Maamul-goboleedyada Soomaalida: Astaan burbur qaranimo (W.Q. Xasan Cabdi Shire)

 

  • Dhulgariirka waa laga baqaa waayo soo dhaxaye
  • La dhex joogi maayoo arlada dheelmashow qorane
  • Qofba wuxuu dhigtaa u yaal dhiilka aakhiro’e
  • Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahay

 Ibraahin Warsame “Hadraawi”

Soomaalida tan iyo muddadii ay dawladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay waxaa ka dhex taagnaa dagaallo sokeeye, kuwaas oo maray heerar kala duwan  oo dhiig-daadin, boob iyo is-necayb uu dhex maray walaalaha wada dega ee wadaaga dhul iyo dhiigba. Aakhirkiina waxa ay ku kala  firdheen iyagoo qaxooti ah daafaha dunida, sidoo kale taasi waxa ay horseedday in dadkii u kala jajabaan qabiilo ku suntan adhax-ka-jab tariikheed, burbur colaadeed, taas oo hirgalisay in cid kasta oo dalkan muraad ka leh si fudud ku soo gasho.

Hadda ka hor dawladaha dunidu si fudud uma ogaan kareen xogta Somaalida sida dhulka ay degaan iyo qabiilladoodu sida ay u yaallaan, waxaase taas waa beryay ka dhigtay markii  qarannimadu burburtay oo cid waliba talisay ama waxba la toosin kari waayay, shacabkuna jahawareer iyo dagallo sokeeye lagu asqeeyey.

Haddaba xaaladdan hadda taagan marka loo eego maalmihii qadhaadhaa ee hore iyo duruufihii adkaa ee soo maray Soomaalida, dad faro badan ayaa dareemayay inay jirto ka soo rayn ama quud-daraynayay isbeddel ku yimaadda Soomaalida. Balse waqtigan waxa ay qaadday Soomaalidu dariiqii ugu  xumaa adhaxdana lagaga jabayo haddii aan degdeg wax looga qaban. Sidoo kale waxa aad mooddaa Alle ma keenee, in colaado ka culus kuwii hore soo fool leeyihiin,  aakhirkana keeni karta in ay dhacdo aano ma-guuraan ah.

Arrinkase muhiimadda gaarka ah leh waxa weeyaan in dunida qaarkeed doonayso in dirka Soomaalida la dabarjaro, marka aad eegto dhinacyada maamul-u-sameynta, tababarrada militariga iyo hawlgelinta ciidamada shisheeye. Taas oo laga fikiraayo waqti dheer ka bacdi in dadka Soomaalidu noqdaan kuwa ugu tirada yar degaanka Soomaalida. Waxaa la saadaalin karaa in ay u kala jajabaan maamul ku dhisan hannaan qabiil, qabiillada toos looma heshiisiin oo aanadii iyo dilalkii la isku lahaa waa halkiisi, taa soo saansaankeeda ay muujinayaan labadan qodob.

  1. MAAMUL-GOBOLEEDYO

Maamul goboleedyada sameysmaya ee faraha badan ee ka jira gudaha Soomaaliya dhammaantood awood ahaan waa ka madaxbanaan yihiin dowaladda federaalka, inkastoo waqtigan la joogo ay yihiin socod-barad, haddana waa hubaal marka ay orod bartaan waxa ay isku dayi doonaan ina ay ka madax bannaanaadaan si buuxda dawlada dhexe ee loo baahnaa in Soomaalidu yeelato, halka dawladda federaalku aanay  lahayn awood xooggan siiba dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda gudaha, ciidan dhisan oo isugu jira xoogga dalka iyo mid wardoonba.

Dhammaan maamuladaas marka laga yimaaddo waddamada reer-galbeedka waxa si dani ku jirto u taageeraya dawladaha jaarka la ah Soomaaliya sida Itoobiya, Kiiniya, Yugaandha I.W.M, taasi oo laga dareemi karo dano gaar ah oo hadda aan caddayn berise caddaan kara ciddii Alle ku simo. Waxa ayse ahayd oo loo baahnaa haddii Soomaalida loo qaybinaayo beelo is maamula, in aay maraan ama buuxiyaan shuruudahan:-

  • In maamulku uu ku sameysmo nidaamka shuruucda federaalka (Federal Constitution) awoodda dawladda dhexena buuxdo
  • In ugu yaraan uu ka koobnaado labo gobol oo ah kuwii ay kaga tagtay daawladdii dhacday 1991
  • In maamulku uu ku sameysmo guddi ay magacawday dawladda dhexe ee Soomaaliya
  • In maamulladu ay hoos tagaan nidaamka federaalka iyo hoggaanka dawladda federaalka ah
  • Waa in aan hannaan qabiil lagu dhisin dawlad-goboleedyada ka dhismaya gudaha Soomaaliya.

Dhammaan shuruucdaasi waa in ay buuxiyaan maamul-hoosaadyada lagu unkayo nidaamka federaalka ee caalamku hor kacayo in Soomaaliya loo kala jajabiyo. Haddaba heerkaas shuruuc ee loogu talo galay in ay ku sameysmaan nidaamka fidinta federaalku waxa ay keeni lahayd in laga badbaado dhammaan arrimahan soo socda.

  • Eex qabyaaladeed: Marka hannaanka federaalka la fidinayo waxa la mooday dan in ay ugu jirto dadka Soomaalida ah ee soo rafaaday muddadii ugu dambeeysay (30 sanno) iyo sidii looga  bixi lahaa hannaanka saamiga waxqaybsiga ee 4.5,  labadan kursi ee ugu sarreeya ee lagu saleeyo hannaanka qabiil kaa soo ay ku dulmanyihiin dadkii waxgaradka ahaa, khayraadkii gobollada Soomaaliya loogu talo galay gaar ahaan dadka tabaalaysan wuxuu  dhaafi waayay Xamar iyo dhowr magaalo oo kale, oo hooy u noqotay guud ahaan burburka Soomaalida intii ka dambaaysay 1990kii. Maamul-daadajintu waxaay ahayd in lagaga badbaado eexdii qabiil iyo nidaamka dhaca iyo fadhataysiga ku salaysnaa, kaas oo hadheeyay guud ahaan Soomaaliya. Hannaanka federaalka kuma koobna in caasimadaha gobollada is-maamulka qabiillada oo  kaliya la sameeyo, waxaase loo baahnaa in la gaadho guud ahaan tuulooyinka Soomaalida iyo dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee miyiga. Daawadaas la mooday in ay ku jirto federaalka waxaa hormuud ka ahaa dad Soomaali ah iyo qaar kale oo u dhashay dunidaas dano badanta ah.
  • Burbur qaranimo: Dhanka kale hannaanka federaalku waxaa uu nayaayir wanaagsan ula muuqday dunida iyo dadka Soomaalida ah, in laga badbaado burburkii qaranka Soomaaliya soo waajahay tan iyo muddadii Soomaaliya ay hadheeyeen nidaam la’aan iyo kala dambayn la’aan taas oo meesha ka saartay dawladnimadii jiri Waxaa arrimahaasi keeneen sharaf-darro soo waajahday magaca Soomaalida, dunida oo danteeda ka wadata gudaha Soomaaliya, sidoo kale dano kala duwan oo lagu qabo awgeed waxaa  la isla  gartay in koox koox Soomaalida loo abaabulo,  waxaase meesha marnaba aan ka bixin cudurkii burburiyay dawladdii Soomaaliya ee ahaa hannaankii qabiilka oo ka xoog batay hannaankii dawladnimo kaas oo loo samaystay jabhado, waxaana sii xoogaystay saamigii lagu qaybsanayay reernimada taas oo la doonayay in cid kasta iska dhex aragto. Hannaanka hadeer samaysmaya waxaa uu xoojinayaa hannaankii qabiilnimada oo dunidu ku doodayso in qabiilkasta maamul sameeysto.
  • Badheedh hub-urursi: Dhinaca kale marka aad ka eegto hannaanka federaalku waxay ahayd in uu badbaadiyo kumanaan bir-magaydo ah oo ku qudhbaxay hub faraha u galay dad aan xeerin diin, dhaqan, iyo arrimo kale too Hubkaas oo lagu boobay reer ahaan loona qaatay reero kale oo aan waxba galabsan. Waxaase meeshaas ka muuqata cilmi yaraan iyo hub badnaan. Maanta waxaa dib u muuqata maamulo ku dhisan reero in dib loo hubeeynayo iyadoo aan la garanayn mustaqbalka meel loo socdo, weliba loo gacan geliyey hub ka culus kii hore, si ay dib isu xasuuqaan. Halkaas waxaa muuqata in dabar jar lagu wado isirka Soomaalida.

Dhammaan nidaamyadaas loogu talo galay in habka federaalku maro kuma jiraan hannaan manaafacaad leh oo dhiirigalin kara wax ka duwan habkii Soomaalidu ku soo le’atay ee tiiha nololeed baday tan iyo muddadii meesha ay ka baxday dawladnimadii Soomaalida. In dawladnimo la helo rajadii laga qabay  meesha waa ka baxday waxaana soo galay wax ka duwan oo ah kuwan hoos ku xusan.

B. Qabyaalad: Reer kasta oo Soomaliyeed waxa uu danaynayaa isagoo dastuurka ka fa’iideysanaya in uu dhisto maamul u gaar ah, samaysto hub u gaar ah, si uu aakhirka isaga celiyo qabiillada dhibtu dhextaalay muddadaas. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa  “ waa tii oo lax qalatay!” Waa qabyaaladdii oo sharci loo  helay, waddamona tageerayaan. Sidoo kale qodobka sheegaya labo gobol iyo wixii ka badan, waxay keeni kartaa labo reer oo labo gobol wada dega, in mid(qabiil) damco inuu kuwa kale khasab ku qabsado.

T. Dhul-ballaadhsi: Arrinka kale ee isaguna reer kastaa ku dadaalayaa waxa weeyaan in dhul uu ku samaysto maamulka kana fa’iideysto qabiillada kale ee hurda, kuwii hurdayna ay soo baraarugaan, waxaa taas markhaati ka ah, arrinaka u dhexeeya Jubbalaan, iyo maamulka koonfur galbeed ee lixda gobol, Gal-mudug iyo Buntilaan.

 2. DAWLADAHA DERISKA AH

Qodobada keeni kara burburka waxaa ka mid ah dawladaha jaarka ah oo intooda badan taageeraya maamullada ka samaysmaya gobolladaas, iyagoo aan kala tashanayn dawladda Soomaaliya. Waxa ay aakhirka keeni kartaa marka khilaaf ka dhex dhaco dawladda Soomaaliya ee federaalka iyo waddamada jaarkooda, in ay  hordseedo in la abaabulo goosadka  maamulladaas, lana hubeeyo.

Waa bar laga  wiiqi karo Dawaladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waana dulin dhiigga lagaga jiqi karo, waa ardaa ay dugsadaan  cidkasta oo dan gaar ah ka leh. Dawladda  Soomaaliya waxa ay markaa  ku khasban tahay in ay u hoggaansanaato awaamiirtooda iyo doonistooda. Labadaas dal  kuu doono ha ahaado, iyagoo kaga fa’iidaysanaya cabirkooda hiigsi, una soo maraya sidii caadada ahayd siyaasadda arrimaha dibadda ee labada dal ama saddexdaas dalba. Haddaba waxaa is waydiin leh wadammada jaarka ah iyo Soomaaliya maxay tahay siyaadda arrimaha dibadda ee  dhex mari kartaa. Maxaase isdhaafiyay maamul-goboleedyada iyo dawlada dhexe.

Haddii la dareemi lahaa in dawladda dhexe tahay mid ka madax bannaan qabiilnimo, danaysi, iyo arrimo ku gedaamnaa Soomaalida kontonkan sanno, waxaa la aamini lahaa dawladda dhexe ee Soomaalida, hannaanka federaalka waxaa keenay oo dunidu sal uga dhigtay kalsooni la’aanta Soomaalida ka dhex-taagan. Haddaba ma dad aan ahayn Soomaali baa loo baahan yahay, mise arrinku waxa weeyaan, ha ii fadhiyo geelu maantana far baan dhaqayaaye.

3. SIYAASADDA ARRIMAHA DEBEDA

Waddamada jaarka ahi waxa uu mid kastaa xeerinayaa dantiisa gaarka ah in uu ku saleeyo siyaasadda arrimaha dibadda, kana soo hooyo fa’iido shacabkiisu u khushuuco, sidoo kalena reer galbeedku fahmi karaan, oo dantooda ay ku guuleeystaan waddamadaas jaarka ahi, waxay si xoojinaysaa wadamada reer galbeedku ta ay guusha kaga gaadhaan gudaha geeska Afrika.

Soomaaliya maaha waddan ay ka jirto dhisnaan dhaqaale, mid ciidan iyo mid amni, waxa uu ku soo kordhin karaa geeska way yar tahay, waxaase jira doonis waddamada kale oo ah dhul balaadhsi, khayraadka ballaadhan ee badeed ee aanay lahayn waddamadaasi, waa dhab in hunguri kaga jiro waddamadaas, waxyaabahaas dabiiciga ah, sidoo kale waddamadaas waxaa koraya dadka ku nool, marka ay kordhaana u baahan shaqo, dhaqaale, dhul ku filan. Ku darsoo waddamadaas dadka ku nooli waa ay ka karti badan yihiin marka loo eego dadka Soomaalida ah, dhinacyada  beerashada iyo wax-soo-saarka kale ee dhulka.

Gebogebadii, waxaan ku talin lahaa haddii dunidu hirgalisay in ay qabiillo dhisto, waxaa fiicnaan lahayd sida Yugaandha in qabiil hebel loo magacaabo wasiir, sida: “Wasiirka Reer hebel”, loona ogalaado in qabiil kasta oo gaadhaya 200 qof la siiyo hoggaan u gaar ah. Uma arko xal Somaaliyeed sidaas inuu ku jiro, haddii qabiil kasta helaayo ciidan, maamul, awood, hub waa in dadka tiro ahaan yari badbaadaan, haddii kale waa dulmi ka badan kii la galay hadda ka hor. Maamul-goboleedyada kordhaya ee Soomaaliya waxa ay dhaxalsiinaysaa xaalad dhib badan oo suurtogal  ay tahay arrin saamayn xooggan ku yeesha qoomiyadda Soomaalida ah, haddii aan wax laga qaban maamul-goboleedyada ku samaysmaya hab qabiil, taasoo sababi karta aano ma guraan ah.

Haddii aan dawladda Soomaaliya gacan u qaadin, waxa ay samayn doontaa mustaqbalka dambe in dhulkan Soomaalida la qabsado, sidoo kale ay samaysmaan in ka badan labaatan maamul-goboleed, oo ka amar qaata meelo kala duwan, sida Soomaalida taalla waddamada jaarka ah, ee hoos jooga wadamadaas la raaciyay lixdankii ka hor.

Waxaa suurto gal ah in wadamada qaarkood ay aaminsanyihiin in dhulka Soomaalidu degto  waqti hore ay lahaayeen,  oo la yiraahdo gumaystihii ayaa u  kala jarjaray qaybo gumaysi cusub, kuwaas oo hore loo sii yareeyay isirkii Soomaalida. Sida Kiiniya oo aaminsan in Jubbooyinka gudaha Soomaaliya  Ingiriiskii dagaalkii koowaad abaalmarin u siiyay Talyaaniga, taas micnaheedu yahay in Kismaayo ilaa inta u dhexeysa Wajeer ama Gaarisa ay ka mid tahay dhulka Kiiniya u leedahay sharciga mar uunna ay muhiim tahay in ay dib u hanato.

Hiraalka waddanka  dhisan ogow ma baaba’o (Kiiniya) ee waxaa dhammaadda damaca waddanka burbura (Soomaaliya). Kiiniya iyo Itoobiya dan baa ugu jirtaa burburka Soomaaliya, in ay burburtona guul la taaban karo baa laga gaadhay, isku-jeedka Soomaalida gudaheedu wali waa guul u taagan waddamada jaarka la ah, waana arrin tiigsi iyo talo ku yimi, maamul-goboleedyada soo socda iyo hannaanka ay ku dhismayaana  waa kuwo talo kale ku yimi, haddii aan laga joogsan qaabkan wax loo wado   ee qabiilnimadu indho tirtay taariikh danbe ayaa laga sheekayn doonaa waxaana laga dhaxli doonaa madhax aan wanaagsanayn.

Arrinka dadaal faro badan u baahan waa in laga baxo dib isu urursiga qabiilnimo, ee ay ku jirto ciil iyo murugo reernimo. Sidoo kale cadoowgaa  inta  uu u muuqdo walaalkaa aad  wadaagtaan, isir, dhaqan, luuqad,  iyo diin, wanaag, waxaa kaasii fogaanaya  guushii isirkii Soomaalinimo, cadowguna wuu kugu soo dhowaanayaa  oo waxa uu ku niyadsan yahay burburkaaga iyo liidashadaada.

Ugu dambayntii waddamada jaarka la ah  Soomaaliya dantooda wada jir baa ay u ilaashadaan, tan Soomaaliyana dabci kale ayaa ay kaga dhaqmaan, maxaa loo diidayaa in la helo dawlad Soomaaliyeed oo aan lahayn maamul-goboleedyo hoose, iyadoo aan la xoojin dawladdii dhexe?Maxaa loo xoojinayaa in qabiillo dhistaan maamullo iyadoo lagu saleeyay dawladdii dhexe hannaan qabiil, in Soomaaliya hesho dawlad buuxda oo dunidu la macaamisho, maxaa looga doorbidaya in Somaalidu burbursanaato?

Waxa san Alle ha ina garansiiyo.

 Xasan Cabdi Shire

Email: shire202@gmail.com