Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa sheegay hadii Gaalada iyo saxaafadoodu isku raaceen in Nabiga CSW wax laga sheego, in laga jawaabo waa xaq iyo waajib, waxaanay ka turjumaysaa jacaylka aynu Nabiga CSW u qabno, iimaankeena iyo inuu innagu weyn yahay.
Khudbadii jimcaha manta oo Sheekh Dirir kaga hadlay waajibka muslimiinta ka saran difaacida sharafta Nabi Maxamed NNKH ayaa yidhi,
“Hadii gaalada iyo saxaafadoodu isku raaceen in Nabiga CSW wax laga sheego, in laga jawaabo waa xaq iyo waajib. Waxaanay ka turjumaysaa jacaylka aynu Nabiga CSW u qabno, iimaankeena iyo inuu innagu weyn yahay. Cidda kugu weyn marka meel lagaga dhaco isma hannatid, oo fadhiga ma qabatid? Waxaynu ognahay manta qofka meel lagaga dhaco ee saxaafada laga caayo ama qabiilka wax laga sheego ama wadamada caalamka midkood wax laga sheego, auunyadu way istaagtaa, oo qoladaasi muddo ayey hadlaan? Markaa dadku hadday ka aamusaan arrinka Nabi Maxamed CSW iyo u hiilintiisa, waanu ku weynayn ayey ka dhigan tahay, kama xanuunsatid waxaan kugu weynayn?
Ilaahay SW waxuu aayad inoogu sheegay “Hadaad u hiilin weydaan, Ilaahay SW ayaa u hiiliyey’ ayaamahii adkaa ee soo maray Ilaahay SW ayaa garabkiisa taagnaa. Sheekh Maxamed ayaa sheegay tusaale u soo qaadan doonaa sida Ilaahay SW u difaacayey Nabi Maxamed CSW intuu noolaa iyo markuu dhintay-ba.
Qisooyinka la xidhiidha sidii Ilaahay SW u difaacay Nabi Maxamed CSW, imaamul Bukhaari waxuu saxiix ku werinayaa, xadiis Abu Hurayra RC “Nabiga CSW ayey gaaladu caayeen, intuu Maka joogay, oo magac aan kiisa ahayn ayey u bixiyeen Mudammam (kii ceebaysnaa) dadkii ayuu Nabigu CSW doonay inuu ka qanciyo ayaa Nabigu CSW yidhi “miyeydaan arkayn siduu Ilaahay SW iiga duway cayda quraysh’ nin mudammam la yidhaahdo ayey caayayaan, anniguna Muhammad CSW Ayaan ahay. Ilaahay SW ayaa iga jeediyey caydoodii ayuu xusayaa Nabigu CSW.
Qiso kaloo kitaabka saxiix Muslim oo xadiis Abu Hurayra RC weriyey “Ninkii Abii jahal la odhan jiray ee erebta darnaa ayaa maalin dadkii saaxiibadii la hadlay, intuu Nabigu CSW Maka joogay, oo yidhi ‘ma idinkoo dad waxgaranaya oo waaweyn ayuu Maxamed intuu fooda dhulka dhigo ciida ku xoqxoqaa idinkoo arkaya? Maxaad wax uuga qaban weydeen? Dee kaalay adigu ka qabo ayey yidhaahdeen? Waa hagaag; bal markuu sujuudo ii soo sheega ayuu yidhi, qoorta Ayaan kaga joogsane? Ka dib Nabiga CS woo sujuudsan ayuu u yimi, talaabooyin kooban markuu u jiray ayuu dib u gurasho bilaabay, waanu cararay? Gaaladii ayaa u yeedhay oo weydiisay waxa ku dhacay? Waxuu yidhi markaan u dhowaaday ayaa dhexda god weyn ka dilaacay naaro ka soo holcayaan, naftaan u baqay? Rasuulka CSW oo saxaabadii weydiisay ayuu yidhi ‘Haduu intaa ka soo dhowaan lahaa malaa’igta ayaa xubin xubin u jari lahayd ayuu yidhi Nabigu CSW, oo gaalkii waxuu doonay Ilaahay SW ka difaacay.
Qiso kaloo Bukhaari werinayo xadiisak Cabaas “Markii ay soo degtay aayad Ilaahay Sw Nabiga CSW kula hadlay ‘ u dig qaraabadaada aad is xigtaan’ wuu qaatay Nabigu CSW amarkaa, buurtii u dhoweyd ayuu fuulay oo dadkii iyo qaraabadiisi u dhowaaqay, markii la soo uruuray ayuu yidhi ma I rumaysan lahaydeen hadaan idin idhaahdo; buurtan dhinaceeda col fardo wata ayaa ka soo baxaya? Haa ayey yidhaahdeen oo been kugumaanu ogeyn. Haddaba waxaan idiinka digayaa waxaaba wax ka daran cadaab adag oo soo socda oo gaal ku dhici doonee islaama oo Ilaahay SW u hogaansama ayuu Nabigu CSW u sheegay. Inkaar-qabahii adeeka u ahaa ee Abii-lahab ayaa yidhi ‘Alle haku halaagee ma intaa ayaad noogu yeedhay’ Ilaahay SW ayaa u jawaabay oo suurad dhan ku soo dejiyey oo caydii iyo aflagaadadii ka difaacay Nabiga CSW.” Kuwa iyo qisooyin kaloo badan ayuu Ilaahay SW ugu hiiliyey Nabiga CSW.
