Madaxwaynaha faransiiska oo dagaal diimeed ku haya diinta Islaamka iyo bulshada muslimiinta ah ee faransiiska ayaa in mudo ahba isku deyeyay inuu soo nooleeyo erey bixin diimeed da’wayn oo aan mudo dheer la isticmaalin. Mudooyinkan danbe, waxa khudbadihiisa oo dhan kusoo noqnoqonayay ereyga “Islamic separatism” oo macnaheedu yahay in muslimiinta faransiisku ay ka go’ayaan jahmuuriyada faransiiska. Waxaynu ognahay in aanay suuro gal ahayn in muslimiinta faransiisku ay dowlad gaar ah ku dhawaaqaan; markaa muxuu Macron u jeedaa.
Aynu dib ugu noqono halka ereygan uu kasoo jeedo si aynu u fahano, faquuqa mujtamaca muslimka ah iyo diintooda lagu hayaa halka uu ku qotomo. Ereyga “religious separatisms” waxa mudo hore lagu magacaabi jira mad-habaha diinta kiristanka ee mad-habta wayn ee Kaatoliga ka falaagooba, sida Protestan-ka. Marka ingiriiska la joogo fariiqooyinka ka go’a kaniisada Engelican ayaa lagu duri jiray inay yihiin Separatists sida firqooyinka Presbyterians, Puritans, iyo Quakers.
Separatists waxay ahaayeen kooxo aaminsanaa in fuxshi, musuqmaasuq iyo caqiido xumo ay gashay kaniisadii waynayd ee kaatoliga ama tii barotastanka ee England, sidaa darteedna waa inay ka go’aan si ay diintooda sax u sii haystaan. bilowgii hore, waxa lagu eedeeyay inay ridoobeen (blasphemy and heresy) waana la gumaaday laakin mudo ka dib waxay noqdaa xoog wax iska caabiya. Macron waxa uu soo qaatay erey-bixin diineed oo dhiig badani ku daatay, dad badana lagu xasuuqay si uu u sheegto inuu difaacayo cilmaanida faransiiska. taasi uu muujinaysa waxa uu wadaa inay tahay uu dagaal diimeed la dahaadhayo uun.
Macron iyo faaliye-yaashiisu waxay isku deyayaan inay soo nooleeyaan Erey-bixin diimeed oo guun ah si ay u fahansiiyaan dadka faransiiska in islaamnimadu ay tahay hab-nololeed ka baxsan oo aan la jaan qaadi karin nidaamka iyo qiyamka jamhuuriyada faransiiska (Islamism is a radical break with the Republican model and its values).
U fiirso, hada wixii ka horeeyay waxa lagu af-gobaadsan jiray in la baacsanayo muslimka xag-jirka ah ee khatar gelin kara xasiloonida iyo bed-qabka bulshada; laakiin muslimiinta intooda badan waa dad caadi ah, silmi ah oo bulshadeeda qani-nimadeeda qayb wayn ku leh ayaa la odhan jiray. Kala reebida noocaas ah hada waxaad moodaa in la soo dhaafay oo muslimiinta faransiiska oo dhan ay shiishka saaran yihiin; lana rabo in loo sawiro in ay yihiin cadow docda inoo fadhiya.
Dadka ugu horeeyay ee ereyga ‘Islamic separatism” adeegsaday waxa uu ahaa Bastien Faudot, oo ahaa musharax madaxwayne doorashadii faransiiska ee 2017. Sanadkii 2018 Elizebeth Badinter oo ah Philosopher si wayn looga yaqaan faransiiska ayaa si badheedh ah oo aan gabasho lahayn muslimiinta faransiiska ugu tilmaantay inay samaysanayaan nidaam nololeed, mid dhaqaale, mid waxbarasho iyo mid sharci oo dhinac socda dowlada faransiiska, isla markaasna ay noqdeen dowlad ku dhex taala dowlada faransiiska.
Hasayeeshee, weerarkii ugu cuslaa ee bulshada muslimka ah lagu qaaday waxa uu dhacay 19 March 2018, markaas oo ku dhawaad boqol shakhsi oo u badan xag-jirta dhinaca midigta, kana mid ahaayeen wasiiro hore, barayaal sare oo jaamacadeed iyo qorayaal saxaafadeed, waxay soo saareen bayaan ay u bixiyeen ka hortaga gooni-ugoosiga Islaamka, Forum against “Islamist separatism”. Baaqaasi waxa lagu faafiyay warqayska magaca wayn ee Le Figaro- wuxuna yidhi: “the new separatism is moving forward masked. It wants to look benign, but it is actually the weapon of Islamism for political and cultural conquest. Islamism wants to be separate because it rejects others, including Muslims who don’t share its views”.
