Wargaysyadii 1949-kii ilaa 1960-kii.
- Wargayskii ugu horeeyey ee ka soo baxa waxa la odhan jiray AL-UMMA, oo micnaheedu yahay ummaadda. Waxaanu soo baxay sannadkii 1949-kii. Wuxuu ka soo bixi jiray wiigii hal-mar. luuqada af-carabiga ayuu ku soo bixi jiray. Waxa lagu diyaarin jiray Hargaysa,waxaan lagu soo daabici jiray dalka Yaman. Waxa soo saari jiray Cali Maygaag Samatar iyo Jaamac Jibriil Rooble
- Wargayskii labaad waxa la odhan jiray AL-SOMAL, wuxuu soo baxay sannadkii 1951-kii. Wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi. Waxa soo saari jiray Maxamuud Jaamac Uurdoox.
- Wargayskii saddexaad waxa la odhan jiray AL-LIWA wuxuu soo baxay sannadkii 1958-kii. Micnaha Al-Liwa waa calanka.wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi. Waxa soo saari jiray Ahmed Yuusuf Ducaale.
- Wargayskii afraad waxa la odhan jiray QARNI-IFRIIQIYA, wuxuu soo baxay sannadkii 1958-kiiย badhtamahiisii. Macnaha wargayska ayaa ahaa Geeska Afrika. Wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi.waxa soo saari jiray Cumar Maxamed C/rahmaan(Cumar dheere).
- Wargayskii shanaad waxa la odhan jiray AL-SARAAXA, oo micnaheedu yahay runta. Wuxuu soo baxay sannadkii 1959-kii. Sida kuwii hore ayuu af-carabi ku soo saari jiray. Waxa soo saari jiray C/casiis Xaaji Ismaaciil (Dakharre)
- Wargayskii lixaad waxa la odhan jiray Somalilandnews, oo micnaheedu yahay warkii Somaliland. Wuxuu ku soo bixi jiray af-ingiriisi. Waxa soo saari jiray C/rixiin Caabbi Faarax.
Wargaysyadii 1991-kii ilaa 2020-ka
- Wargaysyadaย soo baxay waxa ka mid ahaa CODKA HARGAYSA, waxana soo saari jiray C/rahmaan Yuusufย Cartan, Cumar Jaamac, C/laahi Jaamac Maxโed, Nuur Faarax Xirsi , Cumar Iidle Saleebaan, Cawad Saalax iyo muuse F. Jaambiir.
- Wargayska XORRIYO ayaa ka mid ahaa wargays-yada soo baxay. Waxa soo saar jiray C/laahi Adan Cumar (Wayab), Faysal Fadhfadhle, Muuse Aadan Yuusuf iyo Xuseen Cali Nuur.
- Wargayska Jamhuuriya ayaa ka mid ahaa wargays-yada soo baxay 2.Nov. Sannadkii 1991-kii.
Aasaasayaashii: Xasan Siciid Yuusuf, Faysal Cali Sh. Maxamed iyo Ibraahin Muxumed Aw-Axmed.
Tifaftireyaashii: Xasan Siiciid Yuusuf, Axmed Siciid Cige, Xuseen Cali Nuur, Faysal Cali Sh. Maxamed, Xariir Faarax Ducaale, Maxamed Cabdi Curad iyo Maxamed Cabdi Cirro.
F.G: Faysal Cali Sheekh wuxuu ii sheegay inuu ahaa suxufigii ugu xadhiga badnaa warbaahinta Somaliland. Wuxuu xidhnaa isku-geyn 400 oo maalimood. Dhinaca kalena Xasan Siciid ayaa isna ka mid ah suxufiyiinta xadhiga badan la kulantay.
- Wargayska Waddani ayaa soo baxay muddo yar ka dib. Wargayskani muu sii jirin muddo badan. Waxa soo saari jiray Xasan Maxamed Yuusuf iyo Carraale.
- Wargayska Baraarug ayaa soo isna soo baxay, oo ay soo saari jireen kooxo wadaado ah.
