• Waxaan ahay nin waayaha adduun, wax uga muuqdaane,
• Waxyi iguma soo dego haddana, wax ima seegaan. (Luggooyo. AHN)
Waxa isweydiin mudan dadkaa soo gurya noqonayaa maxay la iman doonaan dhib iyo dheef ba?
Sideedaba dadku waa raasamaal, meel dad joogaanna dhaqdhaqaaq ganacsi iyo dheef adduunyaba waa ku lammaanyihiin, waxase aan odorosayaa in dadkaa imanaya aanay tiradooda iyo dheeftoodu isu dheelli tirnayn, oo dheefta laga faa’iidayaa ka yaraan doonto badnidooda tira ahaaneed.
Waxa aan filanayaa in dadka iman doonaa ay u badnaan doonaan, dad waaweyn oo hawlgab ah, dad xanuunno la nool oo cabsida Covid -19 keentay, iyo caruur waxbarashada belowday lagala soo baxsaday.
Waxa aan filayaa in dadka aqoonta fiican ama xirfadda wanaagsan leh ee shaqooyinka fiican haystaa aanay iman doonin, xataa hadday caruurtooda keenaan in ay iyagu shaqooyinkooda baaqi ku ahaan doonaan, dhaqaalaha ay halkan soo gaadhsiiyaanna uu noqon doono uun masaariifta reerahooda, iyada laftigeedu waa waxtar weyn oon yareyn.
Dhinaca kale waxa hubaal ah in dadka soo degaya ay ka mid noqon doonaan tiro kooban oo aqoon, xirfad iyo weliba raasamaalba la iman doona, kuwaasoo wax fiican ku soo kordhin doona dadka iyo dalkaba.
Soo noqoshadani, waxa ay qayb weyn ka noqon doontaa horumarka dalka iyo deganaanshahiisaba, waayo qurba joogtu waxa ay qayb ka ahaayeen kala qoqobka, qalalaasaha iyo naasnuujinta qabyaaladda gudaha, waxa laga yaabaa in ay qurbajoogtu hadalkaygan dhibsadaan oo aanay jeclaysan, kuma wada caamyeelayo oo dhaqankaa dhibaatada ah ma wada laha, laakiin waa xaqiiqo aanay isdiidsiinteedu been ka dhigi karin runnimadeeda.
Dhinaca kale, dadka soo noqonayaa, dhibaatooyin dhaqaale iyo mid dhaqan ba way la iman doonaan.
Waxa uu imaantinkoodu sababi doonaa culays dhaqaale, sababahan awgood:
1) Badankoodu dhaqaale buuran lama iman doonaan, taa beddelkeedana waxa ay shaqooyinka ka riixan doonaan dad badan oo halkan ka shaqeynayay amaba fursadaha cusub ee soo baxa ayay cidhiidhsan doonaan, maadaama oo laga yaabo in ay la yimaaddaan xirfado shaqo oo dheeraad ah iyo aqoonba.
2) Waxa jiray qoysas badan oo markii hore ku tiirsanaa qoysaskan soo guuray, oo biilkooda ka heli jiray, albaabkaasina mid xidhma ama cidhiidhi gala ayuu noqon doonaa, oo reerihii ay biilin jireen sidii hore wax ugama heli doonaan.
3) Dhinaca kale, dhibaatooyinka ay soo guurin doonaan waxa ka mid ah dhaqanno xunxun oo saameyn taban ku yeelan doona bulshada, hore waxa waddanka loo keeni jiray caruur iyo dhalinyaro loo bixiyey DHAQANCELIS, ugu danbeyntiise deegaammadii la keenay looga bixiyey DHAQAN BI’IS.
In kasta oo dhibaatooyinkaasi jiraan, haddana dhinaca kale waxa ay abuuri doonaan fursado shaqo oo aan badnayn, tirada yar ee la imanaysa dhaqaalaha, aqoonta iyo xirfadduba waxa ay wax ku soo kordhin doonaan saddexdaas arrimood ee ay la yimaaddeen.
Meelaha fursaduhu ka bannaan yihiin ee aan isleeyahay dadkaa imanayaa wax bay ka sameyn karaan waxa ugu muhiimsan:
1) Beeraha iyo dhiqidda xoolaha, oo agab iyo aqoon casri ah loo adeegsado.
2) Kalluunka iyo khayraadka badda, oo shirkado, iskaashatooyin iyo wershado lagu farsameeyo loo sameeyo.
3) Hirglelin wershadaha yaryar iyo waaweynba, oo lagu daboolo baahiyo badan oo maanta debedda innaga xidhan.
4) Adeegyo bulsho oo tayo leh, dhinacyada: Caafimaadka, waxbarashada iyo teknoolajiyaddaba.
5) Hoteello iyo goobo dalxiis oo ka baxsan magaalooyinka waaweyn.
6) Shirkado ganacsi oo kala duwan.
7) Sidaas oo kale systemka dawladda ee ay geli doonaan ayay wax ku kordhin doonaan, habmaamul iyo xidhiidh debedeedba.
Qodobbadani sidaa ay u kala horreeyaanna aya u kala mudanyihiin, waan rajeynayaa in ay dadka fursadahaasi u bannaan yihiin iyo hay’adaha dawladeed ee ku shaqada lehiba ay qormadaydu wax u kordhin doonto.
Dadkaa soo noqonaya ee doonaya in ay dalka wax ku soo kordhiyaan, horumarkiisana qayb ka noqdaa maxaa iyaga caqabado ah oo ka hor iman doona?
Jawaabta waxa aan idinla wadaagayaa berri subax haddii Alle idmo.
Dr-Abdulqani Hussein Beder