Laba aan kala dayno (WQ: Mustafe Cismaan Liibaan)

Mid ka mida maansooyinkii A.H.U.N abwaan gaariye waxaa ku jiray

“ dadkaygow mid soo gala in aad daylo qalataan ama darar ka maashaan”

Guud ahaan Somaliland waxaa ka dhacaya doorashooyin ay ku tartamayaan murashaxiin aad u tiro badan kuwaas  oo laga filayo in ay ka soo baxaan masuuliyiintii u khidmayn lahayd shacabka hasayeeshee sida ay wax u socdaan maaha sidaynu ku heli lahayn dad ina metela.

Akhriste hadii aad qof ka iibiso tukaan ama badeeco oo hadana aad ka doonto in uu shaqaale kuunoqdo masuurogalbaa ? maya weeyi jawaabtu

Musharax kasta oo ku soo bixi doona kuraasta lagu tartamayo waa laga iibiyey sidaa darteed masuul kasta oo ku guulaysta doorashadan wuxuu xaq u leeyahay inuu iibiyo wixii uu iibin karo si uu u helo hantidii kaga baxday ololihiisa.

Laga bilaabo odayaashii soo xulay, cashuurtii, xisbigii ilaa maalinta doorashada tallaabo kasta oo uu qaadaa waa lacag hadaba isna wuxuu xaq uleeyahay markuu soo baxo tallabo kasta oo qaadayo inuu lacag ka dhigo xataa hadii uu dalka iyo dadkaba iib u helo waa inuu faasaxaa????????

Waxaa soo baxaya ciil qabayaal dadka iyo dalkaba u cadhaysan taas oo ay ay ku kaliftay wacyiga jraa,

Waxaan la sheekaystay lix murashax oo aan asxaab ahayn dhamaantood si isku mida waxay iigu sheegeen in aanay isa soo sharaxeen hadiiba ay xaalada sidan moodayaan, waxaan waydiiyey sobobta ay iskaga hadhi waayeen haday xaaladu sidaa tahay, waxay iigu jawaabeen kaliya waxaan ku soconaa “ nin qoyani biyo iskama dhawro”.

Maxaad u malaynaysaa ninka xaaladiisu halkaa marayso hadhaw cid ma u naxayaa mise dantiisa ayuu raacanayaa ?

Hadaba macula tahay in xaalada doorashooyinka noocan oo kale ah in wax laga bedelo?

Hadii aan laga bedelayna in aynaan hadhaw caban ee aan la boobno waxan laboobi karno!!!!!!!!!!!!!!!!

Mustafe  Cisman Liban