuun bay ku tashadeen inay inqilaab sameeyaan oo dabadeedna ay ku guulaysteen shan malmood gudahood? Mise qorshe hore ayaa jirey? Dilkaasi naxdin ayuu ku ahaa soomaalida oo dhan, waana xukuumaddii ugu danbaysey ee la soo doortay. Wixii dilkaa ka danbeeyey waxa ay soomaalidu gashay gacan aanay ka bixi karin oo dhammaadkiina uu noqday burbur iyo barakac. Haddaba, buuggan waxa aan kula kulmay qiso yaab igu noqotay. Waxa ay yaab iigu noqotay in uu nin goobjooge ahaa ka warramayo wax aynaan horeba u maqal oo tuhun weyn inna gelin kara. Waa marka aynu rumaysanno ninka uu waraystay qoraagu, laakiin kollayba warbixintani waxay noqon kartaa, bar tilmaameed laga soo anbaqaadi karo, baadhitaan dhammaystiranna lagu heli lahaa. Ninka uu waraysigan iyo xogtan ka qaaday waa Maxamed Ibraahin Xayd (Xiis) oo sarkaal boolis ah ahaa xilligaa 1969.

–      Cige Su’aal:Waxaad iiga warrantaa nasiib wanaag fursaddan aan kuu helay adigoo goob joog u ahaa markii lagu dilayey madaxweyne Cabdirashiid magaalada Laascaanood 15kii Oktobar 1969 siduu u dhacay […]”?

–      Jawaab: Wallaahi dee warka soomaalidu waa iska badan yahay laakiin anigu shakhsi ahaan markaan ahay Maxamed Ibraahim Xayd (Xiis) waxaan u haystaa inuu isagu Maxamed Abshir[4]ku lug lahaa, sababtoo ah dee Xamarna inbadan ayaan ka soo shaqeeyey oo dee nin boolis ah ayaan ahaa oo wax kala garanaya oo mutacallim ah, markii aan Laascaanood joogayna sidii uu dilku u dhacay ama dadkii la socday madaxweynaha ee madaxda ahaa ama markii danbe ee aanu gacankudhiiglihii qabanayba hadallo uu na yidhi oo aannu ka soo dhexsaarnay baadhistii.”

Waraysigan oo dheer, waxa uu qoraagu innoogu soo gudbinayaa sidii uu u waraystay sarkaalkaas booliska ahaa. Inkasta oo uu magacdhebey IHN Maxamed Abshir, laakiin tuhunkiisa waxa uu ku aroorinayaa nin kale oo sarkaal ahaa oo joogay Laascaanood iyo sida uu waraysiga ku sheegay xidhiidhka ka dhexeeyey ninkii dilay madaxweynaha. Isaga oo taa faahfaahinaya waxa uu yidhi:

“Borogaraamka hore ee aannu haysannay kuma uu jirin in madaxweynuhu imanayo Laascaanood, isla habeenkii 14 Okt 1969 ayaa haddana siddeeddii iyo badhkii habeennimo waxa soo dhacay taar labaad oo nalagu wargelinayo in soddon askari oo daraawiishta booliska ahi ka soo baxeen magaalada Burco oo ay ilaalinayaan nabadgelyada guud ee madaxweynaha oo wata laba diyaaradood inta yar ee uu joogo Laascaanood, waxaana soo diray taarkaas labaad Laba xiddigle, Cabdi Raabbi oo ahaa taliyaha Ciidanka Daraawiishta booliska ee gobolkii Waqooyi Bari ee Burco” (… bogga 97-aad )

Mudane Xiis, waxa uu ka warramay sida uu xogogaalka u ahaa, waayo isla habeenkaa taarka labaad loo soo diray ee ciidankii Burco lagu wargeliyey inay u imanayaan Laascaanood nabadgelyada madaxweynaha, waxa uu ahaa ninkii heeganka ahaa habeenkaas. Waxaanuu ahaa danbi baadhe waxaana isaga taliye u ahaa Laba xiddigle, Cabdillaahi Bay-lambar qaybta CID-da. Haddaba habeenimadii kolkii ay ciidankii Burco ka yimi soo gaadheen Laascaanood maxaa dhacay? Waa kan Maxamed Ibraahin Xayd (Xiis) oo ka warramaya tuhunkii ugu horreeyey ee galay isaga iyo CID-dii Laascaanood.

