Magac-bixinta Machadka Culuumta Biyaha Ee Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

10kii Mey 2019ka ayuu geeriyooday Alle ha u naxariisto’e Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf. Wuxuu ahaa qof geya in magaciisa lagu xardho goobaha muhiimka ah, iyada oo aan loo jeedin in cid la barbar eryo.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali-Koore wuu ku mahadsan yahay in uu Machadka Culuumta Biyaha ee wasaaraddiisa ugu magac-daro Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf. Waa intii uu wasiirku awoodayay, waana milge iyo maamuus. Qof aan haynnin awood uu ku magac-bixiyaa, ma aha in uu dhaliilo qof aan karaankii waxba hagrannin.

Tani waa bilaw, mana ahaan doono meesha keliya ee magacaas boqran lagu xardho. Meelo kala geddisana aya lagu sunti doonaa idanka Alle. Waxa aan filayaa in ay indho badani eegayaan dhanka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Ugu horrayn waxa aan qirayaa in Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf uu ka mid ahaa dadka saamaynta, ixtiraamka iyo qaddarinta weyn ku leh Madaxweynaha Somaliland, waana mid aan anigu qof ahaan marag ka ahay, waanu isoo dhaweeyay markii aan qorayay buugga Xaaji Cabdikariin Xuseeen Yuusuf.

Hawl kasta oo uu markaas lahaa Madaxweyne Muuse, wuxuu u joojiyay in uu yidhaahdo weedhii iyo xogtii aan ka rabay. Maantana waxa aan ku kalsoonahay in uu gudan doono madaxweynuhu waajibka ka saaran noolaynta iyo xasuus-reebka magaca Xaaajiga.

Qabanqaabadii taas lagu xaqiijin lahaana waa lagu jiraa, dhambaalkuna wuu gaadhi doonaa qasriga madaxtooyada. Haddii ay noqonayso in machadka nabadda ee Xaaji Cabdikariin loo bixiyo iyo haddii ay noqonayso xus kale oo la sameeyaba dedaalku wuu socdaa.

Wasaaradda Khayraadka biyaha Somaliland way ku mahadsan tahay inay baalallaysay xasuus-reebkaas uu mudan yahay Marxuun Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf.

Eebbe godka ha u nuuro marxuun Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf.. Aamiin…