Qaylo Dhaan: Waajibka aqoonyahanka dalka ee ku aadan fashilaadda siyaasadeed iyo hoggaamineed (WQ: Prof. Maxamuud Jaamac Axmed “Xamdi”)

Allaahuma Qad Ballaqtu…. Allaahuma Fash-had

Waan ka raaligalinayaa akhristayaasha luuqada adage e aan ku qorayo maqaalkan, anigoo aaminsan in haddii aanan sidan hadda u qorin aan noqon karo qof dalkiisa khiyaameeya, wadcigan maanta jira awgeed.

Waxay ahayd maalintii Sabtidii oo ku beegnayd 10/09/2016, markii uu madaxwaynuhu soo saaray go’aanka kala qaadista labada doorasho ee wakiilada iyo Madaxtooyadda, iyadoo sababayntii dheerayd iyo araartii uu madaxwaynuhu qoraalkiisa raaciyay ay kashiftay in siyaasada Somaliland ay gabi ahaamba gudhay, haddii ay tahay xukuumada, axsaabta mucaaridka, labada aqal ee sharci dajinta (Wakiilada & Guurtida).

Aan qaab su’aalo iyo jawaabo ugu dhigo si loo yara fahmo:

  1. Xeerka doorashada Golaha wakiiladu 20-2/2005 oo dhaqan galay sannadkii 2005 iyo go’aanka maxkamada dastuuriga ah saw may sheegin in saami-qaybsiga kuraasta wakiilada ee xeerkaasi ku xusan ee lagu galay doorashadii wakiilada 2005 ay tahay mid lagu galaayo doorashadaasi oo qudha?
  2. Golaha Wakiilada markii uu xilka loo dhaariyay, Saw may ogayn in xilka ugu horreeya ee saaran uu yahay inay soo diyaariyaan xeerkii lagu dooran lahaa kuwa iyaga ku xiga?
  3. Hadday ku guulaysan waayaan arrintaasi muddadoodii rasmiga ahayd, maxay ugu guulaysan waayeen muddo kordhinadii loo sameeyay?
  4. Shirgudoonka Wakiiladu iyo xubnaha golahaasi miyaanay akhriyiyin qodobka 38aad ee dastuurka faqraduusa 1aad oo u dhigan sidan: (Awoodda Xeer-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay gaar ku tahay Baarlamaanka oo ka kooban laba Gole oo kala ah Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida. Xilka xeer-dejintu uma wareegi karo cid ka baxsan Baarlamaanka.), innagoo og in cida la yidhaahdo arrin ayuu awood u leeyahay in isla cidaasi noqonayso cida lagala xisaabtamaayo awoodaasi.
  5. Miyaanay ceeb ku ahayn Shirgudoonka Wakiilada iyo Xubnaha golahaasi inay muddadaasi dheer ee ay fadhiyeen ay mar-marsiiyo ka dhigtaan samayn la’aanta xeerkii ugu muhiimsanaa ee laga sugaayay in aanay soo jeedin uga iman xukuumada, iyadoo xilka xeer dajintu ay iyaga saaran tahay, laakiin maan sheegin haddii shirgudoonka wakiiladu iyo xildhibaanadu isu arkaan in xilkoodu yahay (xeer-ansixin), halkuu ka ahaan lahaa (xeer-dajin) sida uu dastuurku sheegaayo.
  6. Laakiin Shirgudoonka wakiiladu iyo xubnaha golahaasi waxay eedayanta ka ilaabeen inay eedeeyaan shacabka JSL, sababtoo ahba shacabku way soo jeedin karaan qabyo-qoraalka sharciga doorashada wakiilada, halka ay maanta eeda ku koobaayaan xukuumada oo qudha?
