Dawladda Jabuuti waxay ka jawaabtay eedayn uga timid Dawladda Soomaaliya

Dawladda Jabuuti ayaa ka jawaabaty eedayn ay dhawaan dalwadda federaalka Soomaaliya u jeedisay taas oo la xidhiidhay in Jabuuti ay galaangal ku laheyd bayaankii ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, bayaankaas oo uu goluhu ku cambaareeyay muddo kordhinta haydaha dawladda federaalka.

Jabuuti ayaa haddaba sheegtay in ay la mawqif tahay Golahha Nabadda iyo Ammaanka ee midowga, isla markaana dano siyaasadeed laga leeyahya eeda dowladda Soomaaliya ay u soo jeedisay.

Wasiirka warfaafinta ee Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay: “Jabuuti waxa ay aad uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, isagoo Jabuuti ka been abuuray, Jabuuti waa dal taariikh ahaan u muujinaya taageero walaaltinimo oo joogta ah Soomaaliya,”

Waxa uu wasiirku intaasi ku daray:

“Jabuuti waxa ay dedaal ku bixisay nadaynta iyo dib u heshiisiinta, shirkii Carta oo la ogyahay natiijadii ka soo baxday oo ay Soomaaliya ka dhaxashay in ay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd Qaramada Midoobay kadib samnado badan oo ay ka maqnayd.”

Dawladda Jabuuti ayaa dhanka kale hadalka dawladda Soomaaliya ku sheegtay in dano siyaasadeed laga leeyahay, haatanse ay tahay in doorasho sidii loo qaban lahaa laga shaqeeyo.

“Eedaymaha noocan oo kale ah ee Soomaaliya ay jeedinayso waa dano siyaasadeed, waxaana waqtigan muhiim ah in ay madaxda siyaasadu ay hal ujeedo lahaadaan, taas oo ah, in ay si degdeg ah uga heshiiyaan qorshaha doorasho oo lagu kalsoonaan karo, wakhti ku dhaca si loo xoojiyo nabadda, xasiloonnida iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.”

Khamiistii ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay wadammada Kenya iyo Jabuuti ku eedaysay in ay wadaan olole ka dhan ah oo ay sheegtay inay ka dhex wadaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

bandhige@gmail.com