Loollanka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye: Samaale iyo Wasiir Cabdiweli. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Tan iyo markii uu soo baxay warka sheegaya wareejinta guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee madaxweyne Biixi, waxa iyana soo baxday tartan kaasi ku lammaan oo guddoomiye ku xigeenka si hoose loogu tartamayo.

 

= Wasiir Cabdiweli oo loollan adag ugu jira inuu ku fadhiisto kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye ayaa Gabiley ka bilaabay dhaqdhaqaaq dadka deegaanka uu kula kulmayo.

 

= Samaale oo xisbiyahan weyn ah ayaa loollanka xagga xisbiga gudihiisa kaga jira. Wuxuu isu arkaa inuu yahay waayo-arag Wasiirka uga khibrad badan oo xaq u leh inuu galo booskii madaxweyne Biixi banneeyey, maadaama oo uu saaxiibkii Xirsi ka raacay madaxweyne Biixi.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com