Wahaabiyada iyo Suufiyaddu: Walaalo ma noqon karaan? (WQ: Cabdiraxmaan Barre)

Qoraal uu soo dhigay Sheekh Maxamed Xuseen ayaan jawaab ka bixiyey u badneyd WAYDDIIMO. Sheekhii isna maanta ayuu kusoo jawaabay booshaaq, isago badhkamida ka tagayba oo ah inta DOODDU ka taaggantahay ! Sheekhuna , maqaalka uu kaga soo jawaabay wayddiimahaygii , waxay noqdeen qaar aan meelna haysan.

Qormadani koobani waxay kaga duwanaantoodu kuwii kale xagga danbe ayaan ku xusay. Se wayddimihii uu isdhaafiyey sheekhu ayaan ku celinayaa iyagoo faahfaahsan,

Ugu horreyn Sheekhoow :

1. Bidco ,maxaa la yidhaa baan ku wayddiiyey ? Ma qaybsantaana waan kuugu daray ?

Bidco in ay qaybsanto; ma anigaa sheegay , mise culimaan kasoo xiganayaa , siduu isba sheekhu usoo xiganaayo ?

Wax ka ogaada culimada aamminsan in ay BIDCADU qaybsanto.

B. Suldaan Alculamaa Cisidiin ibn Cabdisalaam ku noqo qaabka uu u qaybiyey BIDCADA kitaabkiisa Alqawaacid. Bidcadu shanta axkaam ee sharciga ayay raacdaa sida Waajib , Xaraam , Sunna , Makruuh iyo Mubaax.

T. Bayhaqi wuxuu kusoo rarayaa Manaaqibka Shaafici , in uu Imaam Shaafici yidhi : “ Wixii lasoo darriyaa waa laba. Mid kitaabka khilaafta , sharcigana baalmarta. Iyo mid kitaabka waafaqda oo mid wanaagsan noqonaysan.

J. Imaam Nawawi wuxuu kitaabkiisa ‘Tahdiib ASmaa Wa Luqaat’ : “ Bidcadu waa shay aan jirin waqtigii Nabiga calayhisalaam. Waxaanay u kala baxdaa (Mid wanagsan iyo mid xun) …………..ibn Xajar baa ka mid ah……Way badanyihiin ee intani baan ku soo koobsaday

Caddaaladda ka tagimaayo , Culimo kale oo laga badanyahay baa qabta in aanay Bidcadu qaybsamin , waxaana ka mid ah Sh Ibn Taymiya , Sh Shaadibi , SH Sancaani..

SHeekh Maxamed , waxaa habboon sidaan hore kuugu sheegay in aanad cilmiga inta ra’yigaaga waafaqaysa uun,  aanad dusha soo marin ee aad wada sheegto si dadku u fahmo halka dooddu ka imanayso.

2. Dhanka kale waxaad xujaysatay sida hadalkaagii ka mid ka ahayd : “Takale waxa kuusii cadaynaya in aanu Mawliidku Asal iyo daliil lahayn in aynay samaynin saxaabadii oo rasuulka inaga jeclayd iyo A,imadii diinta iyo dadkii hore ee wanaagsanaa waxaana la isku raacsanyahay in lasoo darisiiyay waqtiyo danbe.”

Allaha cilmiga ku baray baan kugu dhaarshaye , markale ayaan kuugu celinayaa wayddiintaydii aanad ka jawaabine , iiga jawaab khayr hel e : NABIGU MUU SAMAYN ! Halkay kaga jirtaa AXKAAMTA SHARCIGA AH ?

Axkaamtu waa shan. Mawliidka meel geli sida SHeekhii ugu horreeyey ee kasoo horjeestay Mawliidka FAAKIHAANI gii Ashcariga iyo Suufigaba ahaa.

Ma maqashay wuxuu yidhi sheekhaasi ? Cadawi wuxuu ku leeyahay kitaabka ‘Xaashiyatihii Calaa Kharashiy’ : “ Camalka mawlidku waa MAKRUUH !!! …………..Adna Sheekhoow waxaan kaaga fadhinaa shanta axkaamta ah in aad meel soo saartid. Ogowna Nabiga ayaan samayn ; daliil maaha wax xaaraantinimeeya.

