Xasan Muxumed oo shinnida ku dhaqa Gabiley ayaa ka warbixiyey xaaladaha dhaqashada shinnida

Xasan Muxumed “Alifle” ayaa ka warbixiyey xaaladda shinnida uu ku dhaqo Gabiley. Waa nin da’yar oo jecel in uu horseed u noqdo dhaqashada shinnida iyo ka-ganacsigeeda. Sidoo kale wuxu sharaxaad ka bixinayaa sida looga gaashaaman karo cabsida laga qabo shinnida. Xasan wuxu sidoo kale ka warbixiyey caqabadaha suurtogalka ah ee ka hor iman kara ciddii rabta in ay dhaqato kana ganacsato shinnida.