Kalsoonida shacabka iyo Covid-19: Xidhidda Masaajidda (WQ: Mohamed Hirsi G Abdibashir)

Kalsoonida shacabka iyo Covid-19:  Xidhidda Masaajidda

Dalka Sweden ee aan joogo, waxa shacabka iyo dawladda ka dhexeeya kalsooni xad-dhaaf h.

Waxa aan la amakaagsanahay sida ay u maareeyeen, xanuunkan Covid-19

– Dawladdu ma bixiso amarro bilqasab ah.

– Waxa ay bixisaa talo iyo dardaaran aan qasab ahayn

Dabadeed waxa loogu hoggaansamaa si degdeg ah, sida muslinka Ramadaan u soo gashay ay isaga wada soomaan oo kale.  Sababtoo ah waxa ay kalsooni buuxda ku qabaan in dawladdoodu ka talinayso dantooda iyo daryeelkooda.

Kuwiinan ay shacabkoodu maqli waayeenow, ma tihidin dawladdoodii ee waa aad qasbaysaan dadka.

 

FG: Waxa aannu samayn lahayn qaran uu shacabkiisu ku kalsoonyahay xilkasnimada dawladdooda.