Kulanka xiisaha iyo xamaasada badan watay ee ay isaga hor yimaadeen kooxda Real Madrid iyo Roma ayaa waxa 2:0 guushu ku raacdey kooxda Real-madrid oo marti u ahayd Roma.
Ciyaartu waxay ku bilaabamatay weerar iyo weerar celin wallow ay kooxda Real-madrid ay gacan sareysay balse wareegii hore waxa uu ku dhammaadey barbar-dhac 0:0 ah.
Nasasho kadib waxa macallin kastaa lasoo dardaarmey ciyaartoygii, weeraro badan oo ay soo qaaday kooxda Roma waxba ugama suurto galin, balse daqiiqadii 57 ayaa difaacyahanka reer Baraasiil ee baasha bidix uga ciyaara Real-madrid Marcelo waxa uu kubad qurux badan u daba mariyey difaaca kooxda Roma isagoo uu fursadaas si fiican uga faa’ideystay weeraryahanka khatarta ah ee Cristiano Ronaldo oo si hawl yar kubad qurux badan u taabsiiye shabaga goolka Roma ee uu waardiyaha ka ahaa Wojciech Szczesny.
Ronaldo waxa uu xilliciyaareedkan dhaliyey 12 goal, oo horyaalka Yurub ah isagaana hoggaanka u haya dhanka gool dhalinta, sidoo kale waxa uu kor usii qaaday Recordka gool dhaliyaha ugu sareeyaa dhanka goolasha ee qaaradda Yurub, isagoo ka hormaray 9 goal Messi.
inta badan waxa kubbada gacanta ku haysay kooxda Real-madrid waxaana u suurto gashay in ay gool labaad la timaado iyadoo uu u saxeexay daqiiqadii 86 ciyaaryahan Jese Rodriguez oo bedel ku soo galay ciyaarta, 2:0 waxa ku badisay kooxda reer Isbayn ee Real-madrid.
Dhanka kale kooxda reer Jaramal ee Wolfsburg ayaa waxay 3:2 ku jiidhay kooxda yar ee reer Biljim iyadoo marti u ahayd, waxa daqiiqadii 44 goolasha u bilaabay kubbad sameeyaha khadka dhexe ee u sita numberka 10aad “JulianDraxeler”.
Wakhtigii hore ee ciyaarta waxa lagu kala nastay 1:0, 3 daqiiqo kadib markii lagusoo noqday ciyaarta ayaa waxa daqiiqadii 48aad u labeeyey Draxeler oo ka faa’iideystay kubbad si dhib yar ugu timid, inta badan kubbada waxa maamulanaayey ciyaartoyda reer Wolfsburg, daqiiqadii 60aad waxa gool saddexaad ugu darey ciyaaryahan Mark Kruse oo ciyaarta ka dhigay 3:2.
Bedel badan oo canaan iyo dardar weerar u badan oo ay soo qaaday kooxda Gent ee martida loo ahaa waxa u suurto gashay in ay dhaliyaan goolkii 1aad waxaana daqiiqadii 80aad usaxeexay ciyaaryahankooda Sven Komas, sidaa kumay qancin ee waxa ciyaarta oo dhammaad ah daqiiqadii 89aad gool labaad u suuro galiyey Kalifa Coulibali oo ciyaarta bedel ku soo galay, waxayna ciyaartu ku dhamaatay 3:2 guushu ku raacday kooxda Wolfsburg.