Kulankii Djibouti: Wuxuu badka soo dhigay faraqa u dhexeeya Labada Madaxweyne iyo labada team ee ay kala hogaaminayeen!! Kala maan iyo kaaf iyo kala dheeri!!!
Kulankii Djibouti ee ay Jam. Somaliland kula gar-naqsanaysay Soomaaliya waxa ka soo baxay arrimo xiisa leh oo aan keliya la yaab ku ridin Dalkii gogosha dhigay, balse waxa iyagana uu la yaab ku dhacay Wadamadii ka soo qayb galay wadahadalka iyo Bulshada kale ee Caalamka ee iyaguna kulanka goob jooga ahaa.
Kulankii Djibouti waxa ka soo baxay arrimo badan oo ay dadka iyo dawlada Somaliland hore u ogaayeen balse Bulshada kale ee Caalamka hada ka hor ka dahsoonaa ama ay ogaayeenba laakiin ay is diidsiinayeen.
Kulankii fool-ka-foolka ahaa ee ay Somaliland iyo Soomaaliya isku soo hor fadhiisteen Djibouti waxa ka soo if-baxay, badkana yimid, Bulshada Caalamkuna ay markhaati ka ahayd kala fogaanshaha iyo kala duwanaanshaha u dhexeeya labada Madaxweyne. Sidoo kale, xubnaha weftiga ah ee ay labada Madaxweyne kala hogaminayeen, iyaga laftoodu aad bay u kala duwanaayeen marka dhan walba la eego.
MADAXWEYNE MBC & WEFTIGIISII:
Muddadii uu socday shirkii Djibouti Madaxweyne Muse Bixi Cabdi waxa uu soo bandhhigay sifooyin hufan oo hogamiyenimo taasoo si weyn u soo jiidatay ka qayb-galayaashii Shirkii Djibouti. Hab-dhaqanka iyo hanaanka Dawladnimo ee ay soo ban-dhigeen Madaxweyne MBC iyo weftigiisii waxay ahaayeen kuwo ay si weyn ugaga tilmaanaayeen marka loo eego Madaxweyne Farmajo iyo kooxdiisii. Gaar ahaan, Madaxweyne MBC iyo weftigiisii waxay madashii Djibouti ka muujiyeen arrimaha soo socda:
1. Hogaamin quman,
2. Waayo-aragnimo iyo khibrad,
3. Garasho togan,
4. Dood iyo garnaqsi adag,
5. Xil gudasho,
6. Dareen masuuliyadeed,
7. Cimri iyo caqli odaynimo,
8. Aftahannimo iyo hadal hufan,
9. Faham sareeya oo siyaasadeed oo si weyn daaha uga qaaday waxa ay labada dhinac isu hayaan,
10. Xog-ogaalnimo la xidhiidha taariikhdii madoobayd ee ay labada dhinac soo wada mareen, iwm.
11. Samir, dulqaad iyo degenaansho,
12. Waayeelnimo ay ilaalinayeen sumcada iyo sharafra guud ahaanba dadka ku hadla afka Soomaaliga,
13. Ixtiraam iyo dhawrsanaan ay ku ilaalinayeen milgaha madasha ay gogoshu taalo,
14. Hawlkarnimo iyo feejignaan ay mar walba heegan u ahaayeen inay difaacaan danaha iyo qadiyada Jam. Somaliland,
15. Tudhaale iyo lexejeclo ay ka qabeen Shirka Djibouti, iyagoo si weyn uga taxadirayey in uu Shirku burburo.
MADAXWEYNE FARMAJO & WEFTIGIISII:
Waftigii Soomaaliya ee ay hogaaminayeen Madaxweyne Muxammed Cabdullahi Farmajo iyo Ra’isal Wasaare Xasan Cali Khayre, iyaga iyo team-kii la socday waxay madashii Djibouti ka muujiyeen ficillo iyo hab-dhaqano laf-jab ku ah haybada hogaamineed iyo haykalka Qaranka ay wakiilka ka ahaayeen.
Arrimaha ay muujiyeen M/weyne Farmajo iyo kooxdiisii, oo run ahaantii la yaab iyo af-kala-qaadba ku noqotay cid kasta oo shirka Djibouti joogtay, kuwaasoo ay qaarkood si toos ah ula safnaayeen xukuumada Farmajo, arrimahaasi waxa ka mid ahaa:
1. Gardiidnimo,
2. Garawshiiyo la’aan,
3. Garasho la’aan,
4. Aragti gaabni iyo in-dhow garadnimo,
5. Masuuliyad darro,
6. Aqoon la’aan ah xagga taariikhda ay labada dhinac soo wada mareen,
7. Aqoon la’aan ah nuxurka arrimaha muhiimka ah ee ay labada dhinac isku hayaan,
8. Fudayd iyo bisayl la’aan siyaasadeed oo salka ku haysa khayaali iyo run la’aan,
9. Muran iyo makeeki aan ku haboonayn meeqaamka madashii gogosha oo ay la yimaadeen kooxdii Farmajo,
10. Ixtiraam darro, dhayalsi iyo is yeel-yeel ujeedadiisu ahayd in uu shirku fashilmo oo lagu kala kaco,
11. Hab-dhaqan xun iyo dhawrsanaan la’aan ay la yimaadeen kooxdii socod baradka ahayd ee uu hogaaminayey Farmajo,
12. Tixgelin la’aan iyo quudhsi ku wajahan doodaha iyo garnaqsiga dhinaca masuuliyiinta ka socday JSL,
13. Ficillo kale oo nusqaan iyo magac dilba ku ahaa dadka iyo dalka ay lahaayeen wakiil baanu ka nahay,
14. Inkiraad iyo is diidsiin nafhuridii taariikhiga ahayd iyo abaalkii ay sameeyeen ummadda Somaliland ee horseeday in Somaliland iyo Soomaaliya ay midoobaan iyagoo ah a labada dal oo kala madax bannaan,
15. Ku tala gal cad iyo dhagar qorshaysan oo ku wajahnayd in wada hadallada la fashiliyo.
Guntii iyo gebagabadii, kala mudnaanta labada Madaxweyne iyo kala duwanaanshaha hoggaamintooda waxa laga dheehan karayey labada arrimood ee soo socda:
1. Hadalkii ay labada Madaxweyne ka jeediyeen Shirkii Djibouti,
2. Qaabkii ay labada Madaxweyne ummadoodu u soo dhaweeyeen ka dib markii ay ka soo laabteen Shirkii Djibouti.
Arrntu sow maaha KAAF iyo KALA DHEERI!!
WQ: Xuseen Adan Cige (Deyr)