Butrus Qaali – Libaax la dhashay dameerfarow (WQ: Cabdillaahi C. Cige)

 

Butrus Qaali oo geeriyooday 16kii Feberweri 2016ka wuxuu ahaa xoghayaha keli ah ilaa maanta, ee soo maray Qaramada Midoobay ee aan laba door qaban xilka.

Butrus wuxuu ka dhashay qoys ka mid ah kuwa ugu caansan Qibdiyiinta reer Masar. Siyaasaddu waxay ku jirtay dhiiggiisa, awowgii aabbe Butrus Qaali Baasha oo la dilay 1910kii, wuxuu ahaa raysalwasaaraha keli ah ee Masiixi ah ee soo maray Masar.

Butrus wuxuu sharciga ku bartay jaamacadda Qaahira, ka dib na wuxuu qabtay Faransiiska oo uu ku bartay sayniska siyaasadda, dhaqaalaha iyo xeerka madaniga ah. Wuxuu shahaadada sare ee PhD oo ah xeerka caalamiga ah ka qaatay jaamacadda Sorbonne.

Inkasta oo Butrus lahaa aqoon badan, ahaa na nin ku cadcad diblomaasiyadda misna Anwar Saadaat iyo Xusni Mubaarak midkood na ku ma dhicin inuu nin masiixi ah, oo gabadh Yuhuud ah qaba, u magacaabo wasiirka arrimaha debedda.

Kolkii Anwar Saadaat go’aansaday inuu la heshiiyo Israa’iil ee ay wasiirkiisii arrimaha debedda iyo ku xigeenkii ba is casileen waxa raacay Butrus Qaali oo gacanweyn ku lahaa heshiiskii la baxay Camp David.

Butrus waxay Masar u qalqaalisay inuu noqdo xoghaya guud ee QM, Afrikada madow kolkii hore way ka hor yimaaddeen musharraxnimadiisa markii dambe se way taageereen. Wuxuu qabtay xilka QM sannadkii 1992kii,

Butrus wuxuu ahaa nin hadal cad oo runta aan la gabban, taasi na waxay ka hor keentay Maraykanka. Arrimihii ay Butrus iyo Maraykanku isku seegeen waxa ka mid ahayd Ciraaq iyo weli ba Soomaaliya. Wuxuu isku deyay inuu ururradii Soomaaliya isku hayay heshiis ka dhexdhaliyo. Soomaalida oo had iyo goor rumaysan in waxkasta oo ka xumaada cid kale ka masuul tahay ayuu Butrus shir kaga yidhi; “sababta keli ah ee Soomaaliyey adduunku idiin danaynayaa waa in aad aadame tihiin”, muraad kale oo la idinka leeyahay ma jiro ayuu hoos ugu sheegayay.

Butrus qaddiyadda Soomaaliya oo sannadahaas meel aad u xun maraysay wuu u qayliyay in badan. Erayadii xilligaas uu isticimaalay waxa ka mid ahaa; “dagaalka Yuguslaafiya ma waxa looga hadlayaa waa dagaal nin cad, ka Soomaaliya na waxa looga aammusan yahay waa dagaal nin madow”.

Colaadda Maraykanku u qaadeen Butrus Qaali waa ta ku dambaysay in ay codka fiitooga isku hortaagaan inuu doorkiisii labaad soo noqdo. Waxay Maraykanku ka dalbadeen Afrika inay nin kale soo saaraan, waxa la keenay Koofi Canaan oo u fara qaboobaa reer Galbeedka.

Butrus wuxuu ahaa Libaax tolkiisii uu hiil ka heli lahaa noqdeen Afrikaan iyo Carab aan ka duwanayn dameerfarowga hoganaya bannaannada Afrika.

Cabdillaahi C. Cige