Maxaan ka baran karnaa qaxootiga Yamaniyiinta (WQ: Mustafe Cismaan Libaan)

 

Sida aynu wada ognahay Somaliland waxaa ku sugan qoomiyado badan oo qaxooti ahaan u jooga lakiin magaca qaxooti oo kalya ayaa ka dhexeeya.

Hadaba waxaan jeclaan lahaa in aan casharo ka qaadano qaxootiga yamaniyiinta ah sobobta oo ah manta waxay ka nolol fiicanyihiin muwaadiniinta dalkan u dhashay sobobtuna wax kale maaha ee waa xirfadyahano.

Yamaniyiintu manta waxay qabsadeen shaqooyin badan oo aanay xoog ku qabsane ay aqoon ku qabsadeen laakiin bulshadeenu aqoonta waxay u yaqaanaan buuga iyo qalinka oo kaliya hasayeeshee dunida waxaa lagu kala tegay farsamada gacanta tan ayaa tusaale inoogu filan oo manta yamaniyiintii

Waxay la wereegeen naqshadaynta guryaha, hudheelada, maqaaxiyaha shaaha, iibinta bagaashka, booshariadii khudrada, macmacaanlayaashii, beerfalashadii iyo qaar kale oo badan oo aaman soo koobi Karin waan ku hambalyeynayaa kartidooda lakiin waxaan jeclaan lahaa in aynu bulsho ahaan is waydiino maxaan ka baran karnaa yamaniyiinta mise waynu iska daawanaa mise tollow maba ogin waxaa ka socda hareereheena?

Akhriste aniga waxay ila tahay in halkaa ay casharo inoo jiraan oo aynu ka baran karno balse suaashu waxay tahay side bulshadeena loogu baraarujin karaa in ay ka faaidaystaan fursadan inoo timid yaase ay tahay in ay iska xil saaraan shawshan?

Akhriste ma ogtahay horumarka oo ka bilaabma shaqsiga ilaa heerqan inuu ku jiro xagleheena balse ay tahay in aan furno xagleheena hadaba casharo muhiima ayaa inoogu jira joogitaanka qaxootiga yamaniyiinta ee maku baraarugsanahay arintaas.

Akhriste majiro ruux yamani ah oo dawarsadaa magaalooyinkeena mana jiro mid masaariif ka suga hayadaha kala duwan sidoo kale majiro mid iska fadhiya oo waxba aan haysan taa bedelkeeda intaba waxaa laga helayaa muwaadiniinteena waxaana sobob u ah xirfad la’aanta dadkeena haysata.

Waxa Qoray: Mustafe Cismaan Libaan