Hordhac
Tan iyo dhammaadkii sannadkii ina dhaafay, markii sadhada Coronavirus kasoo shaacday Wuhan, waxaa si is daba joog ah Adduunka u soo foodsaaray khalkhal iyo isbaddal ku yimi ku dhowaad gabi ahaanba nolosha. Waxa Fayrqsku uu mudda yar isaga gudbay waddamo badan, isagoo gaaray qaarad walba.
Safmarka Covid-19 saamayntiisu kuma hakan kaliya in uu halis galiyay caafimaadka Aadanaha, sidaas oo kale waxa uu taabtay dacal walba: Siyaasadda, Dhaqaalaha, Safarrada, Waxbarashada, IKK.
Waxaa dad badan ku xannibmeen meela ka fog guryahoodi, waxaa suurta galiwayday waxbarashadii loo aadi jiray fasallada, waxaa wax badan jari waayay isbahaysiyadii siyaasadeed ee jiray iyadoo waddan walba dantu ku kaliftay in uu gondihiisa dhaafi waayo.
Suuqyada Ganacsiga ayaa fadhiid noqday, kaddib markii uu hoos u dhacay wax soo sarkii alaabta qaar, qaar kalena dalabyo loo waayay iyadoo tani saamayn ballaadhan ku yeelatay dhaqaalaha badi dawladaha caalamka. Shidaalka ceedhiin (Qeydhiin) ayaa safka hore kula jiray Shirkadaha duulimaaadyada badeecadaha dhulka galay, isagoo gaaray abid meeshii ugu hooseysay qiime ahaan.
Israa’iil iyo Imaaraatka oo kamid ah wadddamada inta badan dhaqaalahoodu daganyahay ayaa dharbaaxooyin kala kulmay Covid-19. Israa’iil, waxay diiwaaan galsiay hoos u dhicii u waynaa muddo siddeed sano ah ee ku yimaada dhaqalaheeda, iyada oo 7% dhaqaalaheeda hoos u dhac ku yimi kadib markii wax soo saarkeedu hoos u dagay 5.9% rubaca hore ee sannadkan. Imaaradda Dubai ayaa in kabadan 70% ganacsiyada dhexe iyo kuwa yaryar qarka u saaranyihiin in ay is xidhaan. Hoos u dhaca dalxiiska iyo socotada ayaa sabab u noqon kara in tiro badan oo kamid ah shaqaalaha Shirkadaha kajira Dubai ay shaqo la’aan so dhacaan.
Qiima jabka Shidaalka
Suuqa kala iibsiga Shidaalku, waa mid u nugul marwalba dabaylaha siyaasadda iyo dhaqalaaha. Sayladdan ayaa ah mid ku tiirsan is dhaafka dalabka iyo kala iibsiga, taasoo ka dhigan in hakad kasta oo dhaca uu wax ka badalayo qiimaha iyo isdhaafka shixnadaha shidaalka.
Safmarka Covid-19 ayaa suuqa shidaalka galiyay mugdi aanuu hore ula jaarin abid. Hoos u dhaca ku yimi isu socodkii iyo isticmaalka tamarta ayaa keenay in la waayo dalabyo badan, ayna kala bataan wax soo saarkii warshadaha saliidda iyo isticmaalkii suuqa. Sayladda shidaalku waxaa ay ku dhisantahay badi labo qaab oo heshiisyo ah: Heshiisyo wakhti qaata iyo Heshiisyo degdeg ah. Noooca hore waxaa ay muddadoodu u dhaxaysaa inta badan Bil ilaa Saddex bilood, iyada oo qiimaha kala wareegitaankooduna ka hoseeyo heshiisyada degdega ah. Heshiisyada degdega ah waa kuwo wakhti kooban ku dhaqan gala, inta badanna dawladaha iyo ganacsatada midna ma door bido.
Hoos u dhaca ku yimi qiimaha Saliidda waxaa dawr wayn ka ciyaaray khilaaf soo kala dhexgalay waddamada Boqortooyada Sucuudiga iyo Ruushka. Khilaafkan ayaa ka abuurmay markii Sucuudigu jabiyay is afgarad ka dhexeeyay waddamada ku midaysan Dallada OPEC iyo waddamada loo yaqaan OPEC+. OPEC oo ay ku midaysan yihiin 14 dal oo kamid ah jilib culusta soo saarta shidaalka ayna u horreeyaan Sucuudiga, Iran, Kuwayt, Aljeeriya iyo qaar kale ayaa heshiiskan tibaaxayay jaangoynta xaddiga soo saarka maalinlaha ah ee shidaalka iyo qiimihiisa iibgaynta waxay kula jirtay waddamada OPEC+ oo Ruushku hor boodo ayna weheliyaan Suudaan, Cummaan, Aserbijaan iyo kuwa kale.
Boqortooyada Sucuudiga ayaa kor u qaaday wax soo saaarkeeda maalinlaha ah ee shidaalka iyada oo gaadhsiisay 9.7 Malyan oo Bermiil, halka uu awal ka ahaa 7 Malyan oo bermiil. Tan ayaa khilaafsanayd heshiiskii labada garab hore uga dhexeeayay. Ruushka ayaa sheegay in qiima jabka shidaalka waajib gaar ahi iyaga ka saarnayn, ayna ku sii wadi doonaan wax soosaarkooda siduu ahaa.
Dagaalka Maxamed Salmaan la galay Mosko oo kusoo aaday xilligan Coronavirus wax badan hoos u dhigay wuxuu jaahwareer galiyay suuqyada Saliidda adduun waynaha. Saliidda Brent ayaa qiimaheedu hoos u dhacay ku dhowaad 66% iyada oo bermiilka brent-ga ahi tagay $27 oo kaliya. Nooca Saliidda ee loo yaqaan WTI (West Texas Intermediate) oo ah tan la door bido marka Maraykanka la joogo ayaa qiimeheedu ka hoosmaray $0.
Joornaalka Wall Street oo xiganaya Bangiga Adduunka wuxuu saadaaliyay in isdhinka Miisaaniyadeed ee Sucuudiga kaasoo dhalanaya qiima jabka shidaalku uu gaari doono qiyaastii 15%, halka kaydka Boqortooyadu hoos u dhici doono $24 Bilyan. Shirkadda shidaalka Sucuudiga ee ARAMCO, ayaa iyaduna sheegtay in khasaare wayn soo gaadhay.
Khubarada dhaqaalaha ayaa darsay in khasaaraha Ruushka ee ka dhalanaya sicir dhaca saliiddu gaadhayo $63 Million .
Shidaalka Soomaaliya
Laga soo bilaabo bartamihii qarnigii tagay, Soomaaliya waxaa si isadaba joog ah heshiiisyo sahmin shidaal ah ula galayay shirkado ajaanib ah oo waddamada Talyaaniga, Hollan, Faransiiska Ingiriis iyo Jarmalka ka dhisan. Horraantii, dadaalladu waxay u badnaayeen berriga walow ay jireen sahmino lagu sameeyay badda Soomaaliya oo aan badnayn. Shirkadaha Sinclair iyo Shell ayaa badi sameeyay baadhitaanadaas.
Dawladdii Askartu markay timi waxay heshiisyo shidaal qodis ah la gashay shirkadaha Mobil, Phillips, Esso iyo Texaco. Hawlaha baarista natiijo fiican lagama gaaarin oo marna majirin wax ceel ah oo lagu guulaystay in la qarxiyo, waxaase jiray meelo dhowr ah oo laga helay shidaal. Sidoo kale shirkadahaasi waxay daahfur fiican ka sameeyeen in la fahmo isa saaranka lakabyada dhulka Soomaaliya iyo in aragti fiican laga helo sida uu u sameeyo shidaalka (Dhagaxa sameeya shidaalka) iyo habka uu u kaydiyo (Dhagaxa kaydiya shidaalka).
Markii Dawladdii dhexe meesha ka baxday, waxaa dalka yimi shirkado hor leh oo aan badidoodu ahayn kuwii hore sahminta u sameeyay. Shirkadahan ayaa heshiisyo goonigooni ah la galay Dawlad goboleedyadii jiray xilligaas iyo Soomaalilaan.
Buntilaan ayaa heshiis la gashay shirkadaha Range Resources iyo Africa Oil. Range Resources waxay qiimayn ka samaysay deegaannada Nugaal iyo Dharoor wax qodaal ah se ma aysan fulin. Africa Oil, waxay laba ceel (Shabeelle-I iyo Shabelle-II) ka qoday dooxadda dharoor. Isku daygan ayaan markale guulaysan, wax shidaal ahna lama soo saarin.
Soomaalilaan ayaa u ogolaatay in ay baadhitaanno sameeyaan shirkadaha Ophir Petroleum, Petrosoma iyo TGS oo iyadu xeebaha sahmin ka samaysay.
Galmudug ayaa dhankeeda Qandaraas la gashay shirkadda Liberty Petroleum, si ay baadhitaan uga samayso guud ahaan deegaannada Galmudug hoos taga.
