Magafayaasha Dowladda Hoose, Q.1aad (WQ: Siyaad Cabdullahi Digaale)

 

Anigoo rayigeeyga ka dhiibanaya  bilicda Caasimada jamuuriyadda somaliland waxaan aad iyo aad uga xumahay casimado noqotay keyn ay xooluhu daaqaan.  Habeen dhaweyto anigoo maraya waddada waxaan ku soo baxay LO lamida fadhfadhida,  geelula maalinta ayuu xafadaha dhex daaqayaa sidii hawdka, waana sidii uu yidhi (MUSE ALI FARUUR )geelii oo furin shaah ku dhuuqaya. tan labaad Adhiga suuqa lagu soo daayey marka la jiidhana la oranayo mataanay dhali jirtay way caano badneyd iyo dhowr luqadood bay garanaysay. Markaa laysu yimaadana Taraafigu oranayo bixi adaa qaldanaa markaa waxaan ogaaday in Taraafigu la shaqeyo dadka xoolaha leh.

Waxaan kaloo taa ka sii daran Dameeraha dhamiya habeenkii oo bilaa leydh ka ah.  Hadaba waxaan mayerka Caasimada talo ku siinayaa in xoolaha maraya magaalada ay u baahan yihiin maxaabiista ku jirta jeelasha dalka iyo dadka qaba xanuunada kala duwan ee dhaqtarada ku jira. tan sedexaad Eyda gudaafada waxay dhawac weyn u geysatay bilicda Caasimada jamuuriyadda somaliland hageisina waa muraayadii laga dawanayey dalkeena. hadaba hargeisay cidi kuma maqna ceelina kuma qodna ee alaay leedahay.

 

Qore: Siyaad Cabdullahi Digaale