Sheekh Maxamed Qasaali oo noolaa intii u dhaxaysay 1917-1996kii, wuxu ahaa sheekh, mufakir iyo daaci weyn. Waxa lagu majeertaa in uu noloshiisa u hibeeyey in uu u banbaxo faafiinta diinta Islaamka. Waxa uu ahaa shakhsi intii uu noolaa doodo badan oo diineed galay, dad badan oo diinxumaystayaal ahna baadinimadooda caddeeyey. wuxu aad uga hortagay fikirkii Shuuciyadda.
Isaga oo yar ayuu ku biiray ururka Ikhwaanul-Muslimiin. Wuxuu nasiib u yeeshay in uu ku soo barbaaro gacantii Imaam Xasan Al-banna. Isaga oo ka sheekeynaya goortii ugu horraysay ee uu la kulmay Banna wuxu yidhi, โWakhtigii aan ku jiray dugsiga sare ayaa iigu horraysay araggiisa. Masaajid ayuu nagu wacdiyey wacdi qalbiga na wada taabtay. Maalinkaas ayey bilaabantay barashadayadu. Xidhiidhkayagu wuu socday illaa uu ka shahiiday.โ
Qasaali diin faafintiisa waxa udub-dhexaad u ahaa aragtidiisii ilbaxnimo. Islaamku isagaa ilbaxnimo ah ayey dooddiisu ahayd. Wuxu aaminsanaa ilbaxnimo in aanay suurtagal ahayn Islaamka laโaantii. Wuxu dagaallo ku qaadijiray ilbaxnimada reer Galbeedka oo uu u yaqaannay ilbaxnimo il laโ. Mararka qaarna ku sheegi jiray ilbaxnimo dhutinaysa. Wuxu ku duri jiray in ay tahay ilbaxnimo maaddi bilaa ruux ah, iyada oo taagan xar geli doono.
Waxyaallaha lagu majeerto waxa ka mid ah in uu aad ula dagaalami jiray wadaaddada diinta ku shaqaysta ee diinta danahooda ugu adeega. Wadaaddada madaxda ka agdhow aad ayuu ula dagaalami jiray, isaga oo inta badan mimbarrada ka sheegi jiray sababta Muslinku diintoodii uga sii foganayaan in uu sabab u yahay wadaadka madaxda daalimiintaa carrooga u ah.
Dhaxalka uu ka tagay waxa mid ah in uu ummadda sees uga tagay hal-beeg u ah, wuxu inta badan odhanjiray arrimuhu sida ay u kala culus yihiin ha loo kala horraysiiyo. Waa arrinka uu ula baxay Fiqul Awliyaat.
Waxyaallaha dhibi jiray ayey ka mid ahayd wadaad isu soo taagaya toosinta arrin aad u hooseeya kana aamusaya arrimihii masiiriga ahaa ee ay ahayd in uu toosiyo.
Tusaale ahaan wiil iyo gabadh munkar sameeyey in wadaadku baacsigooda xiiseeyo waxa ka mudan toosinta arrimaha dawladnimo ee qalloocan, sida; caddaalad darrada, musuqa, eexda, caafimaad laโaanta iyo adeegyada asaasigaa. Laakiin wadaadku haddii uu intaas indhaha ka laabto oo arrimo yaryar ku mashquulo waxyaallaha dadka wadaadka nacsiinaya in ay tahay ayuu sheegay.
Wuxu sheegay sababihii kacdoonkii Faransiis dadku meel uga soo wada jeesteen wadaadka iyo boqorku waxa ay ahayd kiniisadda oo gaashaan-buur la ahayd boqortooyada.
Dhiganayaal door ah iyo khudbado badan wuxu ka galay kaalinta Islaamku dumarka siiyey, wuxu bidhaaminjiray xuquuqda Islaamku u oggolyahay ee laga indha-saabay. Wuxu inta badan sheegi jiray in Islaamku dumarka u hiiliyey, laakiin dhaqannada gurracan ee deegaanada qaar dumarku kala kulmaan aan Islaamka lagu eedayn karin.
Arrimaha lagu xiisaynjiray buugtiisa iyo muxaaddarooyinkiisa ayey ahayeen in uu ahaa suugaanyahan suugaanta dhiirigeliya, adeegsada, kuna dooda in aan afna hodannimadiisa la arkayn suugaanta laโaanteed. In badan ayuu Islaamka faafintiisa u adeegsaday suugaan.
Sheekhu wuxuu ahaa isbeddeldoon dhab ah. Wuxu in badan sheegi jiray in aanu ahayn Islaamkii nabi Maxamed kan maanta jooga, ee loo baahanyey in la sugo Islaamkii isbeddelka togan keenay ee nebi Maxamed horseedka ka ahaa ee caddaaladda, sinnaanta iyo ilbaxnimadu salka u ahayeen.
Qasaali wuxu aaminsanaa in kacdoonnada sababaan dulmi dadku tirsanayaan, jidka ugu dambeeya ee dadku doonistooda ku cabbiri karaanna uu yahay kacdoon. Wuxu in badan odhanjiray yaan kacdoonka la dhibsan ee waxa keenaya hala dhibsado, si aan kacdoon u iman.
Iskuma uu goโdoomin ka hadlidda fiqiga cibaadada oo kaliya ee wuxu u banbaxay hagaajinta fiqiga dawladnimo. Xilligii boqor Faaruuq ka talinayey Masar wuxu qoray buugga (Islaamka iyo Kalitalisnimada Siyaasadda) waxa ay u horseedday cadaawad siyaasadeed. โXukunka kalitalisnimadu waa burburka diinta iyo kharaabka adduunka.โ Waa qayb ka mid ah hadalkii buugga ee boqortooyada gilgilay. Buuggaas in suuqa laga soo ururiyo ayey boqortooyadu amartay, isagana maxkamad lagu furo, oo suโaalo buugga ku saabsan la waydiiyo.
Mar kale waxa ay isku dhaceen xukumaddii Anwar Sadaat oo soo saartay qaanuun loogu magacdaray Jahaan-Saadaat. Jahaan waa xaaskii madaxwyne Anwar. Shacrigaasi wuxu dhigayey in shareecada Islaamka wax-ka-beddel lagu sameeyo wixii ka khuseeya arrimaha qoyska, sida guurka, furiinka iyo dhaxalka.
Aqoonyahannno diineed ayaa arrinkaas ka hor yimid, waxa ka mid ahaa sheekh Maxamed Qasaali oo arrinkaas qoraallo iyo khudbado ka galay. Waxa ay dhaxalsiisay in laga mamnuuco in uu masaajid ka hadlo, sida oo kale madbacadihii buugtiisa daabici jiray waxa la faray in ay joojiyaan, halka maktabadihiina laga soo ururiyey buugtiisa. Waxa uu uu u dhoofay waddanka Sucuudiga, wuxu u sii dhaafay waddanka Aljeeriya oo uu u fadhiistay faafinta diinta Islaamka 1980kii.
Waxa kale oo ay isku dhaceen Maxamed Xusni Mubarak. Mubarak ayaa 1995kii ka badbaaday isku day dil. Kolkii uu ku soo noqday Masar ayey booqosho ugu tageen wadaaddadii Asโhar, oo Qasaali ku jiro. Kulankaas ayey isku khilaafeen madaxweyne Mubarak iyo sheekh Qasaali. Hadalka madaxweynaha waxa ka mid ahaa; โHammigayga waxa aan geliyey sidii aan malaayiinka Masaaridaa ugu diyaarin lahaa quudkoodii, arrinkaas waan u hurdo seegay.โ
Sheekha ayaa ugu jawaabay, โYaad quudisaa? Adigu awood ma u leedahay in aad naftaada quudiso? Ilaahay ayaa adiga iyo iyagaba quudiya. Adigu ma tihid Rabbigayo, kaliya shaqada aad u igman tahay waa maaraynta hawlaha dawladda. Kor u qaadidda heerka Masar taagan tahay iyo doorkeeda hoggaamineed oo aad ka soo dhalaasho.โ Odhaahda Qasaali; โAdigu ma tihid Rabbigayoโ waxa ay noqotay halhays caan ka ah Masar iyo dunida Muslimka. Waxa kale oo bogaadin badan loo muujiyey sheekh Qasaali dhiiranaantiisa.
