Maxaad ka taqaannaa qorraxda? (WQ: Rashiid Odowaa)

Saynisyahanka ku xeel dheer cilmiga physics iyo Astronomy waxay ku tilmaameen inay qorraxdu tahay

Shayga ugu xajmiga ballaadhan uguna wayn  shay kownka lagu arko isla markana ay tahay tan ugu yaabka iyo mucjisada badan, waxay ku tilmaameen haddii Qorraxdu ahaan lahayn kubad madhan oo waxa meerayaal jira oo dhan oo dhulkan aynu ku noolnahay ka mid yahay lagu xareeyo 600 boqol oo jeer way qaadi lahayd, Sida ay soo gudbiyeen Cirbixiyeennadu Qorraxda  waxay kaloo ay ku tilmaameen in dhulkan aynu ku nool nahay ay boqol(100)jeer ka baaxad wayntahay.

Qorraxda waa aabaha nolosha la aanteed wax nolol ah oo suurto geli lahaa ma jireen,sidoo kale waa dabarka isu haya dhamaan waxa meerayaal ama kawaakib ka jira koonka taas oo haddii aanu jirin xooggaa ama cuf isjiidadka ay ku hayso mid kastaaba uu iska socon lahaa bilaa xad.taas macneheedu waxa weeyaan adduunku muu jireen.

Qorraxda qaraxyada,guuxa,reenka,qaylada iyo sawaxanka ka dhacaya gudeheeda iyo aageeda wax nool oo xamili karaa ma jiro xattaa haddii uu u jirsado masaafo gadhaysa balaayiin mile,ilaahay SWT ayaa u qaddaray meel cayiman oo waxtarkeedu inaga soo gaadho dhibkeedana aynu kaga badbaadno.

Waxay u muuqattaa inay ka samaysantahay daruuro qaabka maydhaxda oo kale u laalaabma iyo neefo holcaya ama walxo u karsamaya sida dheri dabsaaran oo aad isu laba rogaya oo xarakaad samaynaya waxayna isu bedeshaa midabyo qurxoon iyo muuqaallo aan maskaxdu soo koobi Karin ama aan kuba soo dhici Karin waxayna shaqadeeda u socotaa si joogta ah oo aan waligeed isbedelin Oogada sare ee qorraxda  qaraxyo ayaa ka soo kacaya qaabka Xarafka (U) u samaysan ka dibna aad moodo inay dib ugu noqonayaan halka ay ka soo kacaan hase aahatee waxay dirayaan fallaadho (Spectrum) oo hillaac samaynaya sida falaashta kamaradda oo kale.

Haddaba qolada physics ka iyo Xidigiska ku xeel dheer ee ka tirsan hayadda hawada ee Maraykanku (NASA) oo ah kuwa maclumadkan soo gudbiyay, waxay u qaybiyaan markay ka faalloonayaan Qorraxda   lix qaybood ama lakab oo kala ah,1-CORONA oo ah qaybta ugu sarraysa 2-CHROMOSPHERE 3-PHOTOSPHERE 4-CONVECTIVE ZONE 5-RADIATIVE ZONE IYO 6-COREoo ah bu’da ama goobo dhexda ah waana halka ugu muhiimsan ee ay ka soo fulaan dhamaan kulaylka ay soo saarto cadceedu qaybahan kale ee ka sarreeyaa waxay u badan yihiin inay xadidaan ama qaabeyaan xaddiga kulka ah ee ka soo qarxaya qaybta gudaha,waxa qaybtan heer kulk eedu uu gaadhaa 27,000,000 feranheight una dhiganta 15.000.000 “C. qaybtan oo lagu tilmaamo inay tahay qorraxda runta ah waxay ka koobantahay Xoogag (Thermonuclear) isu tagay oo aad u xoog badan.

Qaybtan qoraxda badhtankeeda ahi waxay soo daysaa waxa tamar(Energy) adduunku ku noolyahay oo dhan waxayna u soo daysaa qaabab kala duwan oo ah Fallaadho.electrecity ama hab dabayl xambaarsan oo fidinaysa shucaaca qorraxda illaa inta ay adduunka soo gaadhayaan waana sababta uu shay kasta oo nool u quutto iftiinka Qorraxda dhirtuna biqilka ku soo tuurto ee ay ku noolaadaan.

Waxa kaloo qaybtan ay leedahay birlab aad u xoog badan taas oo samaysa Cuf-isjiidadka ama dabarka ay ku hayso dhamaan meerayaasha kale oo dhan haddii aanay taasi jiri lahayn meerayaashu way iska tagi lahaayeen macnaha adduunyadu ma jirteen ilaahy cilmigiisa haddi aanu jirin,ilahay ayaa u qayday shay kasta meel cayiman oo aanu ka gudbi Karin illaa uu isagu doono mooyaane.

Waxay ku sheegaan guud ahaan inay ka samaysantahay 91% Haydrogen  8.9% Helium 0.1%walxo kale oo Culus marka lagu eego qalabka kuu sahlaya aragtideeda ama sawirrada ay soo gudbiyaan dayaxgacmeedyada sahamiya,waxa lagu arki karaa oogada sare ee cadceedda Hogag aan badnayn oo madaw kuwaas oo ay ka soo tufto holac sidii oo ay ka neefsanayso waxayna godadkan ku began yihiin laba liid oo dhexda ah oo aad mooddo inay is bar bar galaan isla markaana  isaga gudbaya labada cidhif.

Waxa xusid mudan in weegan gudihiisa ay hayadda NASA dirtay dayaxgacmeed sahamiye ah kaas oo sida ay sheegeen ay ugu talo galeen inuu gaadho Qorraxda si loo daah furo macluumaad dheeri ah oo ku saabsan qorraxda kaas oo aan la garan Karin halka uu ku dhalaali karo ama ku burburi karo iyo inuu guulaysan karo midna.

Si kastaba ha ahaatee Ilaahay ayaa Quraankiisa ku sheegay inay Qoraxdu tahay ta iskeed u huraysa ee iftiinka samaysa halka dayaxana Nuur lagu sheegay ilahay wuxuu kaloo Quraanka ku amaanay addoomaha Cirka sare u eega ee ka fikira abuurka ilaahay iyagoo jiifa ama taagan ama fadhiya ka dibna jawaabtoodu noqoto ilaahayow gardarro umaad abuurin abuurkan adigaa Xumaan ka nasahan.

Cilmi dhamaantii ilaahay ayaa leh

 

Xigasho National Geography

 

Rashiid odowaa

Khadarsalaan@gmail.com