Kadib ololaha xamaasad iyo isu-soo-baxyo badan watay waxay saaka dadweynaha Ugaandha u dareereen goobaha codbixinta doorashooyinka Madaxtooyadda, Baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka ee shanta sanno ee soo socda.
Sanno oo u hayey xukunka Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa waxay doorashadani noqonaysaa midii ugu adkayd ee la kulmo tartan adag oo ay la tartamayaa Kizza Besigye oo ugu cadcad mucaaridka iyo Raysal-wasaarihii hore Ugaandha Amama Mbabazi.
Maalmihii ugu dambeeye ololaha ayaa waxay dawladdu xidhay ninka mucaaridka ugu cadcad Kizza ayaa taasi oo dhalisay walaac ka muujinayaan doorashooyinka maanta ka socda Ugaandha.
Guddiga Doorashooyinka ayaa waxay dhankooda sheegeen in ay qabanayaan doorasho xor iyo caddaalada ah, inkasta oo ay dadka ka faalooda arrimaha siyaasaddu walaac xoogan ka muujiyeen doorashooyinka Ugaandha.
kala soco Bandhige wixii ku soo kordha doorashooyinka Ugaandha.