Madaxweyne Muuse midbaa seegtay, Siciid Cawil Caarana midbaa seegtay, laakin odayaashii iyo salaadiintii ergada ahayd waxba may seegin.
Madaxweynaha midbaa seegtay waxay ahayd maadaama uu yahay halkii u saraysay ee qaranka maadaama intaas oo salaadiina, culimo ah, wax garad ah haldoorkii ah qaybo ka mida bulshada waxay ahayd in uu cafiiskaa wada bixiyo may ahayn in uu Kala reebo,
Sida uu dhigayo dastuurka somaliland awoodaha madaxweynaha uu siiyay dastuurku ayay ka mid tahay in uu cafis iyo saamaxaad bixin karo.
Qodobka 90aad ee Dastuurka somaliland ee sheegaya awoodaha madaxweynaha, Faqradiisa 5aad wuxuu dhigayaa sidan:-
Oggolaanshaha cafiska iyo saamaxaadda, oo ay ka reebban yihiin qisaasta iyo xuduudda Shareecadda lslaamka; iyo bixinta magangelyada siyaasadeed, ka dib marka uu la tashado hay’adaha ku shaqada leh.
Siciid Cawil Caare isna mid baa seegtay ma ahayn in markiiba u dadafeeyo odayaasha, waxay ahayd in ka dhur sugo waxay kula soo noqdaan.
Laakin odayaashii iyo salaadiintii meesha marayay iyaga waxba may seegin, waxay guteen waajibkii saarnaa , waxay ergo iyo codsi ula tageen madaxweynaha inkastoo madaxweynuhu ka hoos galay ergadii salaadiinta ahayd xeer la ansixiyay 1958 kii mar kalana dib loo ansixiyay 1963 ka dib midawgii Somaliland iyo Somaliya isagoo madaxweynaha qaadan karayay in uu wada cafiyo dhamasntood maadaama uu dastuurka somaliland awood u siiyay Oggolaanshaha cafiska iyo saamaxaadda, marka laga reebo qisaasta iyo xuduudda Shareecadda lslaamka.