“Dhaqdhaqaaqa gooni u goosiga cusubi hore ayuu usocdaa isagoo is qarinaya, waxay rabaan inay u muuqdaan xaalad dabiici ah, laakiin xaqiiqadu waxa weeye waa hubka islaamiyiintu ay u adeegsadaan in ay siyaasad ahaan iyo dhaqan ahaanba faransiiska u qabsadaan. Islaamnimadu waxay doonaysaa in ay gooni ahaato; way diidan tahay cidkasta oo kale; xattaa muslimiinta tirada yar ee ku milmay mabaadi’da iyo qiyamka jamhuuriyada faransiiska way faquuqdaa”.
Baaqan waxa ku cusub ee warwarka leh waxa weeye lagama hadlayn muslimiin xag-jir ah oo la saluugsan yahay fahamka ay diintooda ka qaateen; laakiin weerarku waxa uu ku socdaa Islaamnimada iyo jiritaankeeda. Macron iyo aqoonyahan ka xag-jirta ah ee aragtidan u soo kariyayba waxay aaminsan yihiin in Diinta islaamka iyo Jamhuuriyada faransiisku aanay isla falgeli karin. Waxa aaminsan yihiin in faransiisnimada dhabta ah lagu gaadhi karo uun marka qofku kumilmo mabaadi’da cilmaanida xag-jirka ah ee salka ku haysa taariikhda, dhaqanka iyo xaqiiqada faransiiska cad. Waxay aaminsan yihiin in muwaadiniinta muslimiinta ah ee faransiisku aanay wali noqon faransiis dhab ah waayo diintooda ayaa ka horjoogta in ay ku milmaan qiyamka jamhuuriyda (Islam prevents assimilation of french muslim citizens into the values of the republic).
Sidaa darteed, waa in la abuuro islaam faransiis ah oo dowlada faransiisku ay abaabushay oo u rixiya, lana riyaaqi kara qiyamka cilmaanida, alle-koodnimada, hanti-goosiga iyo beec-gelinta akhlaaqiyaad bulshada.
Waa sababta Macron uu ugu dhawaaqay 18 February 2020, inuu dagaal aan waxba la isula hadhin la geli doono “Islamist separatism”. Waxa uu xiligaas ku dhaqaaqay qorshe uu ku jari doono dhamaan xadhkaha adag ee isku xidhiidhiya muslimiinta faransiiska iyo caalamka islaamka. Sida in la joojiyo culimada islaamka ee dibada ka imanaysa, in la xidho ururada islaamka ee dadka u adeega, in la faro geliyo masaajidada, in la mamnuuco qur’aanka iyo carabiga guryaha iyo masaajidada caruurta loogu dhigayo iyo in la sii adkeeyo la dagaalanka xijaabka, cuntada halaasha ah, qabuuraha u gaarka ah muslimiinta iyo dhaqankasta oo lagu soo sooci karo bulshada muslim ka ah ee faransiiska.
Macron waa siyaasi garaad yar oo ku fashilmay inuu wax horumar lataaban karo ah sameeyo mudadii uu madaxwaynaha ahaa; waa nin hinaase ka hayo madax ka miisaan culus oo yurub u taliya; waa nin madaxwayne u ah wadan beri la qadarin jiray laakin xiligan lagaga gacan sareeyo dhammaan goobihii uu shalay ka doobyi jiray. Collaadinta islaamku waa kaadhkii ugu danbeeyay ee uu ku meelmari lahaa doorashada soo socota waxayse u badan tahay in ay isla rogto oo uu fuqa dhulka daro.
Waxa xaqiiqo ah in dunida maanta diinta islaamka iyo muslimiintu ay yihiin diinta iyo dadka ay dhibaatada ugu badani haysato. Muslimiinta waxa dagaal diimeed iyo muquunin kaga socotaa wadankasta oo ay aqaliyad kuyihiin, kasoo bilow shiinaha, hindiya, sirilanka, mayanmar, ruushka ilaa faransiiskaa oo aynu maanta arkayno.
Wadamada ay aqlabiyada ku yihiinna waxa ku haysta kelitalisnimo, xuriyad la’aan, cadaalad daro, dhaqaale xumo iyo niyad jab oo dhan. Hasayeeshe, marka taariikhda dib loo raaco, waa marxallad ka mid ah marxalladaha umaduhu maraan marka ay dib usoo kabashado soo dhowday. Waxan oo mixnado ah waa fooraha gufaacada guusha kasoo horeeya. Dowlada faransiiska iyo Macronna uma muuqdaan kuwo ku guulaysanaya gumaynta iyo takoorida muslimiinta ee ay isu xilsaareen.