“Laba Xiddigle Beddel Xirsi[5]wuxuu markiiba isla saacaddiiba labadii iyo badhkii habeennimo ee 14 Okt 1969kiiuu ka dhexqaatay askartii laga keennay Burco nin askari ahaa iyo qorigiisii oo uu ku ritay gaadhigiisii oo ay wada raaceen (Waa askariga subaxa dili doona madaxweynaha). Askari lahaa shaqada gaadhka irridda hore ee saldhigga booliska ee magaalada Laascaanood ayaan weydiiyey oo ku idhi muxuu ahaa gaadhiga aad joojisay? Wuxuu iigu jawaabay wuxuu ahaa, gaadhigii taliyaha saldhigga laba xiddigle Beddel Xirsi oo waxa uu gaadhiga ku qaatay askari iyo qorigiisii oo ka mid ah askartii caawa ka timi Burco oo xaggaa suuqa ayuu la qabtay, waxaan ku idhi, ku qor buugga denbiyada saacadda ay israaceen taliye Beddel Xirsi iyo Askariga uu suuqa u qaatay”

Maxamed Ibraahin Xayd, waxa uu sii faahfaahiyey oo waraysiga Axmed Siciid Cige uu ugu sheegay wax fara badan, oo la xidhiidha tuhunka taliyahoodii ciidanka saldhigga booliska ee Laascaanood Beddel Xirsi. Waxa uu ka warramay in aanay waxba tuhunsanayn markii hore balse markii dilku dhacay ayey raadraacii ay sameeyeen ula galay in uu lug ku lahaa taliye Beddel Xirsi, oo aan ku ekaan habeenimadii uu askariga qaaday ee haddana maalinimadii uu dili doono madaxweynaha ayuu keenay goobtii uu ku diley. Isaga oo taana uga warramaya qoraagga buugga Warjire ee Axmed Siciid Cige waxa uu yidhi:

[…] Hadalladii oo socda, anigoo dibedda taagan ayuu taliyahaygii CID-da laba xiddigle Cabdillaahi Bay-lambar soo baxay ayuu igu yidhi, orod oo tag halkii loogu talogalay in ay shaaha ka cabbaan madaxweynaha iyo wefdigiisu, ee dugsigii tababarka hablaha ee Wommen’s Clubka ee magaalada Laascaanood …. Halkii ayaan tegey. Waxyar ka dib ayaa laba xiddiglihii saldhigga booliska Beddel Xirsi oo gaadhigiisii wata oo ku sita askarigii naftiisii ee aannu ka shakisnayn ee diley madaxweynaha iigu keenay xaruntii tababarka hablaha … wuxuu igu yidhi Beddel Xirsi, … Maxamedoow! askarigaasi ha taagnaado koonahaasi, albaabka laga soo galo ee xaruntii dugsiga […]

Dilkii dhac, ninkii la qabay. Madaxweynihii rasaas badan ayaa ku dhacday oo sida uu sheegayo ninkan uu waraystay qoraagga buuggu, wuu ku dhammeeyey rasaastii qorigiisii. Maxaa ka danbeeyey? Sida uu sarkaalkani sheegayo, haddii ay jirto waxa caddaan ah in laga danbeeyey dilka madaxweynaha oo uu ahaa mid qorshaysan. Waxa uu sii tilmaamay ninkan denbi baadhaha ahaa, in kolkii xukunka ay la wareegeen milleterigu 21 Okt 1969 maxkamad la saaray ninkii dilay madaxweynaha oo lagu naanaysi jirey Jahannamo, balse raggii ay tuhunsanaayeen qaar ka mid ah waa la dallacsiiyey. Inkasta oo aanuu sheegin kuwa la dallacsiiyey, waxa loo qaadan karaa taliyihii saldhigga booliska ee Laascaanood xilligaas Beddel Xirsi[6]. Waraysigan oo ku kooban su’aalo iyo jawaabo dhexmaray weriye Axmed Siciid Cige iyo Maxamed Ibraahin Xayd (Xiis) waa war aan in badani maqal oo aan ka mid ahay. Run iyo Been ka uu yahay Ilaah baa garanaya, laakiin baadhis la’aani inay jirtay xilligaas oo Kacaankii 21 kii Okt uu dabool saaray waa hubaal.

