Hogaankii siyaasada ee la halaabay himiladii shacabka iyo halkankii umadda Somaliland (WQ: Maxamed Cabdi Jaamac “Dhimbiil”)

“Bari baa waxa dhacday in jeelka weyn ee Hargeisa oo ay ku xidh-xidhan yihiin maxaabiis argagixiso ah iyo maxaabiis kale oo fara badani , hadh cad  ay maxaabiistii ka dareereen , iyada oo waxogaa xabado ahna la maqlay,  dabadeedna wargeysyada Hargeisa ayuu mid ka mid ah halka faalo sawireedka ku qorey , waxan askarteena indhaha tirey ma istaraliin buu ahaa mise dollar …kkk ,  Markaa inaga ( Somaliland ) waxa marka kaliya ina mal-malay ma dirham buu ahaa mise dollar ” cajiib !!!
 
Waxa ay ahayd sanadkii 2012 , dalka jamhuuriyada Somaliland waxa maamulkiisa hayey xisbi iyo hogaan cusub oo mudo 2 sanadood oo kali ah talada dalka hayey oo badelay xukuumad dalka ka talinaysay mudo 15 sano ka badan iyo xisbigeedii .
Siyaasadii iyo qorshihii siyaasadeed ee Somaliland ayaa mar kaliya waxa loo mal-malay jiho kale , waxaana bilaabmay olole balaadhan iyo heshiisyo hoos ugu socday xukuumadii xiligaasi iyo maamulkii muqdisho in shaaca laga qaado.
Mar kaliya ayaa lagu soo qaadey shacabka , odayada dhaqanka iyo hogaankii hore ee dalka maamulayey olole balaadhan oo ay xukuumadii cusbayd waddo oo ahaa in wadahadalo lala furo Somalia , xili aanay kaba jirin wax la odhan karo dawlad bay ahayd oo caalamkuna u yaqaanay dawlada ku meelgaadhka ah ee Somalia .
Dabcan waxa uu ahaa mashruuc weyn oo dawlado kalena wax ka wataan , deg-deg ayaa labadii gole ee baarlamaanka jamhuuriyada Somaliland la isugu yeedhay , waxaana la laalay wax Alla waxii dabar iyo xeerar arinkaasi ka yaalay, xataa waan xasuustaa oo lagama doodin , waxa ay ahayd dhibaato weyn oo dalka soo food saartay xiligaasi.
Dhawr sababood ba dadka jamhuuriyada Somaliland dareen umuu galin xiligaasi oo ay ka mid yihiin ;
1- Hogaanka qaranka oo ahaa hogaankii halgankii hubaysnaa ee dib u xoreynta dalka oo aan looga shakiyi karin in uu aragti kale aaminsan yahay oo dalka waxyeelo ku noqon karta.
2- Mucaarad la’aan jirtay iyo dadkii umada baraarujin lahaa oo xukuumadu gacanta kuwada dhigtay .
3- iyo xiliga oo ahaa goor uu dalka ka dhacay isbadel siyaasadeed oo mudo badan la saadaalinayey oo ay dadku qabeen rajo iyo yididiilooyin isbadel oo aad u haystay xiligaasi shucuurtooda.
Dadka jamhuuriyada Somaliland waxa ay mooganayeen in aragtida siyaasadeed ee dib ula soo noqoshada qaranimada jamhuuriyada Somaliland marka horeba lagu qaybsanaa , iyo waliba in qofka isa siinaya in dalka tacab kaga jiraa uu ka kalsooni badan yahay hogaankii ka horeeyey oo ay taasina tahay mid halis galin kartay waxii umadani u soo dedaalaysay.
HOGAAMIYEYAASHII HORE MAXAY KA QABEEN WADAHADAL SOMALIA LALA YEESHO ?
Jamhuuriyada Somaliland dadka aduunka iyo dadka jamhuuriyada Somaliland midnaba ogaansho la’aani kagama jirin in ay hore uga mid ahayd Jamhuuriyadii Somalia oo ay la midowday 1-July-1960 kii , dibna ula soo noqotay dawladnimadeedii 26-June-1960 ay boqortooyada ingiriiska ka qaadatay soddon sanadood ka dib 18-May-1991 , walow aanu caalamku aqoonsan.
Laakiin waxa qariib iyo wax lala yaabo noqotay laba dal oo la ogaa waxii soo kala maray , dhibaatooyinkii dhacay, isla markaana rabay in ay laba dal oo caalamku aqoonsan yahay kala noqdaan sidee ay sidani dhibta yar markiiba isugu hor fadhiisteen ee loo laalay waxii umada jamhuuriyada Somaliland ka dhigatay ee xeer ahaa .
Waa halka uu aduunku u fahmay in hogaanku rabitaanka shacabka marka horena af-duubay haddana uu soo celin karo oo aanay aheyn qadiyada jamhuuriyada Somaliland wax weyn oo miisaan culus leh , hadda waa qadiyadii halganka adag oo nus qarniga ah xiligaasi dib u soo celinteeda dhib walba loo maray.
