Wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Soomaliland ayaa maanta waxay kulan balaadhan la qaadatay Ergayga qaramadda midoobay u qaabilsan qaaradda Africa

Marwo Hinda jaamac xirsi Gaani wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Soomaliland ayaa maanta kulan balaadhan la qaadatay u qaybsanaha wadamadda Africa ee qaramadda midoobay

Kulankan ayaa diiradda lagu saarayey arrimo dhawr ah oo ay ugu horayso sidii ay uga qayb geli lahaayeen haweenku siyaasadda.

Wasiirka ayaa dhanka kale ergayga warbixin ka siisay halka ay marayso kootadda haweenka ee Arrimaha doorashooyinka iyo kuraasta baarlamanka.

Dhanka kale wasiirka ayaa danjiraha u cadaysay inaanay ka helin taageeradii qaramadda midoobay iyo garab istaagi dadaaladda ay wadaan la xidhiidhay.

Ugu danbayntii kulanka ayaa waxa goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay UN ka Isla markaana socdaalka ku wehelinaayey danjiraha iyo xubno ka socday urur goboleedka IGAD.

Waxaa iyana dhankooda goob joog ahaa haayadda wadaniga ah ee NAGAAD

Xigasho:- Page-ka wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Soomaliland