Ugu horayn waxaa uga mahadnaqayaa bahda Akhris wadareedka ee Silanyo Public Library oo igu sharfay in aad soo bandhigo buuga uu qoray Qoraaga wayn ee Maalik bin Nebi ee la yidhaa “مشكلات الحضارة و شروط النهضة”
Malik ben Nabi wuxuu ahaa faylasuuf, fogaan-arag, qoraal midiidin muslim ah una dhashay dalka Algeria. Waxa uu wax ku bartay dalkiisa xiligii uu gumaystihii faransiisku haystay, iyo dalka faransiiska laftiisa. Xirfad ahaan wuxuu ahaa ingineer, laakiin diinta islaamka, cilmiga bulshooyinka iyo taariikhda ayuu aad ugu xeel dheeraa.
Maalik Bin Nebi waa mid ka mid ah aqoonyahanka muslimiinta ah ee loo daba -fadhiisto gorfaynta iyo daraasadaynta xaddaarada islaamka iyo guud ahaan hayaanka xadaarada aadanuhu maraan.
Buugiisa “مشكلات الحضارة و شروط النهضة” “Shuruudaha Horumarka umadaha” waxa uu kusoo beegmay xili ay burburtay dowladii waynayd ee islaamku oo bulshooyinka muslimiintu ay ku hoos jiraan gumaysigii reer galbeedka. Xili umadii islaamka ee aduunka mar hogaamin jirtay, dhinac kasta oo ay noqotaba, ay u kala firidhay gobolo iyo dowlado yaryar oo itaal daran oo gumaystuhu sida uu doono ugu tagri falo.
Dowlado u ekayaal itaal daran, cudurada iyo jahliguna biyo dhigeen, guul daradduna ay han jabisay.
Maalik Bin Nebi waxa uu isku deyayaa in uu qeexo dhibta dhacday inta ay leegtahay, in uu mutuhiyo sababta keentay musiibada muslinka ku habsatay, iyo in uu baadi goobo xalka lagu furdaamin karo dhibka jira. Isku dayga noocan oo kale ah, Maalik Bin Nebi keli kuma ahayn. Rag badan oo aqoonyahan ah ayaa isku deyay in ay dib u dhaca muslimiinta sababteeda sharaxaan, laakin Bin Nebi waxa uu ka eegay doc kale oo aan hore looga deyin.
Maalik Bin Nebi waxa uu isku deyayaa in uu qeexo dhibta dhacday inta ay leegtahay, in uu mutuhiyo sababta keentay musiibada muslinka ku habsatay, iyo in uu baadi goobo xalka lagu furdaamin karo dhibka jira. Isku dayga noocan oo kale ah, Maalik Bin Nebi keli kuma ahayn. Rag badan oo aqoonyahan ah ayaa isku deyay in ay dib u dhaca muslimiinta sababteeda sharaxaan, laakin Bin Nebi waxa uu ka eegay doc kale oo aan hore looga deyin.
Maalik bin Nebi waxa uu leeyahay kooxaha kala duwan ee u banbaxay saafidda eelku way darjiidheen, sababtoo ah waxay ku mashquuleen astaamihii xannuunka ee mililkii halkiisii ugu may tegin. Koox diimeedyadu arinta waxay kusoo koobeen aragti diineed oo ku salaysan sida ay iyagu u fahmeen diinta; Kuwa cilmaaniyiintuna waxay aragti diin ku mucaarid ah oo raali gelinaysa rabitaan gumaysiga; kooxaha dhaqaale yaqaanku dhibta waxay ku sababeeyeen dhaqaale xumo uun; sidaa darteen qolokastaa aragtideedu may dhaafin majaalkeeda.