  7. Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu way ogaayeen sidii loo doortay 2010 inuu waajib ka saaran yahay sii wadida hanaanka diimuuqraadiyadeed ee dalka oo saldhig u yahay doorashooyinka, maxay tallaabo ay u qaadi waayeen xilli hore, halka maanta uu madaxweynuhu ku sheegayo degreetadiisa in wakhti cidhiidhi ku yahay oo ay doorashada ka hadhsan tahay qudha 7 bilood?
  8. Talaw maxay qabanaysay xukuumadu intii hore?
  9. Madaxweynuhu miyaanuu digreetadiisii dhawayd ee summadiisu ahayd JSL/M/SHGW/081-4240/092016 kuna taariikhaysnaa 10/09/2016 ku sheegin sidan: (Markii aan qiimeeyay Qaraarkii Maxkamda Dastuuriga ah ee JSL ee lagu qabtay doorashadii golaha wakiilada ee 2005-tii, kaas oo jidaynayey in saamiga kuraasta golaha wakiilada ee hadda lagu kala fadhiyo hal mar oo keli ah doorasho lagu galo, wixii ka danbeeyana tiro-koob guud dalka lagu qabto.).
  10. Talaw madaxaynuhu go’aanka maxkamda dastuuriga ahi soo saartay 2005-tii ma wuxuu arkay hadda oo lagu jiro September 2016 mise wuxuu arkay xilligii la soo saaray 2005-tii, oo uu ahaa gudoomiye xisbi mucaarid oo la filaayo inuu xog-ogaal u noqdo arrimaha siyaasada dalka? Haddii se uu ogaaday go’ankaasi soo baxay 2005-tii hadda waxa taasi cadaynaysaa in ay masiibo qaran ballaadhan haysato dhinaca hogaaminta.
  11. laakiin cadaymo badan ayaa cadaynaya in madaxwaynuhu ogaa go’aanka maxkada dastuuriga ahi 2005-tii, inuu keensanaayo in la sameeyo diiwaangalin iyo tiro koob muwaadiniinta dalka oo dhan si loogu saleeyo qaybinta kuraasta gobal kastaaba inta uu ka helaayo golaha wakiilada.
  12. Laakiin, Miyaanay dalkeena ka dhicin diiwaangalin madani ah oo lagu sugaayay dadka muwaadiniinta ah iyo kuwa aan muwaadiniinta ahayn?
  13. Miyaanay qarankeenan yar ay kaga bixin malaayiin doolar diiwaangalinta madaniga ah ee ay xukuumadu si toos ah u maamulaysay?
  14. Bal dib u akhriso khudbad qoraal ah oo uu madaxwaynuhu ka jeediyay xaruunta wasaarada warfaafinta JSL xuska maalinta saxaafada Somaliland oo ku beegnayd 09/11/2014, marka uu ka hadlaayo diiwaangalinta madaniga ah oo uu madaxwaynuhu ku tilmaamaayo inay ceeb tahay in aynaan diiwaangalintaasi samaysan.
  15. Sidoo kale bal akhriso digreetada madaxweynaha oo ay sumadeedu tahay: JSL/M/XERM/249-2296/032014, taasoo uu ku dhaqan-geliyey xeerka Aasaasidda Guddida Hoggaaminta Diiwaan-gelinta Muwaadinka iyo Guddi Hawleedkeeda. Isagoo madaxweynuhu araarteeda ku xusay arrimahan: (Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la helo Diiwaangelinta muwaadinka oo laga sameeyo Dalka oo dhan si loo helo xog sugan; Markuu Yaqiinsaday: In Diiwaangelinta Muwaadinka ay udub-dhexaad u tahay isla markaana fudaydinayso in la helo diiwaangelinta codbixiyaha oo u gogol xaadhaysa in la helo doorasho xor oo xalaal ah;Markuu Xaqiiqsaday: In ay tahay daruuri in la sugo muwaadiniinta reer Somaliland si loo xaqiijiyo in ay codeeyaan muwaadiniinta oo keliya;)