Xukuumaddii Xasan Sh. Maxamuud hogaaminayay ee talada haysay intii u dhaxaysay 2013-2017 kii waxay heshay araaji badan oo ay shirkado cusubi ku dalbanayeen in qaybo kamid ah dhulka Soomaaliya ay baadhitaanno ka sameeyaan. Soma Oil and Gas ayaa ugu danabayn ku galaysatay in ay Dawladda Soomaaliya la saxiixato heshiis ay ku maal galinayso Saysmikada 2-D oo ay ku samaynaysay xeebaha Indian Ocean-ka. Heshiiska PSA ee u dhexeeyay Dawladda iyo Soma Oil and Gas ayaa dhigayay in ay 12-xidhmo badeed ka baadho xeebaha Jubbalaan, Hirshabeele, Koonfur galbeed, Galmudug iyo gobolka Banaadir.
Horraantii bishii Febraayo ee sannadkii 2019, waxaa shirkadda Spectrum oo heshiis wadaag (Sub Contracter) la ah Soma Oil and Gas ay sooo abaabushay kulan ka dhacay London, laguna soo bandhigayay sahmintii la sameeyay. Shirkan ayaa buuq wayn iyo kala aragti duwanaansho sababay. Aqalka sare iyo Xisbiyada mucaaradka ayaa qoloba gaar u dhaleecaysay, iyadoo ujeedadiisa dadka qaar ku sheegayeen shir lagu xaarashayo khayraadka shidaalka dalka.
Qiima jabka Sayladuhu muxuu ka badalayaa qorshaha beecinta Shidaalka Soomaaliya?
Muddo laba todobaad kahor ah Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baahisay qoraal ay ku sheegayso in ay bilaabayso beecinta xidhmooyinkii sannad kahor lagusoo bandhigay magaalada Landhan ee carriga Ingiriiska. Soo bandhigidda iibinta xirmooyinkan ayaa kusoo beeegantay xilli qiimaaha Sayladaha shidaalku marayo meeshii ugu hooseysay mudo dheer. Arrintan oo cabsi badan ay ka muujiyeen Soomaalida badankeedu waxaa si isku mid ah uga wada biyo diiday qaybaha kala duwan ee bushada. Dawaladda ayaa dhankeeda aan bixin wax sharaxaad ah oo ku aadan iibka xirmooyinkan iyo in qiimaha shidaalku marayo ee aadka u hooseeyaa uu keeni khatar baqsi karta shidaalka Soomaalida.
Dad badan oo khubaro ah kana faallooda suuqyada shidaalka ayaa qaba aragti ka duwan cabsida Soomaalida ee ah in haddii hadda la iibgeeyo Shidaalka dalku uu hoos u dhigi karo wixii uu jari lahaa. Falanqeeyayaasha ayaa dooddooda ku salaynaya in qorashaha soo bandhigista iibka xirmooyinku aanuu ka dhignayn in xirmooyinka hadda la iibinayo, taas baddalkeedana uu iibku qaadan doono sannado dhowr ah isaga oo maraya wajiyo kala duwan oo ay u wayntahay wadaxaajoodyo lala galo daneeyayaasha iyo isbarbardhig lagu sameeyo dalabyada. Waxaa iyana xusid mudan in qorshaha iibku aanuu ku jaan go’nayn qiimaha maalinlaha ah ee suuqa shidaalku markaas joogo balse uu yahay qorshe lagu saleeyo faa’iido qaybsi wakhti dheer ah, mudadaasna lagusii talo galo heer kasta oo uu gaadho qiimaha shidaalku. Tusaale: Haddii faa’iidada shidaalka Soomaaliya ay ka sarrayso 25% waxaa Soomaaliya ay helaysaa 70% dhaqaalaha laga helo Shidaalka, haddiise faa’iidadu ka hoos marto 25% Soomaaliya waxaa u soo noqonaya 50% kaliya dhaqaalaha la faa’iido. Sidan oo kale waxaa u ekaan kara heshiisyada.
Tan ayaa hoos u dhigaysa cabsida laga qabi karo hoos u dhac muddo kooban ahi inuu kusoo biyo celiyo qorshaha shidaal iibinta Soomaaliya ee mustqabalka.
Soomaaliya kali kuma aha Waddamada suuqa soo dhigay inay gadayaan ogolaanshaha maalgashiga shidaalkooda, waxaa sidaas oo kale dhowaan beecinta shidaalkeeda ku dhawaaqday dawladda Laybeeriya ee dhacada galbeedka Afrika.
