Xagxagashada Dadka caanka ahi waa caalami (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya ee Males Zanawi ayaa la su’aalay siday dadku u falanqeeyaan bidaartiisa? Markaasuu ku jawaabay” eeddu waa kursiga ee madaxyga maaha. Dadku bidaartayda way ka sheekayn karaan ma se taaban karaan”. Hadal-haynta warbaahinta iyo dadka caadiga ah ee  dadka bulshada dhexeeda caanka ka ahi, waa arrin adduunka oo dhan ka taagan oo  aan gaar ku ahayn bulshada Soomaalida. Madaxweynihii hore ee Maraykanka John F. Kennady ayaa aabihii uga cawday inay saxaafaddu cidhiidhi ku hayso, balse aabihii ayaa u sheegay inuu soo ururiyo dhammaan jaraa’idada wax ka qoray isaga, ka dibna wuxuu ku yidhi is-tul dhig oo isku taag. Markii uu noqday nin dheer oo meel sare fuushan, ayuu aabihii ku yidhi intaasi ayaad qayrkaa dheer tahay”. Wuxuu sarbeebay in qofka guulaysta uun wax laga sheego ee mihnadiisa caan ku noqday. Kan guuldarrsaystana aan cidi soo hadal qaadin.

Arrintu waa qofkan muuqday ee xirfadiisii Ilaahay u abuuray ka midho-dhaliyey sidaasi ku nqoday qof xirfadiisa caanka ku noqday. Dad badani way dhibsadaan xagxagashada iyo wax-ka-sheegga lagula kacayo markuu yahay Abwaan, Qoraa, Ciyaaryahan, Suxufi iyo madax intaba. Fartii uu qofku dhaqaajiyo waxa laga soo dhexsaarayaa arrimo badan markay bulshadu falaqeyn ku samaysay, taasina waxa ay yeelataa xumaan iyo samaan isku dhafan. Xasan Ganey iyo Hadraawi waxa ay qireen in riywaayado iyo heeso ay sameeyeen oo qisadii ay ku yimaadeen si ka fiican ay bulshadu u turjumatay, oo haddii ay ogaan lahaayeen ay tooda qaadan lahaayeen. Sidoo kale heeso ay sameeyeen si fool xun oo ujeedo quracan leh loo turjumay, oo ay dulqaadeedkii leeyihiin maadaama oo ay iyaga u soo ban-baxeen inay bulshada la wadaagaan wixii xirfadoodu ahayd.

Habar Raysal wasaare ka ahayd Israa’iil intii u dhaxaysay 1969-1974 oo la odhan jiray Golda Meir waxa nafta u keenay warbaahinta adduunka iyo tan Israa’iil, waxaanay tidhi” annaga dumar ahaan xagxagashada iyo wax-ka-sheegga bulshadu wuxuu nala gaadhay meel aanu ragga la gaadhin, maadaama aanu nahay dumar cawro ah. Beriyihii aan kursiga ku cusbaa weerarada iyo dhaliisha aan macnaha lahayn waan ka guban jiray, hasayeeshee markii dambe ayaa noqday hayin la rarto (Realistic) “. Bulshooyinku waxa ay is-dheer yihiin dhaqanka iyo diinta ay haystaan. Wax aan ceeb ku ahayn bulsho ayaa ta kale ceeb ku ah. Soomaalidu waa dad dhaqankooda iyo diintoobu aad isugu dhaw yihiin. waxa se labaatankii sanno ee ugu dambeeyey inagu soo badanaya in si weyn loogu durkay dhaqamada reer galbeedka oo wax kasta oo ay diin la’aantu u geyso ayaa ay soomaali badani soo rartay.

Wakhtigan la jooga reer galbeedkii way ka tagaan wax diin la yidhaa oo qof kastaa siduu doono ayuu yeelaa  ee isaga la toosan. Qof kasta waxa xukuma dareenka maadaama oo aanay jirin diin celisaa. Ku dayashada dadkaasi waxa ay inagu soo jiiday dhaqamo aanay bulshadeednu fahmi Karin oo dadka qaarkii ay soo warideen. Qorayaashu waxa ay qoraan boqolaal qoraal oo mowduucyo kala duwan ka hadlay, qoraalladaasi kumanaan qofna way ka cadhaysiiyaan kumanaan kalena way ka helaan oo qoraaga way ku bogaadiyaan. Intii aan la dhacsanayn qoraalkaasi waxa ay colaad u qaadaan qoraaga oo markay ka helaan gol-jilic ayey ku ururaan sidii waraabayaal raq helay oo kale. Markaa qoraagu midhaasi ha ogaado inuu leeyahay kumanaan taageersan iyo kumanaan ku kacsan oo markay fursad u helaan cidiyaha ula tagaya. Sidoo kale dadka muuqaalka iy codka ku tebiya dhacdooyinka ayaa iyana sidan la mid ah, waxaana ugu halis badan qofka muuqaalka waxa ku tebiya oo markiiba waa la aqoonsanayaa, oo dooddii iyo dagaalkii afka ee loo hayey ayaa judhaaba lala boobayaa. Waxa se mihiim ah oo biyo-kama-dhibcaan ah in dadka caanka ka dhex ah Soomaalidu ay la yimaadaan adkaysi iyo dulqaad oo kaga bixi karo dagaallada gar iyo gardarrada ah ee bulshooyinka kaga imanaya. Shakhsiyan aniga qoraallo aan qoray ayaa qaar ka mid ah eheladayda oo adduunka kala jooga  ay ka soo gaadheen dagaallo iyo dooddo.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com