Taariikh Nololeedka Dad badan oo uu Buugga ku Qoray

Buugga waxa ku jira tiro dad badan oo uu taariikhdooda oo kooban ku soo gudbinayo buuggan. Dadkaas oo ay ka mid yihiin abwaanno suugaanta ku caan ah iyo siyaasiyiin xilliyo kala duwan ku soo jirey siyaasadda soomaalida gaar ahaan Somaliland. Taariikhaha qof ahaaneed waa muhiim oo waxa laga dhex arkaa geeddisocodkii noloshiisa. Kuwa aan ad u xiiseeyey waxa ka mid ah IHN, Suxufi, Siyaasi Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan” oo ahaanna bulshoyaqaan in badan halgan ugu jirey wax ka fahamka habnololeedkii soomaalida iyo dhaqanka soomaalida guud ahaan. Waxa kale oo ka mid ah Cismaan Axmed Xasan (Cismaan Indhoole) oo ahaa guddoomiyihii la wareegay xilkii Somaliland Protectorate 26 Juun 1960kii. Aad baa ay u badan yihiin taariikhahaas qof ahaaneed ee uu buugga ku soo ururiyey oo noqon kara diiwaan la raaci karo marka loo baahdo.

Tabnaanta Buugga

Kama Yeeli Karno In uu Aqoonyahan Suxufi ahi Sidan wax u Qoro!

Wariye Axmed Siciid Cige, sida taariikhdiisa ku cad waxa uu ku soo jirey saxaafadda muddo ku siman 40 sannadood. Keliya ma aha inuu saxaafadda ku soo jirey ee waa nin aqoon sare u leh saxaafadda. Habka loo qoro, warka, faallada iyo maqaallada ayaa bar bilaw u noqon karta habqoraalka iyo xeerarka lama dhaafaanka ah. Kama hadlayo higgaada afsoomaaliga oo buugga ka dhexmuuqata sixid la’aanta baaxadda leh ee buugga ku jirta. Waxa aan ka hadlayaa, waa xeerar kooban oo qof kasta oo qalin u qaata qoraal, nooca uu doono ha noqdee laga rabo inuu raaco. Waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa qaar ka mid ahaa kuwaas.

Magaca waxa lagu bilaabaa xaraf weyn

Qof kasta oo in uun dugsi hoose wax ka dhigtay oo lagu yidhi CURIS soo qor, wuu garanayaa in magaca lagu bilaabo xaraf weyn. Ma qabo in uu Axmed Siciid Cige garan waayey, laakiin waa uu u badheedhay. Ma aha mar, laba, saddex ee waa tobonnaan jeer, ee magac lagu bilaabayo xaraf yar. Tusaale aan badnayn aan buugga innooga soo dheego. Laakiin qofka buugga akhriyaa badweyntaa qaladaadka higgaadda, xarafka yar ee lagu bilaabayo magac iwm bog kasta waa uu kula kulmayaa.

Magac qof: Maxamed Cali askar(bogga 32), cumar carte(60-aad), Maxamuud geelleYusuf, geelle, qaalib (65-aad),cismaan mayow (67-aad)Maxamuud Cabdi iidle, cumar muuse, (71-aad) Cabdirashiid Cali sharma’arke(99-aad) Maxamed adamDacar (218-aad) Maxamuud Cabdi shide (89-aad)

Magaca meel: muqdiho= Muqdisho ( higgaaduna way qaldantahay  60-aad), puntland(113-aad), kismaayo(99-aad) borama(243-aad)

Joogsiga iyo Hakadka Ka Dib.