Sheekh Maxamed Qasaali waa mid ka mid ah tiirarka Ikhwaanul-Muslimiin. Faafinta fikirka Ikhwaanka dadka doorka shariifka ah ka qaatay ayuu ka mid yahay. Qarni haafkii ayuu geliyey faafinta fikirka Ikhwaanka.
Sheekh Qasaali wuxu dhaliilay qaabka ay u socoto dacwadda Ikhwaanku. Xasan Hudaybi iyo Qasaali khilaaf xooggan ayaa dhexmaray oo sababay in ka mid noqoshada ururka uu ka baxo Qasaali.
Khilaafkaas dhexmaray hoggaamiyihii Ikhwaanka iyo Sheekha waxa laga sameeyey been abuuryo badan oo ay ka mid ahayeen; Qasaali oo Ikhwaanka ku sheegay urur argagaxiso iyo in aanay ahayn urur diin-doon ah.
Xaqiiqadu se waxa ay tahay in uu ka cudurdaartay dhacdadaas, caddeeyeyna in uu ka saxsanaa Hudaybi. Sida oo kale sheekhu noloshiisa wuxu u hibeeyey faafinta fikirka Ikhwaanka.
Sheekhu wuxuu caddeeyey in aanay isku xidhnayn fikirka aad aaminsan tahay faafintiisu iyo in aad isla fikirkaa cidda wadda aad ka mid tahay. Ikhwaanka isaga oo urur ahaan uga tagay ayuu haddana ka mid noqday ragga ugu cadcad ee faafiya fikirka Ikhwaanka. Wuxu kaga saamayn waynaaday raggii ururka xubnaha ka ahaa xagga faafinta fikirka.
Arrimaha lagu bogaadiyo waxa ugu horreeya ku adkaantiisii xaqa iyo in uu ahaa nin doodyaqaan ah. Doodaha ugu caansan Masar inta badan qayb ayuu ka ahaan jiray. Sannadkii 1985kii isaga iyo Qaradaawi waxa ay dood la galeen Fuโaad Sakariye. Dooddaas oo cinwaankeedu ahaa Islaamka iyo Calmaaniyadda.
Dood kale oo caan ah ayaa ka dhacday isla Masar sannadkii 1992kii, taas oo ay wada galeen sheekh Qasaali, Dr. Maxamed Cammaara iyo Maโmuun Hudaybi oo isku dhinac ah. Halka Faraj Fawda iyo Maxamed Khalaf iyaguna isku dhinac ahayeen.
Doodahaa caanka noqday waxa ay sababtay in Fuโaad Sakariya iyo Faraj Fawda culimada Asโhar ku xukumaan in ay diinta ka baxeen. Fuโaad isagu Masar ayuu ka baxsaday, halka Fawda isla sannadkaas loo dilay murtadnimo. Dilka Fowda, waxa lagu eedeeyey in uu fatwooday sheekhu. Laakiin sheekhu wuu iska fogeeyey jiritaanka arrinkaas iyo in uu fatwooday in Fowda la dilo.
Maxamed Qasaali wuxuu astaan u noqday xaq-u-dirirnimada. Intii uu noolaa wuxu u taagnaa faafinta, difaacidda iyo caddaynta xaqa. Islaam-doon dhab ah ayuu ahaa. Wuxu ku mutaystay in uu loollan adag la galo xukumadihii Masar isaga dambeeyey, sida oo kale wuxu doodo adag la galay calmaaniyiin iyo diinxumaystayaal.
Sheekh Qasaali wuxu ka tagay raadweyn oo aqoon ah. Wuxu dhiteeyey buug badan oo aqoon iyo aragti xambaarsan. Wuxu reebay dhaxalweyn oo aqoonysan. Waa na mid ka mid ahmurtiyahannadii ugu waaweynaa ee dunida soo maray.