Dawladdan uu hadda hogaamiyo ciyaaryahankii hore ee kubadda cagta Geoge Weah, waxaa kufaa kaca shidaal baaristeedu u egyahay in badan kan Soomaalida. Marar badan oo Laybeeriya la isku dayay in qodid shidaal laga fuliyo waxay kusoo dhamaadeen waddaadii dadaaladii dooxada Dharoor oo kale. Sidoo kale waxaa Libeeriya ka jiray ku dhicid la’aan ay sababtay waddanka oo kasoo kabanayay dagaalo sokeeye oo muddo 14 sano ah qaatay.
Horaantii bishii Abriil ee sannadkan ayay dawladda wadankaasi shaacisay inay bilaabyso iibgaynta Toban xirmo shidaal oo dhaca xeebaha waddankaas, haseyeeshee caqabadaha Coronavirus sababay awgeed waxa ay kordhisay mudada uu soconayo bandhigga xirmooyinka oo awal ku ekaa Oktoobar sannadkan iyadoo gaadhsiisay Febraayo sannada 2021. Soomaaliya iyadu waxa ay beecinaysaa 7 xirmo oo kamid ah kuwa aadka loo rajaynayo iyada oo iibgayntu furmi doonto 4-Ag00st0-2020 sooona xirmi doonto 12-Maarso-2021. Wakhtigan ayaa ay macquul tahay in sayladaha shidaalku kusoo laabtaan noloshoodi dabiiciga ahayd.
Qorshaha beecinta Soomaaliya wax badan kama duwana Midka Laybeeriya, waxayna labada dalba rajaynayaan in qiima jabka Saliiddu aanay saamayan wayn ku yeelan doonin xiisaha loo qabo shidaalkooda.
Caqabadaha waaweyn ee Curyaamin kara rajada Soomaalida ee Shidaalka
Soomaaliya waxaa mustaqbalka shidaalkeeda ku gedaaman caqabado qaybtood ay rajada dheer ee ku sidkan shidaalka su’aal wayn galin kara. Waxaan kamid ah:
Kow, Cimilada sii kululaanaysa ee Aduunku wajaahayo qarnigan kow iyo Labaatanaad oo ay sababayaan diqowga hawadu diqoobayso natiijada gubitaanka Shidaalka awgeed. Si hoos loogu dhigo Carbondioxide-ka hawada galaya waxaa adduunku u wada tafaxaytay in la yareeyo isticmaalka shidaallada kala duwan ee sababaya.
Kaddib heshiiskii Cimilada ee Baariis kaasoo soo baxay sannadii 2015-kii qorshihiisa mustaqbalna ahaa in hoos loo dhigo celceliska heer kulka ilaa 2 °C iyada oo la yaraynayo wasakhaynta hawada, waxaa waddamada shidaalka soo saara soo food saartay cabsi ah hoos u dhac ku yimaada dalabka shidaal ee ay hadda helaan.
Walow qorshaha Baariis uusan wali si fiican u dhaqan gelin, caqabad wayna ay ku noqotay ka noqoshadii Maraykanku, haddana waddamo badan ayaa hoos u dhig wayn ku sameeyay isticmaalkooda shidaalka. Jabbaan, waxay ay dhintay 80% gaaska ay kasoo dhoofsan jirtay dibadda iyada oo u weecesay tamartii ay gaaskaas ka dhalinjirtay dhinacyada tamarta is cusboonaysiisa. Waxay horumarin fiican ku samaysay nidaamkeeda tamarta looga dhaliyo qorraxda, Shiinaha iyo Maraykanka ayaa iyaguna horumar ballaaran ka sameeyay. Waddamada Iskaandeneefiyaanka, Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa kamid ah waddamada iyaguna shaxda tamartooda godadka fiican ka siiyay tamarta soo noolaata (Renewable Energy).
Dhanka Shirkadaha gaarka looleeyahay, waxaa tobankii sano ee ugu danbaysay suuq ballaaran ay ka sameeyeen Soolarka korontada ka dhaliya cadceeda, iyada oo suuqa Soolarku dhowaan la muuhimad noqon karo suuqa badhgudbiyayaasha (Semi-Conductors) iyo jiibiska (Chips). Warshadaha gaadiidka ayaa dhowaanahan si isdaba joog ah u soo bandhigayay gawaadhi iyo gaadiid kale oo ku shaqaynaya Korontada baddalkii shidaal ay ku shaqayn jireen awal, tamarta Dabaysha iyo Nucleur-ka ayaa iyaguna xawaare wayn ku socda.
Dhammaan dadaallada lagu dhimayo isticmaalka shidaalku waxaa ay cabsi dhaqaale ku hayaan wadamada aadka ugu tiirsan ka macaashka shidaalka, kuwa aan wali soo saaran warkoodu haba joogee.
