Weftigii  uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Waddani ku soo noqday Borama

Weftigii Waddani oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha, ahna Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaah “Cirro” oo todobaankan socdaal ku marayey deegaanada hoos yimaada gobollada Awdal iyo Salal ayaa waxay galabta ku soo noqdeen Boorama.

Weftigan Waddani ayaa waxay soo mareen deegaanada tiro badan oo hoos yimaada gobollada Awdal iyo Salel kuwaas oo ku wacyi-gelinayeen diwaangelinta codbixiyaha.

Waxaana la filayaa in weftigu uu muddo dhawr cisho ah oo dambe uu sii joogi doono Boorama, iyada oo halkaas ay xaflado soo dhaweynno ah u samayn doonaan taageerayaal isbedal doon ah oo ka soo diga-rogtay xisbiga Kulmiye.

bandhige@gmail.com