Waxa ila socdey mulkiilaha Star TV, Maxamed Koodhaadhi, oo gaadhiga wadey. Labada dhinac inta ay laba nin oo dhar-cadi iga kala fadhiisteen oo qoryo igu qabteen ayay ila degeen oo i saareen gaadhi kale oo ka mid ah kuwii ay wateen.
——————————————————————————————-
Qaybtii 2aadMarka laga yimaaddo 21-kii xubnood ee golaha wakiilladda ee sida qayaxan ee geesinnimada leh uga dhiidhiyey 12/02/2017 muhmalnimadii mashruuca saldhigga millateri ee Berbera laga siinayey UAE, waxa iyana, sidaas oo kale, dedaal arrintaas ka horjeeda maalmahaas ku hawllana odayaasha Madasha Wada-tashiga. Xukuumaddii talada haysey dadkii mindada daabkeeda hayey iyo taageerayaashoodii waxa ay tummaatidoodu ku qummanayd odayaashaas oo qaar ka mid ahi ahaayeen aasaasayaashii iyo hormuudkii ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM). Maxauud Xaashi Cilmi iyo Prof Cabdisalaan Yaasiin Maxamed ayaa ka mid ahaa.Dhallinyaro badan oo kuwa jaamacadaha ka mid ah ayaa iyana hawsha dhinacooda kaga jirey. Dhallinyaradu kooxo kala duwan bay ahaayeen. Qolo kasta dedaalkeeda ayay dhinaceeda kaga jirtey. Dhallinyarada oo boqollaal ka koobnaa waxa ay qorshaynayeen muddaharaadyo arrintaas saldhigga Berbera sida loo maamulayey ka horjeedey.
Anigu, Maxamed ahaan, waxa aan ka mid ahaa dadkii aan la dhacsanayn sidii arrimaha saldhigga loo maamulayey. Musuqmaasuq iyo boobka hantida ummadda oo hore loogu tuhunsanaa xubnihii xukuumadda ka midka ahaa ee sarsare, gaar ahaan madaxtooyada iyo intii ku xidhnayd, ayaa muhmalka saldhigga iyo saskii laga qaadayi waxa ay keeneen kacdoon diidmo ah oo laga muujiyey saldhiggaas iyo sida qurracan ee aan caddayn ee loo maamulayey, waayo marnaba ummada iyo cidda ka wakiilka ah (golayaasha sharci dejinta) looma sheegin, lamana soo hor dhigin wax heshiis ah oo arrintaas ku saabsan oo la galay iyo sida loo galay iwm. midkoodna.
Waxa ay dad badan oo aan ka mid ahaa u arkeen in wax la qarinayaa jiraan, taasina ay damaq ku keentay caabuqii hore u jirey ee dhaca iyo boobka ummadda hantideeda guud oo hadda u muuqatay in baddii iyo xeebihiina la xaraashayo.
Arrintaasi waxa ay ii jiiddey dareen ahaan oo aannu aragti wadaag ka yeelannay odayaashii Madasha Wada-tashiga, gaar ahaan Prof Cabdisalaan Yaasiin Maxamed iyo Maxamed Xaashi Cilmi.
Dheeggani waxa uu ku saabsan yahay kulankii ugu horreeyey ee madasha ee aan ka qayb galo, aragtidayda saldhigga iyo ahmiyadda taariikheed Berbera ayaanu ka turjumayey:
https://www.youtube.com/watch?v=-Qs4uzbmB6s
Tani waxa ay igu xidhay dhallinyaradii gadoodsanayd ee mashruuca saldhigga wayiigsanayd. Kulamo ayaannu ku yeelannay Safari Hotel intii u dhaxaysey 16 – 19 February 2017. Laba kooxood ayaa ugu ballaadhnaa. Waxa ay ka midaysnaayeen in 20-ka February 2017 lagu beego muddaharaad magaalada gilgila oo saldhigga millateri ka dhan ah sidii 1982-kii dhiidhigii ardayda iyo kacdoonkii dadweynaha ee Hargeysa u qarxeen si la mid ah.
Doodo iyo qiimayn badan oo ku saabsan duruufihii lagu jirey ee ku saabsanaa sida aanay dhinacyada kala duwani diyaar ugu ahayn, una bislayn muddaharaadyo la dhigo iyo sida looga faa’iidaysan karo ee amniga iyo degganaanta waddanku u wiiqmi karaan, waxa aannu gabagabadii dhallinyarada muran ka dib isla qaadannay in muddaharaad suuqa la yaaco aan la samayn ee looga wareego si kale oo dareenka loo cabbiro.
Waxa aannu isla qaadannay dhallinyaradii:
• In xuska maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka Februray si weyn loo maamuuso
• In muujinta dareenka shacbiga ee saldhigga Berbera lagu lammaaneeyo xuska dharaartaas
• In xildhibaannadii 12/02/2017 ka hor yimi saldhigga lagu muuneeyo xuskaas, lana soo casuumo odayaashii madasha
• In xukuumadda xubno sare laga soo casuumo oo ay dadka ku qanciyaan saldhigga iyo sida wax loo wado oo dood laga furo
• In Maansoor Hotel xafladda lagu qabto fiidnimada 20/02/2017.
Hawsha xafladda waa la kala qaybsaday. Aniga waxa igu soo hagaagey in aan soo casuumo madaxda dawladda, qoraalna ka soo diyaariyo kacdoonkii 20-kii February 1982. In kasta oo marka dhallinyarada loo eego aan xidhiidh la lahaa xubno sarsare oo xukuumadda ka mid ah, haddana waxa dharaarahaas laga maqnaa madaxtooyada oo ahayd halka ay u dhimatay ee hawsha mashruuca saldhiggana la riixayey. Waxa dibedda safar ugu maqnaa madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa maqqnaa isna wasiirkiisii madaxtooyada Maxamuud Xaashi, haseyeeshee waxa joogey wasiir ku xigeenkii xilligaas Axmed Xaashi iyo afhayeenkii Xuseen Dayr.
Labadan mas’uul oo aan aqoon qofnimo la lahaaba, waan la xidhiidhay oo waannu isla afgarannay dood ka dib xafladda iyo ujeeddadeeda, waanay soo dhoweeyeen. Axmed Xaashi waxa aannu isla qaadannay in xafladda cid loo soo diro dhallinyarada la sheekaysan karta. Axmed waxa uu ballanqaaday in aannu isagu iman karayn oo ballan hore miiska u taallo, hase yeeshee uu cid u soo diri doono dawladda metesha. Waa 18-kii February marka aannu xukuumadda isla garannay arrintaasi.