  16. Haddiiba aynu diiwaangalintaasi madaniga ah samaynay, maxaa loogu salayn waayay saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada? Haddii aynu si qaldanna u samaynay diiwaangalintaasi talaw ma cid aan madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa ahayn ayaa ka masuul ah?
  17. Haddii ay diiwaangalintii madaniga ahayd ay noqotay mid aan waxbaba dawa ka ahayn, talaw Lacagtii malaayiinka doolarka ahayd ee laga guray muwaadiniinta diciifka ah ee JSL, miyay u celinaysaa xukuumada Madaxweyne Siilaanyo?
  18. Talaw kaadhka diiwaangalinta muwaadinka ah ee aynu qaadanay ma faalsaa?
  19. Talaw madaxwaynuhu markii uu soo saaraayay muddaynta doorashada madaxtooyada iyo wakiilada oo isku-lamaan ee ay tilmaamayso digreetadiisa summadeedu tahay: JSL/M/XERM/249-3569/092015 ee ku taariikhaysnayd 10/09/2015, talaw madaxwaynuhu miyaanuu ogayn in doorashadaasi si loo galo loo baahan yahay in xeerkeedii la diyaariyo?
  20. Muxuu muddadaasi ah sannadka dhan uu qabanaayay madaxweynuhu?
  21. Muxuu guddida uu maanta magacaabay uu sannad ka hor u magacaabi waayay?
  22. Bal sida aynu u yara ogaano marka madaxweynayaashu leeyihiin karti hogaamineed iyo daacadnimo waxa ay qaban karaan, yaanan tusaale u soo qaadan dal kale, balse aan soo hal-qabsado Madaxweyne Rayaale wuxuu ka yeelay isla doorashadan wakiilada, Sannadkii 2005-tii, waxay labada aqal (wakiilada,guurtidu) cod aqlabiyad ballaadhan oo ah 2/3 ku ansixiyeen in xeerka doorashada wakiilada oo aan u suuragalinayn madaxwene Rayaale inuu qabto 2005-ta, taasoo madaxweyne Rayaale sharcigu u bannaynaayay kaliya inuu saxeexo arrintaasi ama gal-dalool sharci ku duro go’aanka labada aqal kaasoo u gudbinaaya maxkamada dastuuriga ah, isagoo Madaxweyne Rayaale qaatay go’aankan dambe maxkamadii dastuuriga ahaydna ay isaga u xukuntay, sidaasna uu u qabtay doorashada wakiilada 2005-tii.
  23. Madaxweyne Siilaanyo markuu ku sababaynayo go’aankiisan dambe inuu doonaayo inuu dal mid ah ka tago, miyaan loo fasirin karin (anigu mushkiladan waxaan u rarayaa madaxweynaha iga dambeeya, si isagu u qaato eeda ka timaada?).
  24. Axsaabta siyaasada JSL, miyaanay iyaguna masuul ka ahayn inay soo bandhigaan aragtiyo iyo afkaar iyo qorshayaal siyaasadeed ku aadan arrintan iyo arrin walba oo qarankan la soo darista?
  25. Axsaabta siyaasadu heshiiskii ay ku heshiiyeen ee ahaa in madaxweynaha go’aankiisa la raaco, miyaanuu u eekayn inay leeyihiin (annagu kaliya waxaanu naqaanaa talada kursiga lagu doonto, laakiin waxba kama naqaano talooyinka dalkan lagu horumariyo)?
  26. Talaw dibu dhaca doorashada wakiiladu, maxa sabab u ah Komishanka oo yidhi farsamo ahaan uma qaban karno xilligeedii? Mise waxa sabab u ah lacagtii lagu qabanaayay oo loo waayay? Mise waxa sabab u ah sharcigii iyo siyaasadii hagi lahayd qabashada doorashadaasi?