- Wargayska Maandeeq oo imika la yidhaa Dawan ayaa soo baxa ka dib waxaana soo saari jiray Maxamed Cabdi Ismaaciil (Diktoorka), Axmed Cirro iyo Faysal C/laahi Cabdalle. Waana 1998-kii.
- Wargayska Haatuf oo soo baxay sannadkii 2001-dii.
Aasaasayaashii: Yuusuf Cabdi Gaboobe, Axmed Ducaale Bulaale, Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax (AUN), Axmed Cali Garas iyo Muuse Faarax Jaambiir.
Tifaftireyaashii soo maray: Siciid Guraase (AUN), Maxamed Ibraahin Sagax, Maxamed Cismaan Dubbe oo imika ah Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee wasaarada arrimaha gudaha, Cali Cabdi Diini iyoย Axmed Cali Cige
- Wargayska Ogaal oo soo baxay sannadkii 2005-tii
Aasaasayaashii: Muuse Faarax jaambiir iyo C/weli Faarax Jaambiir (AUN).
Tifaftireyaashii soo maray: Mustafe Sh. Cumar, Maxamed Walaaleeye, Barkhad M. Kaariye, C/fataax Mursal, Khadar Iid Kaariye, Khadar Jaamac Dirir iyo C/fataax Ismaaciil.
- Wargayska SaxanSaxo oo soo baxay sannadkii 2007-dii. Aasaasayaashii:
C/laahi Daahir Cukuse.
Tifafireyaashii soo maray
C/risaaq Maxamed Dubbad iyo Cali Cabdi Diini
- Wargayska Waaheen oo soo baxay sannadkii 2008-dii
Aasaasayaashii: Prof. Axmed Xuseen Ciise iyo Maxamuud Jaamac Xuuto
Tifafireyaashii soo maray: Maxamuud Jaamac Xuuto, Siciid Ismaaciil Guraase (AUN) iyo Naasir Maxamed C/laahi waana tifaftiraha ugu daโda yar.
- Wargayska Yool oo soo baxay sannadkii 2008-dii. Maxamed Cabdi Curad ayaa Aasaasay Tifaftire ka ah.
- Wargayska Saxafi oo soo baxay sannadkii 2009-kii. Aasaasayaashii:
Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax (AUN), C/fataax maxamuud caydiid, C/fataax dheeg Axmed, Barkhad-Ladiif Muxumed Cumar iyo Maxamed-Amiin Jibriil.
Tifaftireyaashii soo maray: C/fataax Maxamuud Caydiid iyo Mustafe Sh. Cumar.
- Wargayska Foorre oo soo baxay sannadkii 2011-kii. Aasaasayaashii:
Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase), Mukhtaar Muxumed Xasan iyo C/laahi Maxamed Axmed (Gacma-dheere). ย Tifaftire: Maxamed Maxamuud Yuusuf(Ilkacase).
- Wargayska Somaliland today oo soo baxay sannadkii 2012-kii. Aasaasayaashii: Muniir Axmed Cigaal. Tifaftire: C/qaadir Adan Cali
- Wargayska Himilo oo soo baxay sannadkii 2013-kii. Aasaasayaashii: Madar Cabdi Axmed. Tifaftire: Khadar Iid Kaariye
- Wargayska Sahan oo soo baxay sannadkii 2014-kii. Aasaasayaashii: Axmed C/raxmaan Xirsi (Heelo). Tifaftire: Siciid Khadar C/laahi.
- Wagayskaย Warsugan oo soo baxay sannadkii 2015-kii. Aasaase: Naasir Daahir. Tifaftireyaal: Ibraahin Cabdiraxaan Qaasim, Naasir Aadan Maxamed, C/risaaq Maxamuud Muxumed (Cabdoo) iyo Khadar Jaamac Dirir.ย
ย
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Tix-Raacyo:
Protectorate Office for Mediaโฆโฆโฆโฆ.Unpublished Paper
Sooyaalka Somaliland 26 June ka horโฆโฆ Sayid-Maxamed Yuusuf
Yuusuf Geelle WaaberiโฆโฆโฆโฆโฆGoob-Jooge..1955 ilaa imika