Hogaamiyeyaashii siyaasadeed ee ka horeeyey xukuumada Kulmiye dhamaantood waa qabeen ama waa sii ogaayeen in qadiyada jamhuuriyada Somaliland iyo Somalia in wada hadal iman karo laakiin waxa ay qabeen marka Somalia dawladi ka dhisanto in lala hadlo oo heerka jamhuuriyada Somaliland oo kale taagan.
MAXAA SOMALILAND KA SOO GAADHAY WADAHADALADII MASHRUUCA LACAGTA BADAN AHAA ?
Waxa aynu u kala qaadi doonaa laba qaybood oo midi yahay waxii ay Somaliland qabsatay gudaheega iyo halka ay gaadhay , iyo qaybta labaad oo ahaa waxii caalamka kaga xidhnaa , rabitaankeegii iyo waxii loo socday;
1- Somaliland waxa ay ahayd ileys iyo shamac ka dhex baxaya Gobolka Geeska Africa , walina ay tahay marka aad ka soo bilowdo halkii laga soo bilaabay iyo halka ay maanta taagan tahay iyada oo tacab iyo dedaalka odayadii waxgaradka ahaa , siyaasiyiintii ruug cadaaga ahaa iyo aqoon yahankii umadani lahayd ay keentay in ay keento quruxda iyo wanaaga maanta muuqda.
2- Somaliland waxa aduunka kaga xidhnaa in qadiyada jamhuuriyada Somaliland oo ah mid sharci ay taageero uga hesho aduunka si loogu aqoonsado dal madax banaan oo ka mid ah dalalka aduunka kaasi oo waliba Somaliland ay jeclayd in lagu qiimeeyo wanaaga , dawladnimada , nabadgalyada , horumarka dhinaca dimuqaradiyadeed ee ay Gobolka u horseeday na in ay qiimeyn wanaagsan kaga hesho aduunka.
Wadahadalada Somalia lala furey waxa ay wax yeeleen qodobkaasi 2aad , waxaana aduunku u arkay in Somalia oo isku dhan la dhiso , aqoonsi buuxa la siiyo , muqdisho la isagu tago, xirfad iyo xeelad Somalia inala gaaday ha ahaato ama badheedh siyaasadeed oo ay sameeyeen hogaankeenuye halka ay Somaliland wax badani kaga xumaadeen waa haljani.
Sidoo kale markii wadahadalada la ogolaaday waxaa labada dhinacba aduunku siiyey dhaqaale badan oo dib u dhiska iyo dawladnimada ah , waana mashaariicda qadiyada jamhuuriyada Somaliland lagu hoos geeyey muqdisho ( undermined projects for Somaliland recognition case ) .
MAANTA IYO MUSTAQBALKA JAMHUURIYADA SOMALILAND.
Jamhuuriyada Somaliland iyo qadiyadeedu waa mid ay leeyihiin shacabka jamhuuriyada Somaliland sida ku cad xeerarka iyo dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland , mana aha wax ka go’a inta siyaasada ku jirta oo kaliya , qadiyada umadani waa mid ka weyn wax mashaariic la siisto.
Hogaankii siyaasadeed ee ku fashilmay wadahadaladii ee la lumay qadiyada jamhuuriyada Somaliland , waa kuwa maanta sadexda xisbi qaran hor fadhiya ee aan hayn aragti iyo jid bixin kale , waxaaba aad moodaa in ay sugayaan wax maqan , sadexda xisbi midna qorshe cad kama laha arimaha wadahadalada Somalia .
Maanta waxa shacabka jamhuuriyada Somaliland u quman in la isweydiiyo soddonka sano ee dambe iyo boqolka sanadood ee soo socda hogaamin raandhiis leh sidii ay umadani u heli lahayd, iyo waliba sidii looga dhayi lahaa waxii dhaawac soo gaadhay qadiyada jamhuuriyada Somaliland.
2022 waxa ina hortaala fursad kale oo ah mustaqbalka siyaasadeed iyo ka qadiyadeed ee dalka jamhuuriyada Somaliland cida hogaamin doonta maadaama ururadii siyaasadeed dib loo furayo oo ahaa xaq iyo Xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin dadka jamhuuriyada Somaliland sida ku cad qodobada dastuurka dalka ee 22naad , 23naad ,9aad iyo Xeerka ururada iyo axsaabta jamhuuriyada Somaliland Xeer lr.14/2021.
Daaraha iyo dariiqyada waynu dhisan karnaa oo haddaba kuwii hore inoogaga burburay waxii dhacay 1988 waa ka soo kabanay laakiin qadiyada umada jamhuuriyada Somaliland iyo halganadii kala duwanaa ee umadani halkan ku soo gaadhay hadii la wax yeeleeyo waxa madow gali doona mustaqbalka dambe ee dadkeena iyo ubadkeena.
Aasaasaha iyo Gudomiyaha ku meelgaadhka ah ee Ururka Dadweynaha Somaliland ( S.P.P ) Somaliland peoples party.
Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil