Dooddii Saddexda Guddoomiye ee Universal TV (W.Q. Khadar Cabdi Xasan “Gureyte”)

Faallo:

Abbaaro 9kii habeenimo 10/08/2015kii ayey shaashadda telefeshanka Universal ay ka soo muuqatay dood ay wadaagayaan saddexda Guddoomiye ee xisbiyada Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, UCID Inj.Faysal Cali Waraabe iyo Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu daadihinaayey weriyaha ruug caddaaga ah ee Faysal Fadhfadhle.

Doodu, waxaa ay markiiba ku billaabantay jawi aad u degan oo saddexda guddoomiye ay ku qaabileen furfurnaan, dabacsani iyo dhoolo cadayn, iyada oo ay muuqatayna in ay si mugleh ugu soo diyaar garoobeen siddii uu mid walba dhankii uga qeyb qaadan lahaa dooda, walow aanay hayn markii ugu horeysay ee ay dood noocan oo kale ah iskaga horyimaadaan, waxaana daadihiyahii doodu uu su’aalo aad u muhiim ah oo xasaasi ah uu halkaas marba marka ka danbeysa ugu soo gannaayey saddexda Guddoomiye, mid walbana uu fallaadha dhankiisa uga gil-gilanaayey.

Haddii ay fooli timmaado, guddo qarsiimo hadhay e’, hadana saddexda Guddoomiye waa ay ku kala xaal duwanaayeen sida ay u qaabilayaan su’aalaha la weydiinaayo iyo weliba qaabka jawaab celinta ay u samaynaayeenba amaba waxaa ay ahaayeen kuwo ay kala duwanayd aragtidooda siyaasadeed ee ay ku cabirayaan jawaabta weydiimaha iyo qaabka ugu habboon ee ay ugu sharaxayaan bulshada ku hadasha afka Soomaaliga oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba ka daawanaysay.

Dooda oo ahayd mid si toos ah loogga daawanayey dunida dacaladeeda oo idil, waxa ay ahaayeen arrimaha lagaga hadlaayey kuwo sal ballaadhan oo uu diirada ku saarayey dood wadaajiyahu, balse waxaa la odhan karaa, waxaa ay dooda inteeda badan ku lug lahay dib u dhacii ku yimi arrimaha doorashada oo ahayd meelaha ay sida aadka ah isu jafaayeen saddexda Guddoomiye, iyo weliba xaaladda guud ee waddanka oo mid koodba uu dhankiisa ka cabbiraayey sida waddanku yahay intii tallada dalka ay qabsatay xukuumadda Siilaanyo, Haddaba bal innaga oo sar ka xaadis ku samaynayna taabanaynana meelihii mudnaa in wax laga tilmaamo aynu saddexda Guddoomiye midba gaarkiisa u abbaarno doodii uu fagaaraha la yimi, qaabkii uu ku qaabilay bulshada daawanaysay iyo aragtiyahooda siyaasadeed.

Dooddii Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Hoggaamiyaha xisbiga UCID Inj.Faysal Cali Waraabe oo intii uu dooda ku jiray ay ka muuqatay dhiiranaan iyo soo bandhigidda dhaliilaha xukuumadda, mar marka qaarna u boodayey mawduuca laga hadlaayo mid ka mug weyn amaba ku hal qabsanaayey in dooda laga sal ballaadhiyo meelaha ay sida aadka ah ugu war wareegayso oo uu sheegay in aanay ahayn dhibbaatada maanta inna haysata wax aan ahayn, ayaa muujiyey doorkiisa mucaaradnimo isaga oo mar kasta bulshada u soo bandhigaayey halka ay wax ka qaldameen iyo in uu muddo dheer ka soo qaylinaayey caqabadaha maanta inna hortaagan oo uu sheegay in ay eekayd in xili hore ay xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiyeba wax ka qabtaan. Sida xeerka doorashooyinka oo cabashooyin ka taagan tahay qaabka saami qeybsiga loogu sameeyey xildhibbaanada matelaaya Goballada Somaliland.

Inj.Faysal Cali Waraabe, waxaa kale oo uu muujiyey dareenkiisa dhabta ee muwaadinimeed isaga oo ay doodiisu u badnayd khatarta iyo dhibbaatooyinka ay inna gaadhsiin karaan cid kasta oo cadaw la ah Somaliland, mar walbana ku baaqayey in laga midoobo siddii looga gaashaaman lahaa cid kasta oo god hadimo innoo qodaysa, waxaana uu mar walba ku tiraabayey in xaalad kasta oo adag lagaga bixi karo wada jirka mucaarad iyo muxaafadba.

Dooddii Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi

Muuse Biixi Cabdi ahna hoggaamiyaha xisbiga Kulmiye sida oo kalena u hanqal taagaya in uu mar uun qabto talada dalka, ayaa isna dooda uga qeyb-galay qaab ka duwan sida ay ku qaabileen labada Guddoomiye ee xisbiyada UCID iyo Waddani, waxaa inta badan doodiisa ka muuqatay in uu mar walba dedafeynaayey sida runta iyo xaqiiqadu tahay, waxaa uu mar walba isku deyaayey in uu marin habaabiyo dooda, intaa waxaa u sii dheerayd in uu dood wedaajiyaha ama weriyaha uu ku fal celinaayey hadalo taag taagan oo uu ka muuqdo kulayl aad u badan oo uu dhibsanaayo kana war wareegaayo meelaha ay ka weerarayeen hoggaamiyeyaasha kale ee la doodayey.

Muuse Biixi Cabdi muddadii uu dooda ku jiray, waxaa uu muujiyey kartidiisa awoodeed ama siyaasadeed ee uu ku caabin karo gantaalaha siyaasadeed ee marba marka ka danbeysa sida hirarka iskaga soo daba dhacaayey balse badidoodu waxaa ay ahaayeen kuwo aanu u meel dayeyn oo kaliya ku eekaa il ka cabir siyaasadeed oo aanay ku ladhnayn aragti fog oo uu leeyahay hoggaamiye siyaasadeed oo ka fekeraaya mustagbal danbe amaba in uu isku dayo kasbashada shacabka. Waxaana qudha uu ku mashquul sanaa difaacidda xukuumadda oo hadaladiisu ay koobnaayeen oo qudha ka jawaabidda waxa ka soo baxa afka Guddoomiyeyaasha kale.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, wuxuu kari waayey in uu soo bandhigo aragti fog oo uu bulshada ugu sar ka xaadiyo in uu leeyahay himilo hoggaamineed oo uu ku maamulo dalka.

Dooddii Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxaned Cabdillaahi (Cirro), ahna Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka ayaa isna dooda ku qaabilay degannaan iyo dhoolo cadayn, waxaa intii uu dooda ku jiray uu muujiyey in uu leeyahay karti hoggaamineed oo uu ku kasban karo bulshada, waxa uu soo bandhigay in uu yahay siyaasi leh aragti dheer oo qaranka lagu hor-u-marin karo, waxaana uu marwalba si taxadar leh uga fakeraayey hadalka uu odhanaayo si aanay bulshada saamayn ugu yeelan, isaga oo mar walba si saraaxadleh oo xariiftinimo ku jirto u duraayey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Cabdiraxmaan Cirro, waxaa uu si cad oo odeytinimo ku jirto uu bulshada u tusay in uu yahay hoggaamiyaha dhabta ah ee ay u baahan yihiin, mar walba ka muuqatay in uu qaab diblomaasiyadeed uu ku cabiraayey fikirkiisa, tudhaalaysanaayeyna hadalka uu u bandhigaayo bulshadiisa.

Cabdiraxmaan Cirro inta badan, waxaa kale oo ka muuqday in soo bandhigidda siyaasad mucaaradnimo oo aad u kulul uu dib ugu dhiganaayey, isaga oo aad moodo in uu ka dhur sugaayo muddaynta wakhtiga doorashada, waana arrin ama tallaabo u gogal xaadhi karta in Guddoomiye Cirro uu si degan oo aanay ku jirin buuq iyo siyaasad ku jiqsii ahi toona uu ku qabsado talada dalka.

Dhammaad

 

W.Q. Khadar Cabdi Xasan (Gureyte)

khadargurayte@gmail.com

 

Maqaallada aragtida ah ee ku soo baxa Bandhige fikradaha ay xambaarsan yihiin waxay gaar u yihiin qoraaga.