–  haddaba su’aalo sharci oo ku saabsan digreetadan ugu dambaysay ee madaxweynaha, oo muujinaysa xaalada ay Somaliland gashay:

Go’aanka kordhinta golaha guurtida ee muddo xileedka golaha wakiilada, waxa soo saaray golaha guurtida oo dastuurku kaligii siiyay awooda kordhinta muddo xileedka, taasoo ay ayiday maxkamada dastuuriga ah, markaa marka madaxweynuhu digreetadiisan dambe ee uu gudbiyay qoraalkiisa golaha wakiilada oo uu ka dalbaday inay ansixiyaan, ma waxa ay u ansixinayaan ka sharci ahaan, innagoo og in sharcigu uu waajib yahay inuu soo maro saddex geesood oo kala ah (Madaxweynaha, Wakiilada, Guurtida).

Markaa haddii uu sharci yahay  waxa sharcigeenu sheegayaa, marka madaxweynuhu golaha wakiilada sharci u gudbiyo in uu u sii dhaafo dhinaca golaha guurtida ka dibna uu madaxweynaha ku soo noqdo si uu u dhaqan galiyo.

Laakiin markaad akhrisid digreetadan madaxweynaha waxaad arkaysaa inuu sheegay in marka golaha wakiiladu ansixiyaan inuu u gudbin doono maxkamada dastuuriga ah, taasina waa jabin sil-siladii sharici dajin ee dastuurku sheegay.

Laakiin dibu dhigista doorashada golaha wakiilada waxa ka dhalanaysa in muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada ee hadda fadhiya, taasina waxa awoodeeda oo qudha leh golaha guurtida, oo isaga aan qoraalkan laguna socodsiin, si uu tallaabada sharciga ah uga qaado.

Halkaa waxaad ka arkaysaa in qaasaawasaln sharci oo ballaadhan ka jiro go’aanka ugu dambeeyay ee madaxweynaha.

Ugu dambayn waxa muhiim ah in la fahmo in daganaasho siyaasadeed uu aasaas u yahay horumar kasta oo ay bulshadu ku taamayso, oo suuragal maaha in horumar dhaqaale, aqooneed, caafimaad, shaqo abuur…iwm uu wadani ku tallaabsado iyadoo siyaasadiisu aanay daganayn.

In uu nidaamka siyaasiga ah wadanku dagan yahay waxa kaliya astaan u ah in qaabka xukumka lagu gaadhi karo ama lagaga dagi karo iyo awooda uu yeelanaayo qayb kasta oo ah cida awooda haysato ay dhamaantood noqdaan kuwo cad oo aan lagu muransanayn oo lagu hoos noolaado qaab aan buuq iyo sawaxan lahayn.

Dabcan dawlada aan lahayn xasilooni siyaasadeed mababa dhici karto inay horumar kale gaadho, sababtoo ah waxay tahay meel u nugul xasilooni darro aanay suuragal ka ahayn in ay ka samaysmaan horumar noocyadiisa kala duwan.

  • Talaw Dalkeena Somaliland ma ka jirtaa xasilooni siyaasadeed?
  • Miyaanay doorashooyinku mar kastaaba xilligeedii dhaafin?
  • Miyaanay JSL caan ku noqon muddo kordhin cid kastaaba loo samaynayo?
  • Miyaanaan wali la awoodi karin in la sameeyo xeerkii doorashada wakiilada?
  • Miyaanaan ilaa hadda la awoodin in la sameeyo xeerkii doorashada guurtida?
  • Talaw markaa siyaasiyiinteena oo dhami maxay ka shaqeeyaan?
  • Waa maxay shaqada ay ummadan u hayaan ee ay ku qaataan mushaharka, haddiiba aanay kaliya ka dhamaystiri karin arrimaha siyaasada inta aan la soo gaadhin danaha kale ee shacabka?
  • Siyaasiyiinta aan maanta awood u lahayn inay ku heshiiyaan qaabkii ay kursiga ugu fuuli lahaayeen? Ma laga yaabaa inay ummadan korkooda isku laayaan oo ay arrintaasi JSL ku soo celiso halkii ay ka bilawday?

Haddaba aqoonyahanka dalku ama waajibkiisii ayuu ka soo bixi oo dalkan wuu ka badbaadin siyaasiyiinta aan garasho kale oo aan ahayn hamuumyo kursi, ama wuxuu sugi uun in aqalku guudka kaga soo dumo…. Ilaahay madaxdeena ha waafajiyo khayrka… Ilaahayna waxaan ka baryayaa aqoonyahankana inuu garansiiyo xilkooda iyo waajibkooda, Ilaahay Somaliland ha ciseeyo oo horumar ballaadhan ha gaadhsiiyo…. Aamiin.