Askarigii ka tirsanaa qaybta booliska ee Gobolka Sool ee dhowaan ay afduubteen kooxdii tuugada ahayd ee ka xadday sanduuqa diiwaangelinta magaalada Laascaanood ayaa maanta xoriyadiisii dib u helay, waxaana odayaasha Degmada Boocame ay ku wareejiyeen wasiirul-dawlaha Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Maxamed Axmed Aadan.
Askarigan ayaa waxa la afduubay isaga iyo sanduuq uu illaalinayey guddaha magaalada Laascaanood.
Inkastoo la soo helay askarigan balse wali waxa maqan agabkii diwaangelinta lala afduubay askarigan.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: