Kulmiye guushii miyuu la caraabay mise ciyaari waa gelin dambe (WQ: Cabdiraxmaan Caydiid)

 

Mahad Dhamaanteed Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigeena Muxammad. Salaan Qaaliya. Dhamaan Saxaafadda iyo Ahkristayaashaba waan salaamyaa.

Doorashii madaxtooyada oo inagu soo dow darteed, waxaa iska caadiya in xisbiyada iyo siyaasiyiintuba ay fursadaha siyaasiga ah ee soo baxa ay ku dadaalaan inay si fiican uga faa’iidaystaan.

Muddo haatan laga joogo ku dhowaad sanad (Oct 16, 2017) Ayaan qoray maqaal gundhigiisu ahaa xisbigga uu kasoo bixi doono madaxweynaha 2017. Qaybka Allaa og, laakiin faalo mala-awaal ah ayay ahayd, iyadoo aan isku deyayay inaan tarjumo xaqiiqooyinkii maalintaa taagnaa. Linkigan hoose ayaadna ka dheehan kartaa maqaalkaa hore. http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=189528. Anigu shakhsiyan markii aan dib u eegay qoraalkaas aan sannad kudhowaad kahor sameeyay wax badan oo iska bedelay mala-awaalkii maan arag, bal e waxaan arkay in meelaha qaar xisbiyadu shaqadoodii si fiican ugasoo baxeen meelaha qaarna gaabis weli kaga jiro.

Maqaalka aan sanadkii hore idinla wadaagay waxaynu tilmaanay in labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye mid walba dhowr shaqo-guri oo muhiim ahi u yaalan, siduu kuwaas ugasoo baxana ay guushiisa iyo guuldaradiisu ku xidantahay xisbi kasta.

Metalan Kulmiye layliskii (homework) loo diray wuxuu ahaa: inuu Jamaal iyo taageerayaashiissa wax iskagala daalo, inuu lixdii degmo ee xeebta ee muranku ka taagnaa aragtiyaha laga kala qabay is waafajiyo, inuu tageerayaasha Mudane A/qadir Jirde ee waddani u jihaystay wax kala hadho iyo inuu muujiyo inuu taageero aqlabiyad ah ka keeno gobolka Awdal oo tabashooyin hore ka tirsanayay maamulka, lana tuhunsanaa inay xilliga codka ka aarsan doonaan Kulmiye. Sawirkaa markaad dib u jaleecdo waxa muuqanaysa in Kulmiye si fiican uga hawl galay. Lixdii tuulo warkoodii waa la aamusiiyay, Jamaal iyo taagerayaashiisii Kulmiye ayay ka hillaaceen.

Waddani baylahdii sugaysay inuu iska gufeeyo waxaa ka mid ahaa inuu codka buuran ee Siilanyo Muuse u loogay wax kala hadho, Gobolka Awdal taageeradii uu ka helayna uu sii adkaysto. Waxa muuqata in marka laga tago taageerada Xil. Jirde oo uu sii adkaystay Waddani, in aanu Beesha madaxweynaha sidii la filayay waxba uga keenin, marka dhinac layska dhigo abaabulka ay xisbiyadu sameeyaan marka ay gobolada marayaan oo inta badan ah abaabul jihaysan (targeted political mobilization).

Intaas haddan ku dhaafo milicsi guud. Aan usoo dego dulucda maqaalkaygan maanta oo bal aynu eegno dhacdooyinkii u dambeeyay iyo sida labada xisbi uga kala faa’iideen (political gains)

  1. Baarlammanka: Sidaad la socoteen waxa dhowaan muran ka dhashay doorashadii guddoomiya baarlamaanka. Taa waxay timi markii Waddani natiijaddii dib u gocday oo ku dooday in khalad dhacay kursigana tartamahoodii Talyanle ku guulaystay. Arintaasi muddo ayay jiitantay. Waddani waxa u suura gashay inuu fadhiyadii baarlamaanka ka dhigo inaanay qabsoomi Karin kooram la’aan darteed. inkastoo markii dambe lasoo afjaray, waqti Musharax Cirro Xaramka usii safrayay, arintaana si gaara ayaa Waddani loogu amaanay. Sawirkii guud ee inoo muuqday waxay ina tusinayeen in awoodo is caabiyi karaa baarlamaankii kasoo baxday, sidaas darteedna aanu dhinac keliyihi wuxuu doono fushan Karin. Anigana waaxabay ila ahayd in Shirguddonka kursiga koowaad iyo labaad lakala fadhiisan doono aakhirkana sidaa lagu soo afmeeri doono khilaafka, hase yeeshee waxa markeliya mudh soo tiri in Waddani hoos u shiikhay kuraastii shirguddonkana Kulmiye aqlabiyad ku fuulay dhamaan.
  1. Gobolka Awdal: Gobolka Awdal waxa loo arkaa inuu siyaasadda Somalilland muhim ka yahay. Sababo badan ayaa taa suurageliya. Midda koowaad waxa weeye waa gobol beeralay u badan, nabadgelyadiisu markasta tahay 100% marka loo eego gobolada bariga, isla markaana dadkiisu rigli yahay majooratiguna wada codeeyaan, weliba cod buuran oo muhiim ah laga helo. Codkaasi oo xoogiisu inta badan dhinac u buurto. Sidaas darteed markasta Waxay xisbiyadu ka keenaan M/weyne xigeenka oo iyana muujinaysa siyaasiyan muhiimadda gobalkani leeyahay. Sanad kahor iyo xataa dhowaanba xaaladdu waxay u muuqatay in la kala qaybsan doono codka gobolka Awdal, markay timaado Kulmiye iyo Waddani. Maanta marka laga shiidaal qaato, in guddoomiyihii koowaad ee baarlamanka Awdal ka soo baxay, Abdirashiid Xassan Mattaan iscasilay oo Kulmiye ku biiray/ama ku biirayo oo saaxiibkii Jamaal kadaba tegay. Marka taas lagusii daro garabkii Mr. Seed iyo waxyaabihii hore u jirayba, waxa muuqata in Kulmiye codadka Awdal maanta hogaaminayo marka Waddani la barbardhigo.
  1. Is-casiliaadii Siciid Cilmi Rooble. Siciid Cimli Rooble waa Xildhibaan golaha baarlamaanka soo fadhiyay tan iyo sagaashamaadkii. Waa nin wuxuu aaminsanyahay ka badheedha, kuna adkaysta, waa nin hadday kusoo oodanto lafteeda lagu yaqaan inuu iska qirto in waddadii soo xidhantahay oo guuldaradana aqballa marka laga badiyo. Siciid iyo Waddani haddaynu usoo noqono, Siciid wuxuu sheegay amaba carabka ku dhuftay inuu Guddomiye Xigeen baarlamaan rabay xisbigiisuna aanu taa ka caawin. Anigu taa ma aaminsani. Labada waxa sax ah dooda Xildhibaan Waabeeye ee ah in si laysla ogyahay laakiin aan meel ku qornayn (genglemen’s agreement) lagu heshiiyay in doorkan shirguddonka baarlamaanka beelaha darafyada faraha looga qaado oo iyagu ku tartamaan. Siciid Kulmiye maanta kamuu bixin ee wuxuu macnawiyan ka baxay markii laqabanayay Shirweynihii Waddani. Xilligaas oo shaxdii Waddani soo dhigay iyo sidii xilalka xisbiga loo qoondeeyay aanay Siciid iyo kooxdii uu hogaaminayay ee u badnaa gobolka Saaxil aan si fiican kubbadda siyaasadda xisbiga looga ciyaarsiin, dhamaantood (Sallacaleena ku daroo) kursiga kaydka ciyaartoyga ayay wada fadhiyeen. Siciid berigaas imaaraadka ayuu tegay shirkiina kama soo xaadirin. Dadbadani waxay u fahmeen inuu duday Siciid xilligaas. Khaladka markaa waxa sameeyay xisbiga oo aad ugu beeraqay xubnihii loo arkayayay inay miisaan weyn kusoo kordhinayaan Xisbiga ee ay kala hogaaminayeen mudane Xirsi iyo Mudane Buubaa. Taas oo bedelkeeda ragbadan baro bixisay oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Faarax dheere oo gobolka saaxil laga soo doodrto iyo xildhinaan Rayte oo labaduba beesha madaxweynaha ka tirsan.
  1. Siyaasiyiin dhowaan ku kala biiray labada Xisbi ee Waddani iyo Kulmiye: dhowaan waxa kasoo dhexmuuqday labada dhinac siyaasiin ka mid ahaan jiray xukuumadihii hore. Tusaale ahaan Cali Warancadde yo Amabsaador Awil ayaynu arkaynay iyagoo kulamada kulmiye dadweynaha kula hadlayo dhex fadhiya amaba ka khudbadaynaya. Dhinaca kale waxaynu arkaynay Ismaciil Yare, C/hi Cirro ,Jaambiir iyo Abiib oo iyaguna sidoo kale Waddani hawlaha abaabulka kala qaybqaadanaya. Guud ahaan siyaasiyiintan marka laga dheehdo maxay cod u keeni karaan dhinacayda ay la kala safteen, waxa iska cad marka laga reebo Cali Warancadde iyo malaha Abiib in aanay taageero buuran oo xisbigoodu guul ku gaadho aanay soo kordhin Karin oo deegaamadoodii ka keeni karin. 

Kulmiye Miyuu La Caraabay Guushii?

Ugu horayan markaan leeyahay Xisbi hebel baa gobol hebel ama deegaan hebel u muuqda inuu ku badinayo, uma jeedno in Xisbiyada kale ku qadayaan balse waxaynu ka wadnaa isagaa codka ugu badan ka heli kara amaba heli doona, waana saadaal ka tarjumaysa dhacdooyinka  horteena yaal iyo khibradihihii aan ka baranay doorashooyinkii hore.