Si akhrisku u fududaado iyo kala shubnaanta erayada, waxa xeer qoraal la isla yaqaan ah in aad hal mar ka sikato (durugto) joogsiga iyo hakadka. Buuggan wax xil ah oo arrintaa la iska saaray ma jirto. Waana in uu erayga joogsiga ku xigaa ku bilaabmaa xaraf weyn. Tusaaleyaashan kooban ayaan ka soo qaadanayaa buugga. Si aad u fahamto waxa aan u jeedo

  “[…] kala dhexgal oo ka dus ,laakiinsaddex alifle ka tirsanaa […]”  (98-aad)

  “[…] muqdisho ku gudajira  ,uusoo dhacay war sheegaya in  […]” (21-aad)

  “[…] nin xumi qabiil kasta ku jiro ,laakiinsedadka soomaaliyeed […]” (77-aad)

“[…] Isla markii uu soo gaadhay xamarwaxa Maxamed Cabdulle Danan loo taxaabay xabsiga muqdisho, waxaana lagu eedeeyey inuu sameeyey denbi iyo foolxumo ka dhan ah sharafta iyo karaamada diinta islaamka iyo haybadda qaranka soomaaliyeed. waxaanamaxamadii muqdiho ku xukuntay […]”  

Lama soo koobi karo oo lama odhan karo qoraagu waa mar iyo laba uu ilduufay ee buugga bilaw iyo dhammaad waad kula kulmaysaa, qaladkaa aan hubo in uu aqoon u leeyahay qoraagu. Waa maxay sababta uu sidaa ugu daabacay buugga? Ma garanayo mana qeexi karo aan ka ahayn degdeg uu doonayey in uu buugga dhakhso u soo saaro. Degdeggaasi waxa uu dhaawac weyn ku yahay buugga iyo dhadhankii wanaagsanaa ee akhriska. Waxa kale oo uu dhaawac weyn ku yahay mustaqbalka iyo qoraalka afsoomaaliga, oo buuggani waxa uu gelayaa dhaxalka buugaagta afsoomaaliga ku qoran. Waxaana qoray suxufi ruug caddaa ah oo aqoon sare u leh hab qoraalka. Suurtagal miyey noqon kartaa in uu qoraagu waa Axmed Siciid Cige’e uu afingiriisi qaldan inoo qoro? Maya ma dhici karto. Haddii ingiriisida aynu xeerkeeda marinno, afsoomaaliga miyeynu iska yeelnaa dee waa MAYA.

Sidee baa ay ku dhici kartaa in aynu ka aqbalno buugga sidan loo dayacay qoraalkiisa inuu dhaxal noqdo. Waxa aan jeclaan lahaa in uu qoraagu dib u daabaco buugga, oo uu qaato talada gorfayntani siinayso. Buugga waxa ku jira taariikh mug weyn oo xogogaalnimo ku daahan tahay, loona baahnaa. Waa xog qofkii koowaad soo gudbinayo oo aan badhax lahayn. Sidaa awgeed, in dib loo tifaftiro, oo la saxo buugga WARJIRE waa lagama maarmaan.

Qoraagu Muxuu u Baahan yahay?

