Maxamed Baashe SNM iyo KULMIYE wuu ka faa’iiday (WQ: Barkhad Maxamed Cumar)

Maxamed Baashe wuxuu ahaa dhalinyaradii Radio Halgan ee jabhadda SNM ka hawlgali jirey, mudadii uu hogaamiyey SNM Axmed Siilaanyo waxa uu SNM ka helay deeq waxbarasho oo jabhadda loogu deeqay, intii dagaalku socday, qaxootiga iyo rafaadka lagu jira waxa uu ku jira jaamacad Yurub ah, markii dambena waxa uu iska dhiibay Yurub oo uu ku qaatay dhalashadda uu hadda sito.

Mar kale Maxamed Baashe waxa uu dalka dib ugu soo noqday markii kulmiye guulaystay, waxaanu si tartan la’aan ah uu wasaarada cadaalada Somaliland usiisay mashruuc hay’adda IOM maalgalinaysay, taas oo uu xafiis ku lahaa wasaarada lacag badana ku qaadan jirey illaa sanadkii 2017-kii.

Markalena wuxu uu wadda mashruucii sadexaad ee uu magaca Somaliland ku qaadan lahaa si uu ugu iibgeeyo Soomaaliya, waxaanu u bixiyey mar kale iyo midnimo, waana mashaariicda rag badan oo Somaliland ka soo jeeda ku hodmeen oo guryo dhaadheer kaga dhisteen Hargeysa, waana waxyaalaha ugu fudud ee markiiba lacagta lagu helo maadaama oo koonfurtu dadka noocaas ah halyey ula baxdo.

Marka dadka mashaariicda eryanaya maaha inay garoon idinka dhigtaan ee inta aydaan wada murmin marka hore dadka kala barta.