Sheekh Maxamed oo sharaxaad ka bixinayey sida saxaabadii Nabi Maxamed CSW ugu difaaci jireen hadal iyo ficil labadaba ayaa yidhi, mar gaaladii Nabiga CSW gabay ku soo caayeen oo diinta Ilaahay SW wax ka sheegeen ayuu Nabigu CSw gabyaagii u yeedhay oo Kacab ibnu maalik yidhi nimankan u jawaab, wuu u jwaabay Nabigu CSw kuma qancin, waxuu u yeedhay gabyaagiisi labaad Cabdillaahi ibnu rawaaxa, wuu u jawaabay, balse halkeedii muu dhigin. Xasaan binu saabit ayuu Nabigu CSW u yeedhay, gabay cajiib ah ayuu gaaladii u jeediyey, Nabiguna CSW waxuu ugu duceeyey in Ilaahay SW ugu hiiliyo Ruuxul-Qudus.
Hadal keliya ma ahayne, ficil ayey asxaabta Rasuulku CSW ugu hiilin jireen, hadii wax la yeeleeyo ama hadal la gaadhsiiyo, qisadan waxay dhacday wakhtigii Abii Bakar RC oo Nabigu CSw sii mootanaa, ayaa nin u yimi oo hadalkii ku adkeeyey, oo aflagaadeeyey, nin saxaabi ah ayaa Abi Bakar eegay oo yidhi ma dilaa ninkan? Markaa yuu yidhi Abi Bakar ayaa I huruufay, oo I weydiiyey sababta aan u dilayo? Waxa la dili karaa keliya qofka Nabiga CSW caaya. Dhamaan tusaalayaashaasi waa ficiladii ay qaadi jireen saxaabadu RC, ee Nabiguna CSW ku ogaa.
Sheekh Maxamed oo gebagebadii ka hadlayey talaabada bulshada islaamka kala gudboon difaacida Nabiga CSW ayaa sheegay in ummada islaamka laga doonayo in cayda noocan oo kale ee heer caalami ah ee dawlado ka soo fulay inaynaan eeganin, waa dembi? Nabiguna CSW xadiis waxuu ku yidhi “Qofka dembi arka gacan wax hakaga qabto, hadaanu awoodin, hadal, hadaanu awoodin niyada haka naco?’ markaa hadba talaabooyinka aynu karayno inaan qaadno waajib ayey ku tahay madaxda muslimka ah, waxa waajib ah culimadu inay ka jawaabaan, waxa waajib ah in kolba waxii munaasib ah lagaga jawaabo, in badeecadahooda la naco oo nacaybshiyaha loo qabo la muujiyo waxay keeni kartaa inay soo u dhacaan.
Waxa innala gudboon inaynu gaalada sidaa samaynaya habaarno, cidda Nabiga CSW u hiilisana loo duceeyo, waajibaadka inna saran ayey ka mid tahay. Waxa inna saran in jacaylka Nabiga CSW ummada lagu beero, manaahijta waxbarashada lagu daro siirada Rasuulka CSW, dugsiyada hoose ilaa jaamacdaha, sida dadku aqoon ugu yeeshaan Nabi Maxamed CSW, hadii aanad garanayn ama aanu kugu weynayn, side ayaad ugu hiilin kartaa ama dadka u odhan kartaa weyneeya. Wax badan ayaa la inooga baahan yahay oo ah inaynu sunnahiisii iyo jidkii Nabiga CSW raacno, oo waxuu inna faray qaadano, waxuu innaga reebayna ka hadhnaa? Taasoo ka turjumaysa inuu innagu weyn yahay Nabigu CSW oo aynu jecel nahay. Arrinkaasi waxay u baahan tahay aqoon dugsiyada, masaajidada, iclaamka ka baxaysa, waxaynu u baahan nahay dadka warbaahinta ku mashquulsan ee baraha bulshada inay uga hiiliyaan dhigooda sheeganaya suxufiyiinta ee soo aflagaadeynata Nabiga CSW iyagoo ku gabanaya xoriyada hadalka, markaa suxufigii ka jawaabi lahaa hadaad iska aamusto, macnaheedu waa inaanau Nabigu CSW kugu weynayn, ama aanad aqoon u lahayn.