Markaynu eegno dhacdooyinka kore ee u dambeeyay iyo sida Xisbi waliba ula tacaalay duruufihii horyaalay 12kii bilood ee u dambeeyay, waxaa inoo soo baxaya sawir u muuqda in Kulmiye uu Xisbiga Waddani si xooggan uga horeeyo, si gaara waxaynu xusi karnaa gobolka Awdal oo  cududiisu u muuqato inay Kulmiye la jiraan.

Dhinaca kale haddaynu u rogno, iyadoo waqti koobani ka hadhay doorashadii madaxtooyada, waxa weli muuqda caqabado saamayn ku yeelan kara codka dadweynuhu dhiibi doonaan. Caqabadahaas badankoodu waxa laga yaabaa in ay saamayn taban ku yeelan karaan Xisbiga kulmiye haddii aanu la imaan xirfado uu ku waajahayo. Kow iyo laba haddaynu tilmaano, waxaynu xusi arnaa arinta sixir bararka oo saamayn weyn dadweynha noloshooda ku haysa, iyadoo weliba aanay dadku si fiican ugasoo doogin abaarihii dhacay oo iyana saamayn culus yeeshay. Waxa kale oo jirta in maalgashigii Berbera ee dekadda iyo saldhigga milatery lagu bixiyay aanay weli midhihiisii muuqan ilaa imika, sidaas darteed  waxa dhici karta in dad badani ay arimahaas xisbiga Kulmiye u sibir saaraan.

Waxaa kale oo aan la dhayalsan Karin Xisbiga UCID oo halabuur cusub iyo shaxo cucusb soo bandhigay oo laga fili karo inuu codad ku jabsan karo. Xisbiga UCID had iyo jeer waxa uu xallad iyo xiiso u yeelaa siyaasadda xisbiyada ee Somaliland. Dadka Kiinyaanka ah qaarkood markaad la sheekaysato ee metalan tidhaahdo waar horta ninkan Rayla Odhinga miyuu iska nasto waa kan doorasho walba dhacaya e. Waxay kuugu jawaabayaan Rayla la’aantii siyaasadi kama jirto Kenya “Without Raila there is no politics in Kenya”. Somaliland-na waa sidaasoo waxa weeye “Faysal La’aantii Siyaasadi Somaliland kama jirto”. Faa’iidooyin badan buu leeyahay Faysale ee yaan loo daymo la’aan, inkasta oo guul uu kursiga ku fuulaa aad uga durugsantahay imika.

Dhinaca Waddani markaynu kusoo laabano, Xisbigani runtii waxa uu iska lumiyayy fursado badan oo dahabi ah oo soo maray sababtuna ay tahay qaab dhismeedka uu shaxda u dheelo iyo dhismaha xisbiga oo marar dhowra wax ka khaldameen, tusaale kooban waxa kuugu filan guddiyadii dhowaan uu ololaha iyo dardargelinta u magacaabay oo sawiro kala duwan lagala dhexbaxay, Xisbigu wax is yeel isma lahayn laakiin waxaad moodaa inay shaxda u dhigaan kaadiriin aqoonta arimaha bulshadu ka gedmantahay. Waddnai waxa uu waqti badan ku lumiyaa hebel keen, isagoon hebeladii sii joogay dariiqo uu ku xaslado aan la iman jirin. Waqtiguna waxaad moodaa inuu imika kusoo gaabtay. Waddani Gobolada Galbeedka runtii waa looga itaal roonaaday (marka laga reebo gobolka Hawd), Sidaas darted waxa u yaala uun, waqtiga kooban ee u hadhay, inuu xaggaa iyo bari dagaalkiisa u jiheeyo.

Waxaaa kale oo aan intaa raacin lahaa, Qolyaha warbaahinta ka caytama waxaynu ku waanin lahayn inay cayda iskaga waantoobaan oo cidda ay siyaaddda iyo hoggaanka dalka kula beretamayaan ku dhaliilaan barnaamjikooda iyo meelaha ay u arkaan inay u nugulyihiin ee ay iyagu kaga fiicnaan lahaayeen

Guntii iyo gebagebadii waxa la ordayaa waa Marathon oo boqolkiiba boqol lama odhan karo Kulmiye guushii waa la caraabay, horena waxa loo yidhi ciyaari  waa gelin dambe.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Cabdiraxmaan Caydiid

Baarlamaanow, arrinta Shirguddoonku – Maba weynee haysla waayina 

Baarlamaankii yara qufacay dawadiisii waa la helay

Itoobiya oo saami laga siiyo maalgeshiga Dekadda Berbera maxay ka dhigantahay?

Dacwadda UCID waa maara-raw siyaasadeed 

Qaylo-dhaanta Cabdilaahi Jawaan: Sax mise Khalad

Marsada Berbera laba laysku heli maayo

Taageeridda mudaharaadka London (UK) xisbiga Waddani miyuu ku saxsanaa?

Saldhig Milatari – Ictiraaf ma gooyaa? Q2aad

Saldhig milateri: Xul mise xal? 

Dhawaaqu ha gaadho meel dheer

Adigu haddaad Jamaal tahay maxaad yeeli lahayd

Dhaawaca Waddani intee buu hoos u qodan yahay?

Cabdiraxmaan Caydiid

abdiaideed11@gmail.com