Waxa uu qoraagu u baahan yahay cid la saxda oo u hagar baxda tifaftirka buugga. Dunida hore u martay, cid baa masuuliyadda tifaftirka qaadata oo lacag lagu siiyaa. Waxa kale oo xilkaas qaada qof kuu hagar baxaya oo buugga bilaw ilaa dhammaad soo akhriya talo iyo tusaalena siiya qoraaga. Xaaladda uu buuggu soo maraa ee qoraagu u baahan yahay waa labo marxaladood, kol higgaada la saxayo iyo mar habaynta buugga laga talo-bixinayo. Maaddaama aanuu afsoomaaligu lahayn barnaamij[7]lagu saxo sida afafka kale u leeyihiin, waa lagama maarmaan in qoraagu ka codsado ugu yaraan saddex qof oo buugga soo akhriya, oo dedaal geliya buugga. Laakiin mustaqbalka waxa aynu u baahannahay inay samaysmaan shirkado arrinkaa iyagu ku shaqaysta oo qoraaga kala wareega tifaftirka. Waxaanse isweydiinaya, ma ku baraarugsanaa qoraagga buuggani xaalladdaas ah inuu caawimo u baahnaa?

Qoraagu keligii ma habayn karo buugga uu rabo inuu qoro. Waxa uu u baahan yahay gacmo kale, oo aan xataa ku koobnayn qof keliya. Ugu yaraan saddex qof kama maarmi karo qoraagu oo soo akhriya buugga. Waa culays oo ma fududa qof wakhtiga intaa le’eg kuu huri kara, waase lagama maarmaan. Madbacadda daabacday oo ah SAGALJET in intee le’eg baa ay mas’uul ka tahay tayada buugga? Haddii ay tahay madbacad ilaashanaysa sumcadda madbacadnimo waa in ay buugga akhridaa, saxdaa, oo ku qanacdaa inay daabacdo. Ma odhanayo waa inay higgaada afsoomaaliga sida ugu saxan u eegtaa, ee waa inay eegtaa meelaha aasaaska qoraalka sida xarafka weyn ee lagu bilaabayo magacyada iyo joogsiga ereyga ka danbeeya ee ku bilaabmaya weedha kale. Habaynta iyo tifaftirka buugga inta badan madbacadda ayaa leh oo magaceedu ku qoran yahay. Waxaase jirta mar aanay madbacaddu mas’uul ka ahayn oo ay daabacayso uun, waase marka ay mashiinka lagu daabacayo uun tahay. Taas oo macnaheedu yahay in aanay ahayn soo saarihii buugga. Kolkaa kuma qorna madbacadda daabacday magaceedu ee waxa Publisher noqon kara qofka buugga qoray.

Gebagabo

Waxa aan ku soo koobayaa qoraalkayga. Axmed Siciid Cige oo ah qoraagga buuggan, waa in uu macallin innoogu noqdaa habqoraalka. Waayo saxaafaddu waa ta koowaad ee qoraalka iyo erey bixintaba kow ka ah. Si buugaagtu ugu tartanto habqoraalka toolmoon, waa in aynu helnaa dhallinyaro si hufan oo qumman wax u qora, islamarkaana samaysta shirkado tifaftirka iyo qaabka buugga ka shaqeeya oo ku qaata mushahar si ay ugu noqoto shaqo ay ka shaqaystaan. Madbacaduhuna waa inay yeeshaan qaybta tifaftirka oo aanay buug kasta iska daabicin. Waa haddii ay masuuliyad iska saarayaan buugaagta dhaxalka gelaysa.

Waxa aan u mahadnaqayaa qoraaga buugga Axmed Siciid Cige oo aan uga mahadnaqayo xogta faraha badan ee muhiimka ah ee aad noo weelaysay. Dhigane ay ku jiraan xog badan oo la xidhiidha geeddi socodkii Jamhuuriyaddii Soomaalida ilaa burburkii. Waan hubaa in aad buugaag kalena ka qori karto waya-aragnimadaadii dheerayd. Buugaagta xusuusqorku waa kuwa marka danbe la raadraaco ee noqda ceelka taariikhda looga arooro. Maxkamaddii aad goobjoogga u ahayd, waxay ka mid tahay dhacdooyinka aan si yar lagu heli karin. Sida aad u kaydisay waxa ay muujinaysaa aqoontaada weriyenimo. Hambalyo Hambalyo.

Nabad iyo Caano

Sayid-Axmed Dhegey

Iswidhan, 01/06/ 2020