Waxaan saaka halacsday shirwaynaha Xisbigga Waddani oo si qurux badan loo soo agaasimay iyo khudbado qiimo badan oo halkas laga jeediyay. Waxa aad ii soo jiidatay labada Af-hayeen ee labada Xisbi qaran ee Kulmiye iyo UCID oo lagu soo casuumay.
Labadaa Af-hayeen waxay ayaguna madasha ka jeediyeen ereyo kaftan iyo tusaasalayn badani ku dheehan tahay. Waxa intaas dheer, madasha laguma dhaliiin siyaasada guran ee Xisbigga Kulmiye ku hoggaamiyo Somaliland. Waxa la yidhi maaha “Goobti iyo Goorti” arrimahaas laga hadli lahaa. Waa run. Waxaa halkaas ka muuqatay ilbaxnimo iyo bisayl Siyasadeed.
Waxa la odhan karaa waa dhaqan siyaasadeed oo ku cusub saaxada Somaliland. Waan ku hanbalyanyaa saddexda Xisbi qaran. Waxa haboon tartan xalaal ah oo aan waxba u dhimin xasiloonida iyo geedi-socodka diimuqraadiyada Somaliland.
Waxa haboon in xukuumaddu doorashada ku qabato waqtagii loo asteeyay. Sida Xogahyaya UCID iftiimiyay haddii doorashada la qaban waayo waqtigeeda, looma baahna Xisbiyo qaran.
Waxa kale oo haboon in lagu dhaqmo distoorka oo aanu distoorku noqon waraaqo wasakhda layska mariyo.
Wuxuu yidhi Abwaankii tirin jirin gabayada Jaanta Rogan isagoo ku dhaliilaaya Aadan Cabdalla Cismaan ( 1960-1964), ku dhaqan la’aanta distoorka :
Quruumaha midii liidata iyo dawladii nacasa,
Sonkorta iyo sigaarka ka go’a maalmo dabadeede,
Distooradu maxay noo yaheen looma baahnabe’
Ma waraaqahay naga xigaan layska marinaayo.
Drs Hoodo Yusuf, London, UK.