Madaxweyne Siilaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay Dugsiga Kulliyada Layliska Saraakiisha Ciidanka Qaranka

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa waxa uu ka qaybgalay xafladda xidhitaanka dugsiga Layliska Saraakiisha ciidanka Qaranka oo uu hore lahaa aas-aaska iyo dhagax-dhigii .

Dufcadan maanta loo soo xidhay tabababarka ayaa noqonaysa dufcadii saddexaad ee ka qalin jebisa dugsigan oo loogu magac daray Alle ha naxariistii Cabdilaahi Askar.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray Taangi biyood oo qaadi doona 150 Foosto, ka dibna waxa uu madaxweynuhu kormeer ku tegay Ceelasha biyaha looga soo qaado Dugsiga Layliska saraakiisha Cabdilaahi Askar ee Degmada Dererweyne.

Waxaana Madaxweynaha halkaasi warbiximo kala duwan ka siiyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeyo Gaas Ismaaciil Shaqale, isaga oo taliyuhu sheegay in ay qodeen saddex ceel oo hoosta isaga daloola biyahana geeya mastaafo dhan hal kiilomitir iyo badh (1KM1/2) iyagoo isticmaalaya Tamarta Cadeeda.

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray, Mashaariic kala Duwan oo ay ka mid ahaayeen Dugsiga kulliyada saraakiil ku xigeenada, oo loogu magac daray Mujaahid  Maxamed Xaaji Muuse (Harag-waafi) oo ahaa mujaahid ku suntan taariikhda halgamayaashii naftooda u huray qarankani inuu cagihiisa ku istaago.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray Guryaha hurdada, Cuntada, xafiisyada iyo Qaybo kale oo loo dhisay dhamaan saraakiil ku xigeenada dugsiga iyo macalimiintooda. Waxaanu madaxweynuhu isla joobtaasi xadhiga kaga jaray Qasabadaha biyaha qaybiya oo looga talaalay Guryahaasi kaydka Biyaha Ciidamada.

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay xaruntii lagu qabtay xaflada xidhitaanka Dugsiga Layliska Saraakiisha, waxaana halkaasi madaxweynaha ku soo dhaweeyey Taliyaha Dugsiga Layliska Saraakiisha ee Cabdilaahi Askar, Gashaanle Sare Maxamed Cabdi Cali Shiine waxaanu yidhi  Madaxweyne waan kaaga mahadnaqaynaa inaad maanta noo soo xidho Kulliyadii 3aad ee Cabdilaahi Askar ka baxda sannadkan kana qalinjebisa.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeyo Gaas Ismaaciil Shaqale, iyo wasiirka Gashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami oo dhamaantood madaxweynaha uga mahadnaqay dedaalka uu mar walba la barbar jooga ciidamada kala duwan ee qaranka, iyagoo iska daba maray in horumar balaadhan ciidanku ku talaabsaday intii uu madaxweynuhu xukunka hayey.

Ugu danbayna waxa halkaa ka hadlay Madaxweynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay hadaladiisi ka mid ahaayeen “Duco-qabayaal Farxad bay ii tahay in aan idin kala soo qayb-galo munaasibadan qalinjebinta layliska saraakiisha, waxaanan idin ku hambalyenayaa waxbarashada aad dhamaysateen maanta. Mar labaad hambalyo ayaan idin leeyahay waxqabadka kale ee ay ka mid yihiin Dugsiga Cusub ee Saraakiil xigeenada loo dhisay.

Waxaan idin leeyahay Hambalyo qaranka sida aad ugu adeegtaan, dedaalkana halkaa ka sii wada aniguna waxan idin la barbar taagnahay taageero buuxda.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey Tobankii Sarkaal ee ugu sareeyey saraakiishii dugsigaas ka soo baxay maanta kuwaas oo isugu jiray Xidigle ilaa dhamme.

bandhige@gmail.com