Goob aan ka fogayn xarumaha dawladda, baarlamaanka iyo taliska guud ee ciidamada militariga Turkiga ayaa waxa qarax lala beegdsaday gawaadhi ay leeyihiin ciidamada militarigu, qaraxan ayaa waxa uu sababay dhimashada sideed iyo labaatan iyo kow iyo lixdan dhaawac ah.
Baabuurta militarigu waxay maraayeen u dhow xarunta Baarlamaanka.Qaraxan ayaa waxa uu dhacay wakhtiga isku-socodka goobtan ay ahayd mid mashquul oo dadka ka soo rawaxeen shaqooyinkooda.
Madaxweyne Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo ka hadlay weerarkan ayaa waxa uu ugu baaqay shir deg-deg ah laamaha amniga,
Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan baajiyay safar uu ku tegi lahaa dalka dibeddiisa, waxaanu wacad ku maray in uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeedhay fulayada qaada weerrarada noocan oo kale ah iyo cidda ka dambeysaba.
Dad goob-joogayaal ayaa waxay baraha bulshadu kuwada xidhiidho soo bandhigeen sawiro muujinaya qiix weyn oo ka kacay goobta qaraxu ka dhacay.
Tan iyo intii uu Turkiga faraha la galay dagaalka Suuriya ayaa waxa uu ku bilaabmay weeraro argagixiso oo fulinayaan kooxaha argagixisada.