Waa qaybtii saddexaad ee Qormadii aynu ku eegaynay qodobbo laga ururiyey hadallo kala duwan oo uu madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama jeediyey. Marar uu ka hadlayey fureyaasha guusha iyo jawaabo uu ka bixiyey, waxa u suurtageliyey guulaha uu gaadhay.
7. HA ISKU WEYNAYNIN
Sida ugu fiican ee uu qofku kaga nasan karo cidhiidhiga nafsiga ah ee ka dhasha hawsha adag ee uu qofku u gelayo guusha uu doonayaa waa in uu yeesho waqtiyo uu la qoslo dadka la shaqaynaya ama ku xeeran, kalana kaftamo arrimaha iska maadda ah ee dhacaya.
Waa sax in aad garawsato muhiimadda ay leedahay in hawsha kuu taalla aad u aragto mid weyn, laakiin naftaaduna ha kugu weynaato. Masuuliyadaha ku saaran si dhab ah u qaado oo isku weynee, laakiin nolosha oo dhan sidaas ha ka dhigan. Naftaada u ogoloow in ay hesho waqtiyo ay ku mashquusho arrimo laga yaabo in marmarka qaarkood aad macno darro u arkayso.
Waa sida keliya ee aad kaga badbaadi karto in shaqadu ay dhaawac u geysato caafimaadkaaga nafsadeed.
8. KU DHEGGENOOW QORSHAYAASHAAGA
Haddii aad guul rabto waa in ay kuu caddahay hawsha aad rabto in aad guushaa ku gaadho, waa in aad taqaanno jidadka furan ee aad ku gaadhi karto yoolkaas. Waa in aad qorshe iyo istaraatijiyad ka yeelataa habka aad ku gaadhayso hiigsigaas aad leedahay. Kaddibna waa in aad ku dheggenaato raacista qorshahaa aad dejisatay.
Waxaa muhiim ah in aad ogaato in istaraatijiyaddu aanay ahayn arrin si dhaqso ah midho dhalkeeda loo arko, sidaas awgeed ay u baahan tahay in waqti la siiyo, oo aan laga niyadjebin dadaalka iyo hawsha badan ee ay u baahan tahay in loo galo dhabaynteeda.
Inta badan waxaa dadka ku dhacda in ay hawsha iyo ku socoshada qorshahooda ka daalaan marka ay muddo gaaban ku gaadhi waayaan ujeedadii ay filayeen. Waxaa ka mid ah qofka oo doonaya in uu miisaanka iska rido, waxaa dhacda in marka uu labada toddobaad jimicsiyo sameeyo ee uu hore natiijo qanciso u arki waayo in uu iska seexdo, laba sano oo bilaa jimicsi ah.
Riyo iyo hiigsi fog lahoow; inta aanad ka shaqayn ku guulaysigeedana marka hore nafta u sheeg runta ah in guusha gaadhisteedu ay marmarka qaarkood tobannaan sano qaadato, ama in ay dhacdo in guusha aad gaadhay aanay adiga iyo jiilkaagu dareemin, balse jiilal dambe ay garwaaqsadaan in aad guul gaadhay.
Waxa se muhiim ah in aad waqtiga la shaqayso, oo hawsha aad qabanaysaa ay noqoto mid aad waqti ku salaysay, ha ka fikirin natiijada raagaysa iyo in guusha gaadhisteedu waqti dheer kugu qaadanayso, balse ka fikir in waqti kasta oo aad dib dhacdaa, in uu sii durkinayo gaadhista guusha, ama luminayo gebi ahaanteedba. Waqtiga ha sugin ee la baratan.
Kamaal Marjaan