Waxaan xiiseeyaa in aan kala barto Siyaasiyeenta Somaliland, siiba kuwa u tartamaaya hoggaaminta dalka. Waxaan ku dadaala in aan ogaado taariikhdooda, aqoontooda iyo sooyaalkooda siyaasadeed. Waxaan si fiican ula socda Guddoomiye Cabdirahman Cirro, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Waa saddex nin oo magac, maamuus iyo qadarin mudan, waxay kasoo kala jeedaan saddex xisbi qaran, waxa ka dhaxeeya tartan kulul, laakinse cay iyo af-lagaado isuma quudhaan.
Waa gob iyo caadkeed. Haddaba, waxa soo baxay nin afraad oo la yidhaahdo Maxamoud Xirsi una sharaxan hoggaaminta Somaliland, sida uu sheegtay, wuxuu ka dhex tartamyaa Waddani, dhawr jeer ayaan dhegaystay, laakinse maan fahmin mawduuca uu ka hadlaayo, “Subject matter”, cida uu la hadlaayo iyo meesha uu ka soo hadlaaayo. Wuxuu iska qabtaa “video –clips” asaga oo leh “Shir-jaraa’id “ayaan qabtay.
Maan arag suxufi ag-fadhiyaa, maan arag su’aal la waydiinaayo, maan arag calanka Waddani, maan maqlin cid hadal haysa. Markuu hadlaayo warqad ayuu ka akhriyaa, Af-Soomaaligu wuu ku adag yahay, kama hadlo barnaamij siyaasi ah, dhibaatooyinka dalka ka jira, waciy-gelinta diiwaangelinta iyo abaaraha dalka ka jira, inta badan wuxuu caayaa xisbigga oo ku sharaxan yahay iyo odayga uu la tartamaayo.
Waa badawnimo siyaasadeed iyo dhaqan liita.Hadaba, markii aan waraystay musharax Maxamuud Xirsi, waxa lay sheegay in asalkiisu yahay Oromo Itoobiyaan ah “Oromo-Ethiopian “ balse ku dhashay, kuna koray Somaliland “Walaahu-yaclam”.
Waa Musharax la Muuseeyay oo la mustafeeyay. Haddaba, waxaan Saxaafada xorta ah ee Somaliland ka codsanayaa in ay musharaxaas kasoo saaran qolka madow, kana waraystaan taariikhdiisa, aqoontiisa, kartidiisa, barnaamijkiisa , xisbigiisa iyo waxa uu u caytamaayo, hana loo sheego saddexda Musharax ee kale in aanay caytamin, balse in ay si ilbaxnimo ku jirto u tartamaayaan.
Hoodo Yusuf, UK, London.