Maxaa sababay hoos u dhaca xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland? (WQ: Faisal Jama Hadame)

Siyaasadda Arimaha dibada ee ku waajahan Deegaanada Soomalida waxay soo martay marxalado kala duwan.
Wakhtigii Boqor Xayle Salaase 1945 kii waxay Itoobiya hamigeedu ahaa in guud ahaan Dhulka Soomaalida la raaciyo Itoobiya. Qorshahaa uu watay ee uu Boqorku ku doonayey sidii Dhul weynaha Soomaalidu uga mid noqodo lahaa Itoobiya, boqor Xayle Salaase waxuu marar badan xidhiidh kala sameeyey Boqor-tooyadii Ingiriiska iyo Talyaanigii oo iyagu markaa mustacmarad ku haystay Dhulka Soomaalida.
Balse hamigii Itoobiya ee ahaa Dhul boobka Soomaalidu sidii ay iyagu rabeen uguma hir galin, waxayse ku guulaysatay oo gacantooda galay qaybo ka mid ah dulkii Soomaalida iyo Eritrea oo la raaciyo Itoobiya.
Intii kadanbeysay Xornimadii iyo isutagii Labadii Gobol ee Soomaalida ee 1960 Itoobiya waxay badashay siyaasad deedii ku waajihnayd dhul ballaadhsiga oo waxay u badashay difaaca ay ku adkaysannayso dhulkii Soomaaliyeed ee ay horay u qabsatay iyo sidii Midnimada Soomaalida loo kala dhantaali lahaa . Itoobiya iyada oo taa ka duulaysa waxay 1964 kii dagaal ku soo qaaday Jamhuuriyaddii Somaliya ee wakhtigaa jirtay.
Afganbigii Milatariga iyo isbadalkii ku yimi 1974kii Itoobiya waxba kamuu badalin siyaasadii Itoobiya ee ahayd kala goynta Somaliya, makii Boqor Xayle Salaase Xukunka laga turayna waxaa halkii ka sii anbaqaaday qorshahaa Dowladdii Milatariga ahayd ee uu hogaaminayey Mengistu Hayle Maariyaam.
Waxay dowladdii Siyaad Bare abaabushay dagaal dib loogu soo celinayo dulkii Soomalida ee (Hawd and reserved Area ) ee ay Itoobiya la wareegtay, si dhulkaa loo xoreeyo oo dib loogu soo celiyo gacanta Soomaalida waxaa Sanadkii 1977kii Dowladda Itoobiya lagu qaaday dagaal siyaasi ah iyo mid Milatariba burbur iyo Baro-kac badan uu ka soo gaadhay shacabka, intaas ka bacdi waxaa Itoobiya laga xoreeyeyey dhulka intii sii badnayd, walow mudo yar dabadeed Itoobiya iyo xulufadeedu ay dib hadana u qabsadeen.
Dagaalkii Itoobiya iyo Somaliya ee 1977 wixii ka danbeeyey waxay labada Dowladdood isu direen Jabhaddo hubaysan oo aakhirkii galaaftay sababana u noqday burbukii iyo isbadalkii labada Dal ku yimid 1991kii ee ay ku bur-bureen labadii dowladdood ee Milatariga ahaa.
Itoobiya waxay ku guulaysteen in Jabhaddihii TPLF oo hormood u ahayd Jabhadaha xukunka kala wareegey Dowladdii Milatariga ahayd ay si dhib yar u soo dhisaan Dowladd wadaag ah oo ka koobnayd dhamaan Jabhaddihii hubaysnaa, waxanay ku midoobeen xisbigii EPRDF ee dowladdii Tigreegu maamulaysay oo mudo dheer Dalka Itoobiya soo xukuntay.
Wali waxaynu ku gudo jirnaa isbadalada ku yimid Itoobiya iyo saamaynta ay ku yeesheen siyaasadda arimaha dibadda ee Itoobiya ee ku waajihan dhulka soomaalida.
Dhanka Somaaliya dhakhso loogama soo kaban burburkii ka soo gaadhay dagaaladii sokeeye, waxaanay mudo dheer ahayd meel aan dowlad dhexe oo adagi ka jirin, taasina waxay keentay in ay dowladdo shisheeye oo ay Itoobiya ugu horayso ay danahooda u gaarka ah uga faaโ€™iideystaan.
Arinta Dawlad laโ€™aanta ee Somaliya waxay sabab u noqotay in markale ay Itoobiya dib u hungurayso dhulka Soomaalida waxaanay soo celisay hamigeedii hore ee ahaa dhul balaadhsiga.
Heshiiskii is-dhexgalka Itoobiya iyo Somaliya ee Abiye iyo Faarmaajo waxa uu Albaabka u furay sheegashadii Itoobiya ee dhul ka mid ah Somaliland gaar ahaan Zaylac oo Dowladda Itoobiya sheegan jirtay mudo dheer oo ku siman ilaa 1945 kii << ETHIO SOMALI RELATION BRING BACK ZAILA ON THE TABLE >> Dekeda Saylac ayaanu Faarmaajo soo dhigay kawaanka, taasina waxay keentay inay Itoobiya damaceedii ay qoraalka codsiga ah ugu gudbisay Maxmiyadii Ingiriiska 1945kii ee loo diiday ay dib boodhka uga tunto oo ay dib u soo celiso.
Shirkii Addis Ababa Caasimadda Dalka Itoobiya ee uu Abiye Axmed isugu yeedhay labada Madaxweyne ee Biixi iyo Faarmaajo ayaa daaha ka rogay damaca iyo hamuunta ay Itoobiya u qabto Midnimo Somaaliyeed si ay u aragto balan qaadkii Faarmaajo ee Dekeda Zaylac oo u rumooba.
Intaa kabacdi waxaay labada dhinac Somaaliya Iyo Itoobiya dar dar galiyeen wadahadalada Somaliland iyo Somaliya ee aakhirkii lagu qabtay Jabuuti, si labada dhinac mid waliba u helo muraadkiisa oo kala ahaa in Itoobiya Zaylac hesho iyo Midnimo, balse shirkaa waxa ku guulaystay Somaliland oo heshay Fagaare Caalami ah oo ay garteeda hor dhigto.
Intaa ka dib waxaa soo baxay khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya oo ka bilaabmay biyo xidheenka Wabiga Nile oo ay Itoobiya dhisanayso, walow ay Itoobiya diiday hadana Dowladdo uu Maraykanku ka mid ayaha ay isku dayey in la kala dhex galo labada Dowladdood si Khilaafkooda xal waara looga gaadho oo Itoobiya iyo Masar loo dhex dhexaadiyo.
Khilaafka Masar iyo Itoobiya waxuu saamayn buuxda ku yeeshay gobolka taasaana keentay in uu isxulifaysi ka bilaabmo mandaqada oo ay Somaliland ka mid tahay, dhawaan waxaa Somaliland booqasho ku soo gaadhay wafti ka socoda Dawlada Masar oo lasheegay in ay Somaliland waydiisteen saldhig Milatari, booqashada waftiga Masar waxaa sas xoogle ka qaaday dowladda Itoobiya, dhawaana waxaan Arintan si adag uga hadlay Af hayeenka Arimaha dibadda ee Itoobiya.

Arimahaa oo is biirsaday waxay muujinayaa kala fogaansha Somaliland iyo Itoobiya oo wakhtigan u muuqda in aanay isku dan ahay marka laga reebo xidhiidhka ganacsiga ee u dhaxeeya labada dal iyo Xadka dheer ee ay wadaagaan.
Somaliland ayaa iyana heshay saaxibo cusub oo u badali kara Itoobiya kuwaas oo kala ah
UAE, Masar iyo Saudi Arabia.
Taiwan iyo Somaliland ayey iyana u bilaabmay xidhiidh siyaasadeed iyo mid dhaqaale sida oo kale wasaaradda arimaha dibada ee Somaliland waxay xidhiidho la soo gashay dawaladaha Galbeedka Africa ee Guinea-Conakry, Gambia iyo Kenya oo la filayo in ay dal jira u Aqoonsan doonto Somaliland.
La soco qaybaha danbe……
WQ: Faisal Jama Hadame