Hambalyo, duco iyo bogaadin ku socota maareeyaha cusub ee Wakaaladda Biyaha Burco Md. Sakriye Cabdiraxmaan Maxamuud (WQ: Ugaas Cumar Jaamac Iidle)

Waxaan Hambalyo, Duco Iyo Boggaadin u Dirayaa Maareeyaha Cusub Ee Wakaalada Biyaha Burco MD. Sakriye Cabdiraxmaan Maxamuud Oo Xilka la Wareegay Maanta (Zakariye Lamuumbe ). W/Q. Ugaas Cumar Jaamac Iidle.

Waxaan hambalyo,bogaadin iyo duco u dirayaa Maareeyaha Cusub Ee Wakaalada Biyaha Burco Md.Sakariye Cabdiraxmaan Maxamuud oo Wasiirka Wasaaraada Khayraadka Biyaha Somaliland Md.

Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan”  u Magacaabay Maareeyaha Cusub Ee Wakaalada Burco.

Maareeye cusub MD. Sakariye Cabdiraxmaan Maxamuud wuxuu ahaa Maareeye Ku/Xigeenkii hore ee Wakaaladda Biyaha Burco oo shaqo Wanaagsan hore uga soo qabtay Wakaalada Biyaha Burco.  Maareeye Sakariye Cabdiraxmaan Maxamuud waa nin dhalinyaro ah,aqoonyahan ah,karti iyo dad isku wad leh. Waa nin hogaamin leh oo shaqadiisa iyo masuuliyaddihiisa ku adag,waa nin akhyaar ah oo dabeecad iyo dun-wannaag leh.

Waa masuul in badan ka soo shaqeeyay Wakaaladda Biyaha Burco ,mudo badana soo hayay xilka Maareeye ku/xigeenka Wakaaladda Burco,aniga oo ku kalsoon shaqada iyo khibrada uu u leeyahay shaqada Wakaalada Biyaha Burco, waxaan qabaa in uu horumar baaxad leh gaadhsiin karo Wakaallada Biyaha Burco oo laf-dhabar u ah magaaladda Burco, madaama ay biyuhu yihiin waxa ugu horreeya ee “Nolosha  asaasiga u ah”.

Waxqabadkii wangsanaa ee uu maareeyaha cusub kasoo qabtay Wakaallada iyo mudnaanta shaqo wanaag ee u kusoo adeegay mudadii uu madaxda ka ahaa Wakaallada Burco, wa mid aan aaminsanahay in loogu xushay in hoggaamiyo Wakaalada Biyaha Burco,kuna mutaystay in loo dalacsiiyo xilka Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco .

Madaama oo uu xilka iyo masuuliyadda Qaranku leeyahay culays iyo waajibaad shaqo, waan u ducaynayaa Mareeyaha Cusub MD. Sakariye Cabdiraxmaan Maxamuud in allaah ku asturo  xilkaas cusub ee loo magacaabay, una fudaydiyo waajibaadka shaqo,xil iyo masuuliyaddeed loo igmaday maareeyaha cusub Ee Wakaaalada Biyaha Burco idamka alleh .

Waxaan u boggaadinayaa Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland MD .Cali Xasan Maxamed ‘Cali Mareexaan’ oo Wakaalada Biyaha Burco  usoo xulay masuul aqoon iyo khibrad-ba u leh ,kalsooni badana aanu ku qabno shaqdiisa iyo in u u adeego Qaranka, waxaan leenahay wasiir waxaad cugatay masuul ku haboon shaqda aad u magacawday lehna kartid iyo dadaal badan.

Ugu danbayn allaah mahad-leh.

WQ: Ugaas Cumar Jaamac Iidle

cumarjaamac07@gmail.com