Maalik Bin Nebi waxa uu leeyahay dhibaatada muslimiinta ku dhacday waa karaar-jab xadaaradeed “ مشكلة حضارة civilisational crisis”. Ummada islaamku waxay dhistay ilbaxnimo “xadaarad” gundheer oo aduunka oo dhan saamaysay; ilbaxnimadaasi sida xadaaradaha lagu yaqaan ee qaaciidada u ah, waxay ka unkantay saddex udub oo aan kala maarmin: sadexdaasi waxay kala yihiin Dadka, Dhulka, iyo Wakhtiga (الانسان، الارض، الزمن). Kuwaasi waa tiirarka ay isku taagto xadaarad kastaa. Hadaba waa goorma marka sadexdaa rukun ay xadaarad dhalin karaan? Waa marka ay helaan fikrad Diineed oo sadexdaa cunsur siraada, dardar gelisa, hami ku abuurta iskuna haysa.
Diinta islaamku waxay ahayd waxyi xanbaarsan farriin mug wayn oo bedeshay hab-fikirkii dadka, dhaqankoodii iyo qiimayntii ay nolosha siinayeen. Waxay bedeshay aragtidii ay nolosha ka aaminsanaayeen, waxaanay fahmeen yoolka ka danbeeya jiritaankooda. Waxay ahaayeen dad noolaa xili mugdiga jahligu huwanaa aduunkooda, dad ilbaxnimo hore aanay soo marin; dad qalbigoodu u diyaar yahay in ay biyo dhigto fariinta waxyigu oo ku dhaqaaqa hirgelinta fariinta. Dadka noocan ah ee farriinta diintu soo gaadhay, Maalik Bin Nebi waxa uu ugu yeedhay dadkii ilbaxnimada ka horeeyay “ الانسان قبل الحضارة pre-civilisation man”, waxaana uu ku sifeeyay qof u diyaarsan hirgelinta ahdaaf aad u waawayn.
Maalik bin Nebi xaddaarada islaamka waxa uu kasoo bilaabay “Qaaru-xiraa غار حراء”; maalintii aayadii ugu horaysa Nebiga عليه الصلاة و السلام lagu soo dejiyay. Waxa uu leeyahay maalintaas waxa bilaabantay hayaanka koritaanka xaddaarada islaamka, waayo? Waxa is helay Dad diyaarsan, Dhul, Wakhti iyo Fariinta diinta islaamka ee sadexdaa cunsur isla falgelin lahayd.
Isagoo dhisaya doodiisa, Maalik bin Nebi waxa uu leeyahay xaddaaraduhu waxay maraan saddex marxaladood oo isku xiga. Xaddaarada islaamku, waxa uu leeyahay, waxay isaga gudubtay saddex marxaladood oo ay ugu horayso marxallada uu u bixiyay “ مرحلة الروح Marxallada ruuxda”. Marxalladani waa marka qiyamka diintu ka xoog bataan rabitaanka nafta qofka; fikirka diiniga ah ayaa wax kasta kaga xoog wayn qalbiga qofka taasina waxay keenta in qofku u hogaansanaado fariimaha waxyiga isagoo ku qanacsan. Marxallada labaad waa “ مرحلة العقل Marxallada caqliga” oo ah heerka labaad ee xaddaarada. Waa marxallada caqliga (reason) iyo ruuxdu (spirituality) isu dheeli airman. Marxalladan waxa bulshadu u jeedsataa camirida dhulka, hindisida aqoon aduun oo cusub, ku fidinta awoodeeda dhulal cusub, iyo ku beretanka raaxaysiga.
Markasta oo marxalladan labaad sii dheeraato waxay sii Itaal dareeya dhinaca ruuxiga ah ee xaddaarada waxaana sii xoogaysta ku loolanka aduunyada, waana halka ay ka bilaabanto in ay wiiqanto Xaddaaradu.