Labo, Sharciga batroolka Soomaaliya oo aan la isku waafaqin ayaa keeni kara caqabad ka dhalata soo saarista Shidaalka Soomaaliya. Walow sharcigan bartamihii sannadkii tagay ay ansixiyeen Golayaasha matalaadda shacabku haddana waxaa ka biyo diiday Dowlad goboleedyada oo u arkayay in aan laga talo gelin. Arrintan ayaa muran iyo khilaaf dibdhac keena abuuri karta haddaan laga heshiin kahor beecinta xirmooyinka.
Sadddex, Shirkadaha heshiisyada kula jira maamullada kala duwan ee dalka kajira ayaa iyana abuuri karta caqabad, maadaama xukuumado badan oo u kala danbeeyay xukunka meelo kala duwan oo dalka aha ay heshiis la galeen shirkado aan Aabbe wadaagin. Sidoo kale shirkadaha ruqsadaha haysta qaarkood waa shirkado yaryar. Shirkadaha yaryar ayaa in badan dhacdaa in ay ku xadgudbaan qarannimada wadamada ay ka hawl galayaan iyaga oo ujeedadoodu tahay in ay helaan qandaraasyo.
Afar, Duruufo amni oo jira ayaa iyaguna caqabad noqon kara. Walow qodobkani hadda ka xasaasiyad hooseeyo marka loo eego toban sano kahor sida uu ahaa, haddana waxaan marna la dafiri karayn amni xumada ay sababi karaaan kooxaha Argagixisada oo wali qaybo dalka kamid ah haysta, meelo kalena falal ka gaysan kara.
Beelaha soomaalida oo wali hubaysan ayaa iyaduna keeni karta weli caqabad, maadaama deegaannada dalka ay qoloba in ku magacaaban tahay khasabna ay tahay in lagala xaajoodo iyaga inta aan wax shaqo ah laga fulin deegaankooda.
Maqnaanshaha awoodda Booliska Soomaaliyeed ayaa iayaduna cabsi kale samayn karta ama khasbi karta in loo baahdo diyaarinta ciidamo gaar ah oo suga aminiga goobaha shidaal qodista iyo qandaraaslayaasha.
Gunaanad
Baahida horumar laga sameeyo dhan walba oo nolosha ah soomaalidu u qabto maanta waa cadceed duhur joogta, Dawlad walbana kuma haqab tiri karto baahiyaha shacabkeed kaalmo dibadeed. Taasi waxay lama huraan ka dhigaysa in la helo kaabayaal dhaqaale oo waawayn iyo in laga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah.
Fakhriga iyo Jahliga oo badanaa isku maran ayaynu muddo dhibane u ahayn, si aynu ugu adkaanana waxaaa muhiim ah in aynu garab istaagno dadaallada lagu caabinayo oo ay kamidtahay kor u qaadida nolasha bulshada.
Qodista iyo beecinta shidaalka Soomaaliya waa qorshe muhiim u ah hagaajinta nolosha bulshada, mudanna in si wada jir ah looga wada shaqeeyo laga bilaabo dadka dagan deegaanka laga qodayo, Dawlad goboleedyada ilaa Dawladda dhexe ee federaalka. Sidoo kale waa qorshe mudan in Soomaali oo dhami indhaha ku hayaan si aan qolooyiin gaar ahi uga macaashin una ahaaado mid taabagaliya Dawladnimo iyo nolol ifaysa.
Tixraac
1. Varun Sivaram, Timing the Sun: innovations to Harness Solar Energy and Power the Planet (A Council on Foreing Relations Book, 2018).
2. Peter Z. Grossman, U.S Energy Policy and the Pursuit of Failure (New York: Cambridge University Press, 2013)
3. Prof. Cabdiqaadir Abiikar, Shirkada Shidaalka iyo Soomaaliya, https://wardheernews.com/shirkadaha-shidaalka-iyo-soomaaliya/
4. Alex Dig-Godfrey, Somalia: the Next Oil Super Power, https://nationalinterest.org/blog/the-buzz/somalia-the-next-oil-superpower-12041
5. Aljazeera, بعد تدخل ترامب.. تحالف “أوبك بلس” يعلن أكبر خفض لإنتاج النفط في التاريخ,
https://www.aljazeera.net/news/ebusiness/2020/4/13/%D8%A7%D8%AA%D9
6. Amrith Ram Kumar, Oil Prices Rally on Hopes for Economic Recovery, https://www.wsj.com/articles/oil-rallies-on-hopes-for-economic-recovery-11590501794?mod=searchresults&page=1&pos=5
W/Q: Abbas Said
Email: cabbaas.siciid@gmail.com
Dhaka, Bangladesh.
Talaada, 26-Maay0-2020