3. Waxaa hadalka Sheekha ka mid ahaa : “ Qoraagu ma fahansana waxaa looga jeedo asal sida ka muuqata qoraalkiisa, waxaana looga jeedaa daliil sharciya.

4. Qoraagu waxa uu sheegay ibnu xajar iyo suyuudi in ay asal u heleen mowliidka!!

Taana waxba kama jiraan waxaana muuqata in aanu fahmin qoraagu hadalka labada sheekh”

B. Ugu horreyn adigaaba sheekha’e , ku noqo xadiiska ‘Yowm Caashuura’ iyo sharraxa Ibn Xajar , sidoo kale kitaabka Imaam Suyuudi. Halkaa kuu dhaafimaayo.

T. Xadiiska Waqlasha sheegayaa waa daciif “ baa hadalka sheekha ku jirtay iyaduna. Sheekhu ma isagaa wax daciifiya , mise sheikh kale oo ku sheegay daciifnimo ayuu soo xigtay. Xadiisku waa derajo la xujaysankaro oo aan daciif iyo waxaas u dhowayn. Maalintii Xajka 100 neef buu Nabigu ugu talogalay. 63 buu gacantiisa ku gowracay. Intii kalana Cali buu u daayay. Qofkii rabaa wuu baadhidoonaa.

Sheekhaasi wuxuu yidhi  :

“Qoraagu waxa uu yidhi bal sheeg mowliidka xukunkiisa.?

Xukunkiisu waa bidco diinta asal aan ku lahayn bidconimadiisana la isku waafaqay oo aan la isku khilaafin. Mana banana samayntiisu. culumo bandanna sidaa ayay sheegeen.” …………..waa hadalkii Sheekha intani.

Bidcanimada mawliidka waa la isku waafaqay buu yidhi, Hore waaniga u wayddiiyee , bidcadee in uu yahay baa la isku waafaqay? Caddee sheikh ?

Xukun baan ku wayddiiyee , axkaamtana waad taqaannaaye , maxaad mid u saariwayday axkaamta 5taa arrintani ? Wixii la sameeyaa intaas bay soo hoosgalaane.

Bal aan ku tuso inta kitaab ee culimo waawayni ka qortay ‘MAWLIIDKA’. Maanta ma joogno sheekhoow , maalintii kalidiin aad diinta sidaad jeceshihiin aad noogu yeedhinjirteen.

Waxaa ku jira CULIMO AFARTA MAD-HABOOD kala haysta oo MAD-HABTA XANAABILADA ee waddanka aad ku asqayseen qaarkood haystaan. Ka eeg sawirrada. Waanan kuusoo dirikaraa.

Ugu danbeyn, Sheekh in mawliidku uu ya

hay bidco waa la isku waafaqsanyahay. Bidco ma qaybsantaana waa la isku khilaafsanyahay ? Dadka mawliidka sameeyaana cidlo ma gudayaane , culimo iyo kutub bay haystaan iyo adillo looga soo dhalaaliyey in camalkani aanu diinta ka hor imanayn. Wixii wax qalada la sameeyo ee ku dhexjirikarana laga saaro , waa mid maangal ah.

Waxaan jecelay in aad ixtiraamtaan walaalihiina muslimiinta ah ee iimaanka iyo jacaylka Nabigu biyodhigay ee waxkale oo ay uga danleeyihiin aanay jirin. Sow Sheekh Ibn Taymiya isaga oo diiddan mawliidka haddana hadalkiisa kuma ay jirin in dadka niyadwanaagga uga jeeda in laga abaalmarindoono? DHanka kale , ma habboona in Suufiyaddu ay xagjir la timaad oo dadka aan aaminsanayn ay ku tilmaanto ‘munaafiqiin iyo mujrimiin’ , iyagana ixtiraam baa looga baahanyahay iyo in ay kaladuwanaanshiyaha ay aqbalaan. Maanta sheikh in masaa’il khilaafiya aynnu ku dawakhinno bulshadeena oo dhankasta habowsan waa laga wanaagsanyahay. Cilmigana , barakoobee , daacad u sheega oo waa mas’alo culimo qabto , culimana diiddantahay dhaha , oo caddaaladda haka tagina , diidaba’oo , halkan waxaaan kuugu soo gudbindoonaa kutubta qaar ka mida kuwii culimada la yaqaannaa ay ka qoreen arrinta mawliidka.

Waad Mahadsantahay Sheekh.