Madaxweyne wasaaradaha dalku waxay u baahan yihiin qurxiya oo kale (WQ: Mustafe Saleebaan Cilmi)

 

Mudane, Madaxweyne haddii aanu nahay bulshada ku dhaqan dalka, gaar ahaana caasimada Hargeysa hore ayaanu kaaga mahad celinay magacaabista aad cugatay Marwo Khadra Xaaji Ismaacil Yoonis (Khadra X. Gaydh).

Mudane, Madaxweyne ayaan badana wasaarada nasiibka u heshay qofka aqoonteeda iyo waayo aragnimada shaqada leh, sharaf iyo wanaag ayey u soo kordhisay Marwo Khadra wasaarada madaxtooyada oo waxa ay ka dhigtay muraayada qaranka laga daawado.

Dhawaan muuqaalo laga duubay munaasibado gaar ah oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada dad badan oo aanu wada sheekaysanay waxa ay ka marag iyo markhaati kaceen in madaxtooyadii is badal balaadhan oo aan la qiyaasi Karin uu ka dhacay, waana ilaahay mahadii madaxweyne xulashadaad talmoon ee Marwo Qurxiya.

Qofka iimaanka leh waxa laga gartaa nadaafada iyo jeclaysiga goobaha qurxoon ee uu ka shaqeeyo, hadh iyo habeen Marwo Qurxiya waxay heegan u jirtaa sidii madaxtooyadu uga muuqaal iyo bilic duwanaan lahayd goobaha kale ee dalka, waxa ma jeertay waxqabadkeeda muuqda guud ahaan masuuliyiinta qaranka iyo wasaaradaha la jaarka ah madaxtooyada.

Mudane, Madaxweyne Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis waxay u qalantaa wasiir aad kaga lado hawlaha qaranka, adiga oo wax qabadkeeda iyo dadaalka ay galisay madaxtooyada iyo golihii degaanka ee Gabiley ka shidaal qaadanaya. Waxa ay u qalantaa wasiir buux, aniga oo madaxweyne huba inay ka soo bixi karta mansab kasta oo wasiirnimo.

Qaranku wuxuu u baahan yahay halyeeyo Khadra Xaaji Gaydh oo kale ah, waa hubaal inaad ku diirsan doonto waxqabadkeeda la wada majeertay.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Mustafe Saleebaan

Mustafesaleebaan00@gmail.com