Indhaha iyo Dhagaha Fur! …W/Q(Xildhibaan Rabiile Xaaji Abiib)

Waxa jiray masuuliyiin Dhaqan, Culimo iyo Siyaasi ba lahaa, kuwaas oo halgankii dhulbahante intii u socday taageero la barbarjoogay. Raggaasi waxa ka mid ahaa Boqor Buurmadow, Xil Khaliif, Jaamac Shabeel, Barkhad Batuun iyo kuwo kale. ma qarsan jirin kama na gaban jirin badheedhahooda. Ayaandarro, dhamaan intaa kor ku xusan, waxa ay sida fiinta hal mar u ga qayliyeen, hadalkii Ugaaska guud ee Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid iyo Garaad jaamac Garaad Cali. Maxay tahay sabobtu? Ma Khaatumo ayaa Awdal State ka xaq leh? Ma Garaadada Dhulbahante ayaa ka karaamo badan Ugaaska Gadabuursi? Hadalka Kujare ba waan isweydiinaa maxaa qodobka la isku weydiin waayay?

Hadalka uu caawa ku hadlay Boqor Bùurmadow ayaa daaha ka faydaya mashruuca la gu garab taagnaa Khaatumo ee looga boodayay Awdal State. Waa mashruuc dowladdo shisheeye daaha gadaashiisa ka hagayaan, waa mashruuc dhaqaale, waa mashruuc ay ku midaysanyiin beelaha kala ah “Ogaadeen, Gadhxajis iyo Dhulbahante”, waa mashruuc meel isagu gaynaya bologyada shidaalka. Reerka Habarjeclo waxa ka ga jira Boqor Buurmadow oo dilaal ka ah mashruucan iyo kooxo wadaado u badan oo aragtida ay qabaan ay raacisay dalalka mashruuca maalgalinaya, kooxdan danbe waa kuwa soo abaabulay xeerka Isa-saarka labada doorasho.

Mashruucan oo waafaqsan siyaasadda dalalkani aaminsanyihiin, oo ah dal soomaaliyeed oo kaliya (One Somali Policy) , hirgalintiisa waxaa xudun u ah guusha doorashada Madaxtooyada. Haddii doorashada la gu guulaysto waxa la qaadayaa go’aamo horseedi kara dagaal ay qayb ka yihiin dalal shisheeye, haddii, la gu guuldaraystana waxa la israacinayaa “Sool, Sanaag iyo Buuhoodle”. Boqor Buurmadow sabobta uu u aflagaadaynayo Garaad Jaamac ayaa ah, in Garaad Jaamac uu wato mashruuc u gaar ah ” Dhulbahante” Ugaaska na aragtidaasi ay is-raacisay. Da’yarta Awdal, intooda badan aad u ga ma warqabaan arrimaha socda, waxa se, maanta la gudboon in ay garabjoogsadaan Prof Samatar oo Mawduucan si gundheer leh u la socda. Maanta waxa dadka isku xidhiyaa waa “Dan” ee ma aha qabiil.taa ha la ogaado. “Common sense must prevail”.