Liin dhanaanta iyo cudurrada ay daawayso (WQ: Dr. Faris Al Attas)

Liin dhanaantu waxay ka mid tahay khudradda qani ku tahay fiitamiinka C-ga sidoo kale waxaa laga helaa maadooyin muhim u ah caafimaadka qofka sida VitaminB, Phosphorous, Proteins, iyo carbohydrates. waxay kor u qaadaan qaadana caafimaadka.

Liintu waxaa lagu daaweyn karo dhuun xanuunka ama waxa soomaalidu u taqaan Quunka, aaryada caloosha, Saxarada adeyga, gowsa-cirid xanuunka, qandhada guud, dhiiga qofka caloosha uga furma (internal bleeding), Roomatiisimada (rheumatism,), gubashada, buurnaanta iyo cayilka, Naqas yaraanta (Respiratory disorders) Shubanka iyo koloraha iyo dhiig karka.

Cilmi baaris ey sameysay Hay’ad aan dowli aheyn ee la yiraahdo American Urological Association ayaa sheegtay in Liin dhanaanta lagu daaweyn karo Dhagaxa kilyoodka iyadoo nadiifisa kaari mareenka iyo tubooyinka qaada kaadida.

Haddaba sidee loo isticmaalaa si Liinya loogu daweeyo cudurada aan kor ku soo sheegnay

Calool adayga iyo aashitada caloosha.

Liin dhanaanta waxey daaweysaa Calool adeyga iyo saxarada adag. Ku dhiigi liima dhanaanka cuntada aan ku cunto marka kasta (iska caanaha waa bajineysaaye) si markaas ey kaaga caawinto calool adeeyga iyo waliba aashitada. Ogow ineysan run aheyn wax badan oo ey aaminsan yihiin dad badan oo leh Liinta aashito ayey igu rideen. Run ahaantii aashida nooca dadka ku soo laabjeexa wey baabineysaa.

Qandhada (Fever:)

Liin dhanaanta waxaa lagu daaweyn karaa feebarhaa ka dhasha Xumada, gargabka. Wuxuuna sheegay dhakhtarku in wax ka tarto neefshada qofka isla markaasna ey siyaadiso wareega dhiiga iyadoo waliba disha jeermiska qaar.

ILKAHA , GOWSKA IYO CIRID XANUUNNKA :

Liin dhanaanka ayaa wax weyn ka tarta Gowso iyo cirid xanuuka iyadoo disha barteeriyada ama jeermiska ilkaha dad ka xanuujiya. Marka gows ku xanuunto ku qabo liima dhanaan gowska ku xanuunaya. Ma aha qobka balse murxaha hoose ama ku luqluqo biyaha liima dhanaanka adigoo in door ah ku heynaya halkaasi si uu u dilo jeermiska.

Sidoo kale haddii aad qabto yirid ama ciridku kaa bararo ku rumeyso ama ku luqluqo biyaha liima dhanaanka. Waxaa kale oo la sheegay in dadka afku ka soo uro ey sidoo kale subax iyo habeen walbe ku luqluqdaan biyaha liin dhanaanka taas oo la hubo inuu ka tago af urku.

Waxaa sidoo kale la mid ah cudurka dhuun xanuuka ama qof dhuunto ka baq baqdo iyadoo arintaasi wax weyn iska bedelyaan marka qofku uu cabbo biyaha liima isla markaasna uu ku luq luqdo. Waxaa jira dad badan oo subax iyo habeen walba ku rumeysada liimada dhanaanka si ey daryeelaan ilkahooda iyadoo waliba dadka ku nool galbeedku ey iibsan karaan Toothpaste uu ku jiro Liin dhanaan.

Inaga aan soo wada koobi karin faaiidada ey leedhaay lii dhanaantu ayaa waxaa ku dareynaa laba cudrur somalida mararka qaar ku dhaca

CUDUR SHUBAN BIYOODKA AMA CHOLERA IYO MALAARIYADA:

Liin dhanaanka ayaa si fiican daawooyinka qaar u daweeya cudurka Shuban biyoodka oo somalida mararka qaar ey u dhintaan iyo waliba maleeriyada. liinta waxay dishaa ama sifeeyo baktiiriyada iyadoo waliba disha jeermiska qaar. Baaritaano dhowr ah oo lagu sameeyey wadamo ka mid afrika ayaa lagu ogaaday iney liima dhanaantu wax weyn ka tarto daaweynta shuban biyoodka iyo waliba malaariyada marka qofku uu cabbo biyaha laga miiraay liima dhanaanta.

DHIIG KARKA ( High Blood Pressure)

Cabbida biyaha liimadu waxey wax weyn ka tartaa dhiig karka iyo wadna xanuunka maxaa yeelay waxaa laga helaa biyaha liima dhanaanka maadooyin farabadan oo caafimaadka u fiican khaasaatn maadada afka qalaad lagu yiraahdo potassium. Potassium-ka ayaa la ogyahay in wax ka tarto dhiig karka, madax wareerka, yaaq yaaqsiga iyadoo waliba dejisa maskaxda kana hortagta stresska iyo waliba qalbi jabnaanka.