Halkuu ka soo bilaabmay qalalaasaha dalka Chad (WQ: Rashiid Odowaa)

Waddanka Chad waxa uu xuduud la leeyahay dhanka woqoyi Libya,bariga Sudan,koonfur jamhuuriyadda Afrikada dhexe,koonfur galbeed Cameroon iyo Nigeria,iyo galbeedka Niger,waddankani waa waddan aan lahayn bad oo ay ka fogtahay (Landlocked) marka loo eego masaafadda baddu ka fogtahay, cimilada saxaaraha ee ay ku taallo iyo jabhadaha hareeraha kaga Furan waxa lagu naanaysaa โ€œWadnaha Afrika ee dhintayโ€ hase ahatee waddankan waxa laga helaa Macdanta Dahabka, Uranium iyo shidaalka uu soo saaray 2003dii.

Tan iyo xornimadii 1960kii waddankani mar keliya kamuu nasan qulqulatooyin Madaxweynihii markaa xilka qabtay waxa uu ahaa Tombalbaye isla markiiba wuxu ku bilaabay inuu albaabada isugu dhufto xafiisyadii axsaabta kale marka laga reebo xisbigiisa PPT mooyee, markiiba waxa dagaal kala hor yimi muslimiinta Woqooyiga ee ay liibiya taageeri jirtay jabhaddii FRONILAT.dagaaladaasi waxay sababeen dhimashada 500 oo qof,waxanu Tombalbaye gargaar ka dalday Fransiiska ,ka dib markii uu guulo gaadhay wuxu uu bilaabay xasuuq arxandarro ah.

Ka dib waxa xilka ka tuuray Militariga oo hoggaaminayo Gen.Felix ย Maloum,ka dib Maloum wuxu goโ€™aansaday in aan laga adkaan Karin jabhadda Libya taageerto ee FRONILAT wuxuna la midobay Xuseen Habri waxana uu ku soo galay Raโ€™iisal wasaare.ka dib Xuseen Habri ayaa 1979kii ย xilka ka tuuray Maloum halkaas waxa ka dhashay oo bilaabmay qas ,waxa soo baxay tiroba 11 jabhadood waxana bilaabmay dagaal sokeeye.

Isku dayo badan ka dib iyo shirar is daba jog ah oo OAU ay qabatay oo la doonayay in la isugu keeno kooxaha ku hirdamaya Chad.ayaa lagu qantay Nigeria 1979 waxa lagu dhisay Dowlad ku meel gaadh ah oo hoggaaminayay Goukouni oueddei oo dhinac woqqoyi ka soo jeeday ayaa loo magacabay madaxweyne ย waxa loo magacaabay Colonel Kamague M/xigeen.Xuseen habri waxa loo magaacabay wasiirka difaaca.habkan loo dhisay oo u muuqday mid jilicsan ayaa waxa markiiba dagaal iskaga hor yimi 1980kii Xuseen Habri iyo Gokouni Ouddei waxa taageerayay Gokouni oudei Libya,ka dib xuseen habri wuxu u guuray dhinaca Injamina waxa soo dhex galay Ciidamo Faransiis ah lakiin markii danbe waxay taagereen Xuseen habri,aakhirkii waxa la gaadhay heshiis faransiiska iyo Libya ay ciidamadooda kala baxayaan Chad lakin Libya daacad kamay noqon oo dhanka woqooyi way sii joogeen.Xuseen habri waxa uu xoog kaga saaray Gokouni iyo ciidamadii Libya dhamaan waddanka isagoo taagero ka helaya Faransiiska iyo Saiir.xabad joojin ayaa dhacday Libya iyo Chad ah 1987 iyo 1988.halkaasna uu Xuseen Habri xukunka ku hantay dhamaan dalka waxa la sheegaa inuu Xuseen habri xasuuq badan gaystay intii ay dagaaladaasi socdeen.

1990Xusen Habri ย waxa xilka qabsaday mid ka mid ah Generaladii Idiriss debby oo goostay ciidamo ka dib wuxu u soo dhaqaaqay dhinaca caasimadda Injamiina waxanu xilkii ka qaaday Xuseen Habri isago taageero ka haysta Libya 1990 waxana uu noqday Madaxweyne,inkastoo uu ku dhawaaqay inuu hannanka Xisbiyada badan ka hirgelinyo dalka,hadana way socon wayday isaga naftiisu labadii sano ee u horreeyay xukunkiisa laba jeer ayuu ka bad baaday Inqilaab.Maxamed Nouri oo ahaa wasiirkii hore ee difaaca iyo Inaโ€™abtigii oo ahaa Timane Erdimi ayaa caasiamadda Injamina ku soo weeraray xattaa Guriga madaxtooyada ayay soo gaadheen lakin ciidamadiisa ayaa dib u difaacay.tan iyo intii dagaaladsi socdeen qoxoonti badan ayaa ka cararay Chad dad badana way galaafatay.

Idiriss debby waxa ku guulaysaty doorashadii lixaad bishan aprilย  waxa lagu dilay Front line ka isagoo ciidankiisa dhiiri gelinaya kuna bogaadinaya guusha ay ka soo hooyeen dhowaan markay dileen 300 oo ka mid ah mucaridka Loo yaqaan (FACT) maxaabiis badan ay ka qabteen, jabhaddan oo ka soo tallawday dhinaca liibiya ka dib markii loogu dhawaaqay Idiris debby markii Lixaad ee uu doorasho ku guulaystay,wakhtigaas waxa la arkay isagoo gashan Tuutihii Ciidanka oo dhex jooga furinta hore haddana waxa xigtay iyadoo diyaarad laga soo rogayo isagoo dhaawac ah waxa xilkii la wareegay Inankiisii oo la yidhaa Maxamed kaka idiris debby.waxa la is waydiinayaa waxa uu madaxweynhu u tagay jiidda hore dagaalka waxay Dad badan oo aqoonyahan ahi ku tilmaameen inuu isu tusayo nin dalkiisa difaacaya oo ku marin habaabinayo mucaaridka faraha badan ee xukunkiisa ka soo hor jeeda.Idiris debby waxa xukunka ku taageerayay Faransiiska.

Arrinta in loo magacaabo Maxamed Idiris debby madaxweynaha Chad ย waxay uga sii dari kartaa uun xaaladda kolka horeba ka aloosan waddankaasi Chad.ee ku abtirsata kalitalisnimada iyo xasuuqa.lagama yaabo inuu dagaalku ka joogsado ilaa laga helayo doorasho xalaal ah.

 

Rashiid Odowaa

rashidsalan1982@gmail.com

063 4101213