2008-dii ayaa waxaan shaqo ka helay Dugsi ka mid ah dugsiyada hoose dhexe ee magaalada Hargeysa oo man-hajkiisu yahay carabi. Waxaanu qorshuhu ahaa inaan noqdo BARE dhiga FAR-QURXINTA (HAND-WRITING) CARABIDA IYO LAATIINKA. Maalintii koowaad markaan fasalkii u horeeyay galay, ee aan ka soo baxay ayuu maamulihii igu yidhi Maxamed-oow, inta aynu macalin u helayno Af-soomaaliga dhiga, adigu u sii dhig ardayda. Waxaan ku idhi Maamule anigu Soomaaliga intaa aan ku hadlayo ayaan ka aqaanaa, marka ay noqoto naxwihiisa, waxba kama aqaanno, ma na doonayo inaan ardayda af-aanan aqoon fiican u lahayn u dhigo, oo aan luggooyo ee Far-qurxinta uun baan u dhigayaa. Maamulihi aad buu iila yaabay oo wuxuu igu yidhi BAL EEGA NINKAN KU LEH SOOMAALIGA MA DHIGI KARO, waad dhigi kartaaye wali ba waad nagaga wanaagsan tahay annagee u dhig ardayda.
Markaan arkay inuu ku adkaysanayo, ayaan ku idhi, WAA SI WANAAGSANE ma u YEEDHIYAA uun. Aad buu u farxay wuxuu na igu yidhi haaye U-YEEDHI. Wuxuuna igu qoray inaan Macalinka Soomaaliga noqdo, waxaanan ahaa labadii teeram ee sannad-dugsiyeedkaas.
Taasi waa xaqiiqada runta ah ee ka jirta dhammaan goobaha waxbarashada sida, dugsiyada hoose, dhexe, sare ilaa jaamacadaha. Oo maadada la dhigayo looma raadiyo macalin takhasus fiican u leh ama in badan ku soo shaqeeyay, si uu ardayda uga haqab-tiro, faham fiicanna ka siiyo waxa uu dhigayo.
Sababaha la xusi karo ee waa iyadoo goobaha waxbarasho intooda badan ay yihiin meherado ganacsi. Waxaa lagu tartamaa inta arday ee dhigta goobtaas. Manhajka ay dhigayaan iyo ardayda ay soo saarayaan toona maaha mid ka turjumaya sida uu ekaanayo mustaqbalka jiilka aynu rabno in uu dalkani yeesho.
Waxaa dalka ka shaqeeya Hay’ado badan oo u astaysan inay ka shaqeeyaan, korna u qaadaan waxbarashada, waxay kala shaqeeyaan wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo lacago malaayiin doolar ka badan lagu kharash-gareeyo mashaariic badan oo loogu magac-daro hagaajinta tacliinta qaybeheeda kala duwan. Mashaariicdaas na maaha wax muuqda ee waxaa lagu dhameeyaa cuntooyinka hudheelada iyo diyaaradaha dadka ajaanibka ah iyo habeen dhaxooda. Waxaa ba ugu dambaysay Mashruuc la yidhaahdo MASHRUUCA HORUMARINTA CILMIGA oo uu Madaxweyne Siilaanyo Xadhigga ka jaray oo la yidhi waa wajigii labaad oo ay maal-galisay Midawga Yurub, wajigii hore wax ma la iska waydiiyay, horumarin ma ku samaysay tacliintii? Jawaabta oo gaaban waa MAYA.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waa inay doorkeeda hoggaamineed ka qaadataa arimaha waxbarashada oo ay wax ka qabataa, tayada waxbarashada ee hoos u sii socda, waxaanan u soo jeedin lahaa dhawrkan qodob inay diirada saarto;
- Wasaaraddu Inay gacan adag ku qabato siyaasadda waxbarasho ee dalka lagu hagayo
- Wasaaraddu inay dugsiyada hoose/dhex ee dawliga ah ee sii baaba’aya daryeesho
- Inay dib-u-eegid iyo qiimeyn ku samayso dhamaan goobaha waxbarasho ee gaarka loo leeyahay
- Inay diyaariso manhaj ka turjuma dhallinta mustaqbalka aynu rabno inaynu soo saarno
- Inay wasaaradda qeybteeda qaabilsan tacliinta sare ay doorkeeda ku aaddan jaamacadaha, kala saariddooda, daba-galkooda.
- Inay diyaariso siyaasad lagu maamulo jaamacadaha, hadday siyaasaddaasi jirtana la higeliyo, oo ciddii jaamacad u qalantana la garab istaago, ciddii aan u qalmin na laga saaro meesha.
W.Q: Maxamed Jaamac Meygaag (Action)
Hargeysa, Soomaalilaan