Macaanku waa hadyad ALLE i siiyay oo an ugu mahadnaqo.
Waxan ka faaiday dhawr qodob
1: Samir iyo Dulqaad
Qofka macaanka leh waxa looga baahan yahay inuu samir muujiyo dulqaad badan la yimaad maadama oo xanuunka macaanku uu yahay xanuun dhib badan oo marxalado kala duwan kula maraya nolasha caadiga ah iyo ta maalinlaha ah
Laba saacadood oo isku xiga ayaad laba xaladood oo kal duwan gali kartaa markad la nooshahay xanunka macaanka
Mar uu kaco oo uu dhaafo heerkii loogu talogalay marka ad is tidhaa dajina waxa dhici karta in uu dhaco oo uu dhaafo heerki loogu talo galay
Sidaas daradeed waxaad u baahan tahay samir iyo dulqaad ( Dadka Samra Alle waa jecel yahay )
2: Dadaal iyo Karti
Markii an macaanka yeeshay waxan isku dayay oo an u jihaystay sidii an nolashayda u maraayan lahaa ee an nolasha cusub ula qabsan lahaa taas oo u baahnayd dadaal iyo karto dheeri ah alx alle waa igu guuleyay waxanan la saaxiibay xanuunki alle hadyada iisiyay
3: Wadadii Guusha
Macaanku wuxu ii horseeday ina jiheeyay wadada guusha.
Si ad uga guulaysato xanuunka macaanka waa inad noqota qof han leh oo caqabadkasta ka guulaysta taas oo kuu horseedaysa inad la saaxibto xanuunka macaanka.
Hadaba si an uga guulaysto waxan u dhabar adaygay caqabadka kasta oo an kala kulmay wakhtigii waxbarashada aniga oo is waafajiyay nolashayda macaanka iyo tayda waxbarasho Alle waxa uu igu guuleyay inan noqdo mid guulaysta, xanuunka macaankana aqoon fican u yeesha sidoo kalana hadafkii iyo hamigii mustaqbalkaygana ka midho dhaliyay
Qoraalkan waxan ugu talo galay qofkasta oo la nool xanuunka macaanka si ay uga guulaystaan
Xanuunka macaanka
Caqabad kasta oo kaa hortimaad ha is dhiibin
Ee isku day inad guulaysato