Marxalada saddexaad ee xaddaarada oo ah marxallada qofka ay hogaamiso rabitaankiisa iyo hawadiisu, waxaana uu u bixiyay “مرحلة الغريزة …Marxallada ay sarayso rabitaanka qofku.. Instinct stage”
Maalik bin Nebi waxa uu tilmaamay in muslimka dhibta ku dhacday ay salka ku hayso fariintii waxyiga ee badhi-taaraysay jiritaankooda oo ay ka leexdeen, waxaanay ku mashquuleen ku raaxaysiga badhaadhihii iyo dheeraadka nololeed ee ay keentay xaddaaradu. Umadii muslinka ahayd waxay ka abaarowday garaadkii, waxaana ka lumay hal abuurkii nolosha, dhiiranaantii, naf Huridii, iyo isku kalsoonidii. Arimahan oo dhan waxay horseedeen in cadowgii ka haybadaysan jiray soo hungureeyo kuna soo dhiirado.
Umadii Muslimka ahayd halkii ay dib ugu laaban lahayd farriintii waxyiga ee ay marlabaad u dheegan lahayd nuxurkii diinta waxay u riyaaqday afkaartii cadowgu uu hindisay ee degelkiisa ka tisqaaday. Waxay soo dhoofsadeen aragtiyo aan lagu dabaqi karin deegaanka umadda muslimka ah oo qaloodi ku ah. Artiyaha ay ka midd yihiin Shuuciyada, hanti-goosiga, cilmaaniyada, dimoqraadiyada, iyo communism ka ayuu ku tilmaamay qaar aan ka hirgeli karin dhulka islaamka, soona celin karin haybad iyo horumar Islaam.
Maalin bin Nebi waxa uu si guud u dul maray qadiyada dumarka iyo doorka ay ku yeelan karaan dib u soo noolaynta umada muslimka ah,isagoo duray aragtida gumaystuhu inoo soo waarida ee ku saabsan waxay ay ugu yeedheen xoraynta dumarka. Waxa uu soo jeediyay in aqoonyahanka muslinku dib u eegaan kaalintadumarku ka gelayaan dhismaha bulshooyinka.
Maalik bin Nebi waxa uu qirayaa in ay jiraan caqabado waawayn oo dibada kaga imanaya dunida muslimka oo ay ka midd tahay faro-gelinta gumaystuhu; waxase uu aaminsan yahay in taasi ay fursad ka heshay muslimiinta oo u nuglaaday in la gumaysto. Markii umada muslimku ay ka tagtay nuxurkii diinta, waxay tusaale iyo hormuud ka dhigatay aragtiyihii laga soo waarida reer galbeedka, waxay ilbaxnimo u arkeen canjilida dhaqanka gumaystaha, waxay isku deyeen in ay sidiisa u fikiraan, u noolaadaa, u lebistaan, oo xataa u hadlaan taasina waxay keentay in ay noqdaa bulshooyin la gumaysan karo oo difaacii ka lumay “ muslim Umah lost immunity by abondoning its culture and religious identity”.Xaalada noocan ah waxa uu u bixiyay “ القابلية للاستعمار susceptibility to colonisation” Waana mid ka mid ah erey bixinnaha uu curiyay ee sida wayn ay u daraasadeeyaan culimada cilmiga bulshadu.
Maalik bin Nebi waxa uu kamid ahaa fac aqoonyahano ah oo isku dayay in ay baraarujiyaan caalamka Islaamka. waxa uu leeyahay qaadhaan xoogleh oo aqooneed. Waana indheer garad si wayn looga qadariyo bulshada aqoonyahanka dhexdeeda. Waxa uu qoray in ka badan shan iyo toban kitaab oo inta badan lafo-guraya dhibaatooyinka caalamka islaamka, dhalan roganka fikir ee ku dhacay, iyo sidii looga gudbi lahaa marxalladan liidata ee muslimku ku jiro.
Qofka akhristaha ah ee jacal in uu wax ka fahmo daddaaladii aqoonyahanka muslimku u galeen soo noolaynta umada muslimka, buugani daaqad cusub ayuu u furayaa, wax badan ayaanu ka fahmayaa waxa ay tahay Xadaaradi, sida ay ku tisqaado, heerarka ay marto iyo arimaha laciifiya marka xadaaradi gabowdo.